Sign in to follow this  
Somalina

Sacuudiga oo dib usoo celiyey Maraakiib Xoolo Ka Keenay Soomaaliya

Recommended Posts

Somalina   

Dawladda Sacuudiga ayaa dib usoo celisay labo markab oo waaweyn kuwaas oo xoolo ka qaaday dalka Soomaaliya isla markaana u waday Sacuudiga.

 

Maraakiibtaas ayaa waxaa ay u rarnaayeen ganacsato Soomaaliyeed,waxaana ay ka ambabaxeen dekadda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.

 

Ganacsadaha u rarnaa labada markab ayaa dib usoo celiyey,waxaana lagu micneeyey in xoolahaas ay ahaayeen kuwa aan caafimaad qabin isla markaana ay qabeen cuduro.

 

Mid kamid ah markabka ayaa xoolaha laga dejiyey iyadoo kan kale lagu wado saacadaha soo socda laga dejiyo,waxaana ganacsatadii Soomaalida iska lahayd xoolahaas ay aad ula yaabeen cudurada lagu sheegay xoolaha maadama la marsiiyey Maxjar ku yaalla Berbera oo uu iska leeyahay ganacsade kasoo jeeda Sacuudiga.

 

Sacuudiga waxaa uu kamid yahay waddamada loo iibgeeyo Xoolaha Soomaaliyeed.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

The only thing that goes to those morons are the Somali livestock and they chose to block it and let the people suffer ...........

 

 

But again ,,,, it is "horseed media" :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadalba Sayidkaa dhameeyay:

 

- Cudud ma leh col kula weerar gala, ciidan iyo xooge

- Inkastey cid kuu soo diraan, waa cidloo kale

- Caloosha iyo madaxay sidii, dumar cantuugaane

- Maandhoow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xoolo Sucuudiga laga soo Celiyey

Xoolo gaaraya 13,000 oo neef oo loo iib geeyey Sucuudiga ayaa Dekedda Berbera lagu soo celiyey, iyada oo xoolaha xanuun lagu sheegay

 

Mas'uuliyiinta iyo ganacsatada Somaliland ayaa sheegay in cuduradii heshiiska lagu galay in xoolaha Sucuudiga loo dhoofinayo laga baaro dhamaantood laga baaray, hase yeeshee xoolaha hadda lagu soo celiyey xanuun aan horey looga heshiinin.

 

Warbixinta oo dhameystiran hoosta ka dhageyso.

 

VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bugland here is the context for the Sayid's peom about Arabs. Apparently nothing has changed for a century.

 

Caaro-caaradu waa cayayaan liita oo sumad u ah tabar-darrida. Sheekooyinka ka dhexeeya Soomaalida iyo Caaro-caarada, waxay tilmaamayaan in xayawaankani yahay mid taag-daran. Ooraah Soomaaliyeed baa jirta oo oo arintaas tilmaamaysa, waxay tahay : Taag-daranaa, ma xuub Caaraa. Sayid Maxamad Cabdulle Xasan ayaa isaguna gabey ku tilmaamey tabar-darrida lagu quursadey Caarada. Isaga oo xusaya bulshada Carabta ah iyo doorka ay ka qaadan karaan dhaqdhaqaaqii ay Soomaalidu kula dirirayeen gumeysiga, Sayid Maxamad wuxuu yiri :

 

Cudud ma leh col kula weerar gala ciidan iyo xooge

Inkastoy cid kuu soo diraan waa cidloo kale'e

Waa ceeryaamo soo curatey iyo xuubka caarada'e

Madax iyo calooshey sidii dumar cantuugaane

Maandhow calaalka iga daa Carabi waa naage

(Maxamad Cabdulle Xasan)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this