oba hiloowlow Posted January 25, 2011 Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada KMG ah ayaa maanta la kulmay dhalinyaro farabadan oo hore uga soo goosatay maleeshiyaadka Shbaab. Ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Gaashaandhiga, C/xakiin Xaaji Fiqi iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Dr. C/kariin Xasan Jaamac iyo Mas’uuliyiin kale ayaa maanta xarunta Nabadsugida Qaranka kula kulmay dhalinyaro farabadan oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Shabaab oo hore Dowlada isugu soo dhiibay,, waxaana sidoo kale kulankaasi goobjoog ka ahaa Taliyaha Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed. Ku simaha R/wasaaraha oo dhalinyaradaasi la hadlay ayaa sheegay in Dowladu ay ku faraxsantahay soona dhaweeyneeyso ga’aankooda ku aadan in ay ka soo baxaan Shabab. wuxuuna intaa raaciyay uu Madaxweynaha uga sido Salaan, Dowladuna ay daryeel wanaagsan u fidindoonto dhalinyarada ka soo baxda Shabaab, isagoo u rajeeyay in ay ka qeyb gaadan doonaan difaaca dadka iyo dalkooda. “ Waxaan ugu baaqeeynaa in ay dhalinyarada kale ee la marin habaabiyay ee wali ka mid ah Shabaab in ay Dowlada isu soo dhiibaan, waana hubaal in Dowladu ay daryeel wanaagsan u fidindoonto dhalinyaradaasi” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Dr. C/kariin Xasan Jaamac. Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada Dwolada KMG ah ay ku dhiirigelineyso dhalinyarada ay Maleeshiyaadka Shabaab u adeegsadaan dagaalada lagu gumaadayo Shacabka Soomaaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jiiroow Bakaal Posted January 25, 2011 Ciyaalkii Caliyaal Cimaamad loo xiraa asaa alshabaab waaye lagu leeyahay .lllolll Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted January 25, 2011 Jiiroow Bakaal;690298 wrote: Ciyaalkii Caliyaal Cimaamad loo xiraa asaa alshabaab waaye lagu leeyahay .lllolll Ar kan Caliyaale ku waashay neh xow ahaa acuudi bilaahi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 25, 2011 iska ilaaliya yanay wasiirada isku ag qarxin eh Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted January 25, 2011 Xaaji Xunjuf;690310 wrote: iska ilaaliya yanay wasiirada isku ag qarxin eh Haha, funny! NOT! Indhashareerka agtiisa ayey isku ag qarxinaayaan haddey is qarxinaayaan that is. Quote Share this post Link to post Share on other sites