Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Illiterates on Assignment Sharif MP accuses Puntland of selling Socotra (He gets a fitting reply)

Recommended Posts

socotra_island2.jpg

 

 

A Sharif supporter and MP named Ali Osman 'Diinsoor' who has been commissioned by Sharif Ahmed to attack Puntland via the Mogadishu tabloids has said that 'Puntland recently sold Socotra Island to Unites States of America which belonged to Somalia.'

 

Puntland Deputy Parliament Speaker Salaad Hared Ali replied tongue in cheek saying 'there is no island we have sold on and we do not want to sell any islands'

 

Furthermore he replied: 'I never heard that Socotra was part of Somalia when I was at school and I wasn't certainly taught about Socotra belonging to Somalia neither. I attended the renowned Allaahi Public School and I never saw it on the Geography map that this island belonged to Somalia either'.

 

This shows the level of education of Sharif Ahmed and his followers. One worse than the other. It's the blind leading the blind.

 

This thread is intended to highlight all the ignorances and desperate utterings of Sharif Ahmed and Co.

 

Stay tuned.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Cali Cismaan Diinsoor: Puntland waxa ay iibsatay Jasiirada Saqadara

 

Muqdisho RBC Radio: Xildhibaan Cali Cismaan Diinsoor oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowlad gobaleedka Puntland in ay iibisay mid ka mid ah Jasiiradaha Soomaaliya.

 

Xildhibaankaan ayaa waxa uu sheegay in dowlad gobaleedka Puntland ay aaminsanyihiin in ay gabi ahaanba iibiyeen jasiirada lagu magacaabo Suqadara.

 

Xildhibaankaan ayaa waxa uu sheegay in ay heleen xog u aadan ariintaasi isla markaan ay haatan baarayaan sida dowlada Puntland ay u iibisay Jasiiradaan.

 

Cali Cismaan Diinsoor oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa tilmaamay in Jasiiradaan ay markii hore deganaan jireen dad Ingiriis ah.

 

Waxa uuna tilmaamay in ay haatan ka warheleen in jasiiradaasi laga iibiyay dowlada Maraykanka isla markaana y ka iibisay dowlada Puntland.

 

Hadalkaan ka soo yeeray mudanahaan ka tirsan baarlmaanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xili dowlada Puntland ay sheegtay in ay xiriirka u jartay dowlada FKMG Soomaaliya.

 

RBC Radio

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Illiterate MP Ali Osman 'Diinsoor': Puntland Sold Socotra to US, Socotra was settled originally by English people but Puntland now sold the Island to the USA'

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sharif hasn't said a word (stop your nonsense). You just highlighting "the ignorance and desperate utterings" of your adeero.

"No visitor card" for your adeer Faroole period! calaacal won't get him anywhere! he is being ignored....lol....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland replies tongue in cheek

 

Dowladda Puntland oo Gaashaanka ku dhufatay in ay iibisay Jasiirada Saqadara

 

 

 

Garowe RBC Radio) Iyadoo dowlada Puntland lagu eedeeyay in ay iibisay jasiirada lagu magacaabo Suqadara oo ay leedahay Soomaaliya ayaa arintaasi waxaa jawaab ka bixiyay gudoomiye ku xigeenka baarlmaanka Puntland.

 

Salaad Xareed Cali oo ah gudoomiye ku xieenka baarlamaanka dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxa uu sheegay in hadalkaasi uu yahay mid waxba kama jiraan ah.

 

Gudoomiye ku xieenka baarlamaanka Puntland ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin wax jasiirada oo ay iibiyaan isla markaana aysan doonaynin in ay iibiyaan.

 

“Aniga waligay ma maqlin in Jasiirada Suqadara in ay ka tirsantahay Soomaaliya markii aan dhiganayay iskoolkana layguma barin, waxaan ka soobaxay dugsigii ALAAHIi waligayna kuma arkin Juquraafiga in jasiiradaasi ay leedahay Soomaaliya..’sidaa waxaa yiri gudoomiyaha baarlamaanka Puntland."

Hadalka Gudoomiye ku xieenka baarlmaanka Puntland ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii xildhibaan Cali Cismaan Diinsoor oo ka mid ah xildhibaanada dowlada KMG uu ku eedeeyay dowlada Puntland in ay iibisay Jasiirada Suqadara.

 

Garowe RBC Radio

 

Xafiiska Wararka RBC Radio Garowe Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Nimaan Talin Jirin hadduu taliyo Nimaan Tagi Jirin Baa Taga!

 

Maamulka Soomaaliyeed ee Puntlaand wuxuu soo maray marxalado badan oo kala duwan. Kuwaas oo kharaar iyo macaanba lahaa. Hogaanka maamulka ee xilligaan oo dhawr jeer dawga seegay, ayaa la mooddaa in uusan weli dhinaca siyaasadda qaangaar ka noqon, kolba docna isaga anbada.

[2011-01-22 21:54:08] Inkasta oo ay badan tahay inta jeer ee uu hoggaanka Punland, dhinac khaldan ula ambadaay talada maamulkaas Soomaaliyeed ayaa haddana waxaa jira kuwo halis ah oo wax weyn u dhintay magaca guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna aad u wiiqay sumacaddii Puntland iyo kalsoonidii ay Soomaalida kale u haysay maamulka iyo shacabka Puntland-ba.

 

Tii ugu darnayd ayaa waxay ahayd markii uu hogaanka Puntland uu go'aamiyey isla markaasna uu fuliyay in deegaannada Puntland laga tarxiilo dhammaan maatadii Soomaaliyeed ee gobolada kale ee dalka, gaar ahaan Koofurta ka soo Barakacay. Taas oo ah arrin aan horay uga dhicin geyiga Soomaaliyeed abid. Taariikhda Soomaaliyana ku ah bar madoow oo ku taal, kuna ooli doonta. Arrintaas murugada leh ilaa hadda maamulka Puntland wax raali galin ah kama bixin, umana muuqato in xilligaan maamulka Puntland laga helayo siyaasiyiin garan kara cawaaqibxumada arrintaasi ay leedahay, kuna dhiiran kara in raali galin laga bixiyo. Waxaa kale oo xusid mudan in xilligii uu maamulka Puntland sidaas u anbaday uu DKMG ee Soomaaliya Raysulwasaare ka ahaa Mudana Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo u baahnaa taageerada ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna tan shacabka iyo maamulka Puntland oo uu Raysulwasaaruhu ka soo jeeday.

 

Maamulka Puntland oo ay bilowgiisii ku midoobeen qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya ayaa hadda waxaa kalsoonidii kala laabtay kala bar goboladii iyo shacabkii maamulkaas dhidibada u taagay. Ayadoo qaarkoodna uu ku biiray maamulka Somaliland, qaarna uu dagaal hubaysan kala hor yimid halka qaar kalena uu afkii juuqda gabay. Taas oo haddii aan si deg deg ah wax looga qaban sabab u noqon karta in maamulka Puntland uu sidaas ku ahaado. Taasna weli hogaanka Puntland ma uusan garan, in loo sheegana iskala weyn!!! Dhaqanka noocaas ah ayaa waxaa lagu yaqaan dadka aan waayo aragnimada u lahayn sida wax loo hogaamiyo, dadkana la isugu wado. Waana sida ay xusayso maahmaahda Soomaaliyeed ee oranaysa: "Nimaan Talin Jirin hadduu taliyo, Nimaan Tegi Jirin Baa Taga!".

 

Arrimaha kale oo cadaynaya in hogaanka xilligaan ee Puntland uusan siyaasadda weli qaangaar ku noqon ayaa waxaa ka mid ah in marna ay leeyihiin waxaan hoos tagnaa, kana tirsannahay DKMG ah ee Soomaaliya, ayna ku doodayaan in ay goobjoog ka noqdaan shir kasta oo caalami ah oo ay DKMG ahi ka qaybgalayso. Maamulka Puntland ayaa sidoo kale mar walba gala heshiisyo aysan ahayn in maamul goboleed uu galo, taas oo hogaanka maamulku uu ku doodayo in aysan cidna kala tashanayn wixii ayaga khuseeya ama danahooda ah.

 

Haddaba haddii maamulku uu heshiis la galayo marba ciddii uu doono, isla markaasna aysan wax tixgalin ah siinayn DKMG ah oo ay sheeganayaan inay hoostagaan, maamulka Puntland iyo DKMG ah midkee baa ka baxay wixii heshiis ama xeer ahaa ee labada dhinac u dhexeeyay?

 

Maamulka Puntland wuxuu u baahan yahay siyaasiyiin leh aragti fog oo ka madaxbannaan caadifad qabiil, bartoodyaqaanna aan ahayn, ummadda Soomaaliyeedna wax kula qaybsada iimaansami, tixgalin iyo waddaniyad dhab ah.

 

Inkasta oo ay jiraan wax badan oo aan jeclaa in aan ka iraahdo hab-dhaqanka maamulka Puntland, bal hadana maanta aan ku soo afmeero meerisyo ka mid ah gabaygii Eerigoo ee gabyaagii Axmed-Dirir.

 

Amarkii ilaahiyo wakhtigu waa wax kaa adage

Nin anbaday halkuu aaday waa ula ekoonayde

Anigoo arkaayaan waddada Eerigoo xulaye.

 

 

Allwariye Online Media:

Wax is weydiini ma xumee, wax is weydaarsi baa daran!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this