Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Axmed Daaci : Amisom Waxqabad hala Yimaadan ama dalka haka baxaan

Recommended Posts

Gudoomiyaha degmada Wadjir ee dowlada KMG Somalia Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) ayaa ugu baaqay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee ku sugan Muqdisho in ay si wanaagsan wax uga qabtaan amaanka ama ay dalka isaga baxaan.

 

Axmed Daaci oo galabta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ku tilmaamay ciidamada AMISOM in aysan daacad ka aheyn dagaalka ay kula jirto kooxaha kasoo horjeedo dowlada iyo iyaga isaga oo arrintaasina sababeeyey.

 

"Waxaan la yaabanahay Taangi ay wataan AMISOM ayaa waxaa lagu soo ridayaa qori AK4 ah ama PKM markaasuu kasoo laabanayaa, AMISOM daacad kama ahan dagaalka, hadii aysan rabin an ay wax u qabayo shacabka Soomaaliyeed ha isaga laabtaano dalakooda Uganda iyo Burundi" ayu yiri Axmed Daaci.

 

Mr Daaci ayaa dhinaca kale ku eedeeyey dowlada KMG Somaliya in aysan waxba kusoo kordhin dalka isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay ra'isulwasaaraha Soomaaliya.

 

"mas,uul kasto marka la magacaabo wuxuu balan qaadayaa in uu wax qabanaayo, xukumadan waxay balan qaaday in amaanka ay ku hagaajineyso 100 maalmood gudahood, hada waxay cuntay 60 maalmood aaway xeey qabatay" ayuu yiri Axmed Daaci.

 

Mas,uulkaan oo lagu xasuusto degmada Wadajir oo ah halka ugu nabadoon magaalada Muqdisho ayaa ugu ku eedeeyey hey'adaha gargaarka in aysan waxba u qaban dadka barakacayaasha ah ee ku nool Dharkeenley.

 

Waxa ku sifeeyey hey'adaha in aysan waxba u dhaamin Al Shabaab oo dadka abaaraha iyo gaajada heysato ka hor istaagay gargaarka, waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan walaalahood ku baahan dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this