Somalina Posted January 24, 2011 Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Africa ayaa deeq waxbarasho ka helay hey`adda gar-gaarka qaxootiga Soomaaliyeed oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SORAA. Waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay hey`addu ay diiwaan gelisay in ka badan 450 arday oo imtixaanaad kale duwan u fariistay, iyadoo imtixaankan uu yahay mid lagu ogaanayo heerka aqoonta ardayda dooneyso inay wax bartaan si loo qiimeeyo heerka waxbarashada ee ardayga. **** Osmaan Rooble oo ah madaxa hey`adda Somali Refugee Aid Agency ayaa sheegay in ardayda marka hore laga dhisi doono luuqadaha aas-aasiga u ah aqoonta sida English-ka, taasoo uu ku tilmaamay isfahanka qowmiyadaha ku nool dalka Koonfur Africa. Wuxuu intaasi ku daray ***** Osman in hey`addu ka shaqeyn doonto guud ahaan qaaradda Africa, iyadoo la dagaalami doonto kuwa ku xad-gudba xuquuqda qaxootiga Soomaaliyeed ee nabad gelya doonka u raadsada wadamada bariga Africa iyo weliba Koonfur Africa. madax hey`adda gar-gaarka qaxootiga Soomaaliyeed ee SORAA ayaa xusay in ay xarumo ka furan doonaan wadamada Zimbabwe iyo Mozambique oo ay ku dhibaateysan yihiin kumanaan qaxooti Soomaaliyeed oo kasoo barakacay dalka Soomaaliya. Hey`adda ayaa sheegtay inay wax badan ka qaban doonto arrimaha hormaka bulshada Soomaaliyeed, iyagoo tilmaamay inay bari doonaan todoba mowduuc oo kala ah:- 1. Abuurista goobo waxbarasho oo ay ka qayb gali karaan dhaman bulshada somaliyeed. 2. Shaqo u aburista qaybaha kala duwan ee bulshada qasataan dhalinyarada. 3. La talinta shaqsiyadka dhibataysan, iyo difaciidda xaquuqda dadka somaliyeed meel waliba oo ay joogaan. 4. Cirib-tirka cudurada dilagaa ah iyo la dagalanka jahliga. 5. Wacyigalinta bulshada iyo sara u qaadidda sum-cadda dadka somaliyeed meel waliba ay joogaan. 6. Dib u dejinta qoysaska ku cusub wadamda Afrika iyo shaqo u aburista qoysaska cusub. Hey`addan Somali Refugee Aid Agency ee deeqdaasi wax barasho u fidisay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur africa ayaa noqaneysa tii ugu horeysay ee deeq waxbarasho u fidiso Soomaalida ku nool wadanka Koonfur Africa. Cabdirizaaq Mursal Faarax crmursal1@gmail.com Cape Town, South Africa. Quote Share this post Link to post Share on other sites