Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Wasiirka Gaanshaandhiga ee dowladda iyo saraakiil oo u amba baxay dalka Talyaaniga

Recommended Posts

Wefdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamed Fiqi iyo saraakiil Milateri ayaa maanta u safray dalka Talyaaniga.

 

Saraakiisha ku wehlineysay safarka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxay kala ahaayeen Taliyaha ciidanka nabad sugida Qaranka Jen. Maxamed Sheekh Xasan, Jen. Maxamed Sheekh Madoobe, Jen. Muuse Xasan iyo Jen. Maxamed Aadan Biixi, waxaana la filayaa wefdigaasi ka socda Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya inay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaataan saraakiisha ugu sareysa Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Talyaaniga iyo weliba xubno kale oo ka mida xukuumada Talyaaniga.

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ka hor intii aanu ka dhoofin garoonka Aadan Cabdulle hadal kooban siiyay Warbaahinta isagoo sheegay in kulankani uu qeyb ka yahay booqashadii uu dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ku tagey dalka Talyaaniga, isagoo xusay in qodobo ka mid ah balan qaadyadii dowladda Talyaanigu u sameysay Dowladda Federaalka la filayo inay isla meel mariyaan.

 

Xukuumada Talyaaniga ayuu ku ammaanay sida ay u dooneyso inay ku taageerto dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed dedaalkeeda ku wajahan soo celinta nidaamkii iyo kala dambeyntii dalka.

 

safiiru.JPG

 

safiiru1.JPG

 

safiiru2.JPG

 

safiiru3.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

oo maxay talyaniga ka dooneen , alshabaab xammar bay joogaan , xammar ha ku eekaadeen difaac iyo dagaal halkasa laga banahanyahay wamaxay wasiirkan diifaaca eeh wasiir kharaaji isku haysta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this