Sign in to follow this  
General Duke

Bosaso: College of Islamic Finance opens in Puntland..Pics of progress

Recommended Posts

IMG_15051.jpg

 

Xarun Lagu Baranaayo Dhaqaalaha Islaamka oo laga Furey Bosaaso (Sawiro)

Posted: 2 hours ago | 1 comment

 

ShareMachad cusub oo lagu baran doono dhaqaalaha Islaamka isla markaana lagu magacaabo (College of Islamic Finance) ayaa si rasmi ah laga furey magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Xaflad xariga looga jaraayay machadka ayaa ka dhacdey Hotelka Jubba ee magaalada Bosaaso,waxaana kasoo qaybgalay masuuliyin uu kamid yahay Wasiirka Amniga Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr,Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje,Culimaa’udin,maamulka machadka,martisharaf iyo dadweyne kale.

 

Munaasabada waxaa lagu furey aayado qura’aan,waxaana hadalo kasoo jeediyey Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur kaas oo sheegay in muhiim tahay barashada dhaqaalaha Islaamka isagoo dhalinta ku booriyey in ay bartaan kana faa’ideystaan xirfadaan.

 

Maamulka Machadka Mudane Xassan Cumar Axmed iyo Drs.Ca’isho ayaa ka hadlay xaflada,waxaana ay sharaxaad ka bixiyeen qaabka ay ku aas aaseen machadkaan.

 

Drs.Caa’isho oo iyadu u dhalatay dalka New Zealand ayaa sheegtay in machadkaan ay ka fureen hore magaalada Kuala Lampur ee dalka Malaysia,waxaana ay sheegtay in markaana ay ka furayaan magaalada Bosaaso iyadoo ku baaqday in laga faa’ideysto.

 

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in machadkaan lagu bari doonaan culuumta kala duwan ee dhaqaalaha Islaamka iyadoo casharada ay bixin doonaan macalimiin kayimid dalka Kenya isagoo sheegtay in dhowaan ay rajeynayaan in machadka la balaariyo oo la gaarsiiyo magaalooyinka kale ee Puntland iyadoo lix bilood kadibna ay xarun kale ka furan doonaan magaalada Khartoum ee dalka Sudaan.

 

Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa bogaadin weyn ujeediyey dhamaan dadkii aasaasay machadkaan oo uu ku tilmaamay mid wax badan u tari doonto bulshada reer Bosaaso.

 

Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr oo gunaanadkii munaasabada ka jeediyey hadal ayaa ugu baaqay dhamaan Umadda reer Puntland in ay bartaan aqoonta gaar ahaan dhalinyarada,isagoo sheegay in aqoonta ay tahay wax muhiim ah.

 

Machadka lagu baranaayo dhaqaalaha Islaamka ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey ee noocaan oo laga hirgeliyo degaanada Puntland.

 

Maxamuud Cabdi Ibraahim

Horseed Media

Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this