Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

UN representative for Somalia TFG mandate running out 7 months left

Recommended Posts

Dowladda Soomaaliya waxaa u hartay 7 bilood

Media PlayerDaar noocyada kale ee Maqal/muuqaal

 

Augustine Mahiga, ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire Dr. Mahiga, ayaa sheegay in shir khaas ah oo heer sare ah oo ku saabsan Soomaaliya lagu qaban doono Addis Ababa, kaas oo ka garab dhici doona shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacaya Addis Ababa oo maanta furmay.

 

Shirka Soomaaliya looga hadlaayo waxaa wada jir u qabanaaya Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping.

 

Wuxuuna shirku dib u eegi doonaa xaaladda nabad raadinta ee Soomaaliya.

 

Dr. Mahiga wuxuu warkiisa ku sheegay in ay xilliga dowladda u harsan ay tahay wax ka yar toddoba bilood, welina loo baahan yahay in la qabto hawlo badan.

 

Dr Mahiga wuxuu kale oo uu sheegay in dowladda ku meel gaarka ay soo bandhigtay sida ay iyada la tahay in wax u dhacaan, taas oo ay ku muujineyso waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay qaban doonto inta wakhtigeeda ka haray.

 

Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeedaba waxaa si buuxda la isugu raacsan yahay ayuu yiri Mahiga, in xilliga ku meel gaarka uu ku dhammaado bisha August sidii uu qorayay heshiiskii Djibouti.

 

Hadda waxaa socda ayuu yiri wada tashi ku saabsan sidii la isugu af garan lahaa sidii Ku meel gaarka looga gudbi lahaa iyo qaabka siyaasadeed ee xigi doona.

 

Wada tashigu waa in uu Soomaalida dhexdeeda ka billowdo ayuu yiri, isaga oo ku daray in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato, oo dhinacyada oo dhan laga qeyb geliyo si la isugu af garto dhinaca loo dhaqaaqayo.

 

Wuxuu sheegay in hey'adaha ku meel gaarka ahi ay wadatashigaa dhexdooda ka billaabeen, iyada oo ay hagayan madaxweynaha, Af hayeenka baarlamaanka iyo ra'iisal Wasaaruhu.

 

Dr. Mahiga wuxuu kale oo uu sheegay in uu isagu billaabay in uu arrintan kala tashado dhinacyada gobolka ee daneynaya Soomaaliya iyo dhinacyo kale oo caalamka ahba.

 

Labaatan sano oo dhibaato ah ka dib, waxaa la joogaa ayuu yiri Mahiga xilligii Soomaaliya ay mar kale noqon lahayd dal ay dadkiisu ku nool yihiin nabad iyo ammaan horumarna sameeyaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeedaba waxaa si buuxda la isugu raacsan yahay ayuu yiri Mahiga, in xilliga ku meel gaarka uu ku dhammaado bisha August sidii uu qorayay heshiiskii Djibouti.

Hmmmm ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this