Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Lasanod Gets New Slaughter House

Recommended Posts

Laascaanood:- Kawaan loogu talagalay qalida xoolaha ayaa dhismihiisa si rasmi ah xadhiga looga jaray magaalada laascaanood

 

 

Laascaanood-(HWN)-Kawaan loogu talagalay qalida xoolaha ayaa dhismihiisa si rasmi ah xadhiga looga jaray magaalada laascaanood waxaana furitaankii dhismahan ka soo qayb galay masuuliyiinta maamulka gobolka sool iyo Degmada laascaanod waxaana ugu horayntii dhismahan xariga ka jaray Gudoomiyaha Gobolka sool C/laahi Jaamac diiriye isagoo ku tilmaamay dhismahan mid ay aad ugu baahnayd bulshada ku dhaqan magaalada laascaanood wuxuuna amaan u soo jeediyay Wasaaradda Maaliyada iyo Dawlada hoose oo iska kaashaday dhaqaalaha ku baxay dhismahan iyo waliba shirada qaadatay qandaraaskan oo lagu magacaabo shire company Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in dhismahan uu ka mid yahay waxqabadka maamulku ku talaabsaday.

 

Waxaa isna dhankiisa halkaasi kalmado mahad naq ah ka soo jeediyay Sh. cali macalin oo ku hadlayay magaca bulshada ku dhaqan magaalada wuxuuna uga mahadceliyay Wasaaradaha iska kaashaday dhaqaalaha ku baxay dhismahan iyo shirkada qandaraaskan fulisay ee shire company wuxuuna sheegay in ganacsatada yar yar ee hilbka qala ay hore dhibaato uga haysay goobaha ay ku qalaan iyadoo cashuur laga qaadi jiray maantana ay bulshadu u uaragto cashuurtoodii oo wax loogu qabtay

 

Mayer ku xigeenka degmada laascaanood oo isna ka hadlay Furitaanka dhismahan ayaa sheegay in wixii hada ka danbeeyay masuuliyada kawaankan ay la wareegayaan isla markaana wuxuu soo jeediyay in laga wada shaqeeyo nadaafada kawaankan oo aan kaliya lagu eegin dawlada hoose Waxaa iyana halkaasi ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin Xisaabiyaha maaliyada gobolka sool iyo Taliyaha qaybta booliska Mr.xariir iyagoo sheegay in ay tahay horumar gobolka u soo kordhay isla markaan xukuumada cusub ay ku talaabsatay loona baahan yahay in laga sii kordhiyo si dadweynaha waxqabadka maamulka ay u arkaan.

 

Si kastaba ha ahaatee kawaankan Gawraca ee laga dhisay magaalada laascaanood ayaa dhismihiisa oo burburay isla markaasna noqday meel banaan ah ayaa la sheegay in xiligii ingriiska la dhisay iyadoo maamulka cusub ee somaliland mar labaad dhisme cusub uga hirgeliyay

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Where are LA people, do not you guys see how reer Somalidiid are generous, they are building kawaan, oh what a nice people, never mind they forced you out of your houses, turned your booming city into ghost town and want to force their ideology down your throats by guns, what matters is they are building KAWAAN, it is time reer LA no entire SSC region ay ku heesi lahaayeen Somaliand dadkayga Somaliland dalkayga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this