Sign in to follow this  
Somalina

Hargeysa: Tirada Caruurta Guryahooda Ka Luma Ama La Xado Oo Kur Kacay

Recommended Posts

Somalina   

Maalin Kasta Waxa Magaalada Hargeysa Ku Luma Saddex Ilaa Afar Caruur Ah Oo Laga Baafiyo Idaacada Radio/Hargeysa Oo Codkeedu Aanu Dhaafin Caasimada

 

Hargeysa, January 21, 2011 (Haatuf) - Hana Axmed Cali oo 12 jir ayaa dirqi kaga badbaaday Gabadh Afduub la damacsanayd inay ku kaxaysato abaaro 11:00 Duhurnimo ee maalintii doraad, iyadoo gabadha yare e 12-ka ahi ay xiligaasi ku socotay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo gabadh u edo ahi ku jirto.

Gabadha Afduubka la damacsanayd Hana Axmed Cali ayay ciidamada Amaanku gacanta ku qabteen, taas oo ilaa hadda ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa, taas oo baadhitaan ay ku wadaan ciidamada Bileysku.

Hana oo Aabaheed iyo Xubno qoyskoodu wehelinayeen ayaa Haatuf u sheegay in gabadhaa yari dirqi kaga badbaaday Gabadh Afduub la maaganayd inay ku fuliso inanta yar oo xiligaa wadada Wakaalada Biyaha hor marta socotay.

“Waxaan wakhtigaa socday waddada laamiga dhinaceeda wakaalada biyaha hor marta, ka dib gabadh aanan garanayn baa ii yeedhay waxay igu tidhi kaalay ii kaalay, wayna isoo daba gashay, waxaan ku socday dhakhtarka oo eddo ku jirto oo aan soo eegayey, iyada oo wali I daba socota aniguna aan ka baxsanayo ayaan nin iga horeeyay ku dhawaaday, waxaan arkay wali inay I daba socoto, isgoyska markaanu isla gaadhnay ayay Taraafigii qabteen, Saldhiga ayayna geeyeen dabadeed waa la xidhay aniguna Bas ayaan ka soo raacay Suuqii oo aan gurigayagii imid”.

Sidaa waxa tidhi Hana Axmed Cali oo ah 12jir, taas oo ka badbaaday Afduub la sheegay inay kula kacday gabadh ilaa hadda ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada hargeysa kuna socdo baadhitaan.

 

“Gabadhaasi (ta wax Afduubaysay) oo la eryanayo oo dadka ka cararaysa ayaanu qabanay iyo inanta yar, kadibna amaankeeda ayaanu Saldhiga dhexe isku dhaafinay oo aanu u gudbinay” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ciidanka nabadgalyada waddooyinka oo xilligaasi ka hawlgalayey isgoyska Cusbitaalka.

 

Sidoo kale mar aanu booqanay Saldhiga Dhexe ee Hargeysa ayuu noo xaqiijiyey mid ka mid ah Askarta Saldhigu in gabadhaasi isku dayday inay Afduubto gabadh yar ay xidhan tahay “Way xidhan tahay gabadhaasi ilaa hada saldhigan dhexe ayay ku xidhan tahay, waana la baadhayaa”.

 

DhinacaTirada Caruurta Somaliland ee Lunta ayaa maalin walba sii kordhaysa, kuwaas oo ka luma guryahooda, isla markaana qaar badan oo ka mid ah caruurtaasi loo galo baadigoob lagu raadinayo isla markaana lagu baafiyo Idaacada kaliya ee Somaliland leedahay ee (Radio Hargeysa).

 

Caruurta Guryahooda ka luma ayaa inta badan lagu qiyaasaa in maalin kasta ay lumaan tiro ku dhow Saddex ilaa Afar caruur ah, iyadoo mararka qaarna ay guryahooda ka soo lumaan ilaa saddex walaalo ah oo wada socda, kuwaas oo si wada jir ah loo baafiyo.

Sida uu Haatuf u xaqiijiyey Wariye ka tirsan Warfaafinta Xukuumadda.

 

Deegaanada ka baxsan caasimada ee aanay gaadhin Idaacada Radio Hargeysa ayaa lagu baafiyaa Caruurta guryahooda ka luma gaadiid ay soo kiraysaan Waalidiintu, isla markaana ay ku xidhan yihiin codbaahiyeyaal, kuwaas oo ku soo wareega gudaha iyo daafaha Magaalooyinka ay caruurtaasi ku lumaan.

 

Somaliland waxa ku nool caruur baylahsan oo hooyooyinkii dhalay ay Subaxnimada Hore u jarmaadaan goobaha shaqada si ay quutal daruuri ugu soo helaan caruurtooda, balse ay ku soo noqdaan guryahooda iyagoo qaar ka mid ah caruurtii ay maqan yihiin, isla markaana ay baadi goob degdeg ah u galaan sidi ay u heli lahaayeen.

 

Caruurta ugu badan ee ka luma guryahooda ayaa la sheegay inay da’doodu u dhaxayso 4 ilaa 8 jir.

 

Si kastaba ha ahaatee Somaliland ka ma jiraan xafiisyo diiwaangeliya tirade caruurta lunta, isla markaana ka taaageera Waalidiinta ay caruurtoodu ka maqan yihiin sidii ay ula baadi goobi lahaayeen helitaanka Caruurta Maqan oo Waalidiintii dhalayna ku abuurta walaac iyo walbahaar aanay hurdo ladin caruurta ka maqan darteed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

001YARTA.jpg

Sawirka Hana Axmed Cali Oo 12 Jir Ah Oo Dirqi Kaga Badbaaday Afduub Iyo Tirada Caruurta Guryahooda Ka Luma Ama La Xado Oo Kur Kacay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Caruurtii soomaaliyeed waa u dhamaatey waxaaan maqley meel god ah baa jirta oo addis ababa ku taal kuli la geeyo ka bacdina xubnaha jirka (organs) lagala baxo . Waa ayaan daro weeyn runtii in ragii soomaaliyeedna isku haays haaystaan kursi iyo maanaa yacni nimo , shacabkiina noqdeen mid qaxa, mid xabadu la tagto, mid xubinta jirka lagala baxo iyo mid badiisa lagu dhex dilo oo aan cidna is waaydiin.:mad:

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hargeysa wixii xun ba waa reer Koonfur miyaa? and yes, judge, lawyer iyo jury ayaan u ahay reer Koonfur. Waxaad sheegeysidna waxba kama jiraan, ee ha nabsan dad aadan waxba ku ogeyn.

 

Take responsiblity ha noo soo indhacadeyn halkaan bilaa evidence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maya walaal wixii xunba Reer Koonfur maaha, laakiin kuwan uunbaa xun caruurta xadaaya!

 

Evidence ga markaynu max-kammad isla galno ayaan keenayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waakaa waakaa. Kan u caqliyeey dee!

-----------

Hargeysa: Shabakad KaGanacsata Xubnaha Bani’aadamka OoAfduubay Fu’aad Cabdi Oo 11 Jir Ah, Soona Daayey Markay ogaad#een Inuu Qabo Xanuunka TB-da

 

Hargeysa, January 25, 2011 (Haatuf) – Shabakadd ka ganacsata xubnaha jidhka Bina-aadamka ayaa Afduubay Fu’aad Cabdi Maxamed oo 11 jir ah, mar uu hor marayey Maalintii Sabtidii wadada hor marta Hotel Star ee Magaalada Hargeysa, isaga oo wakhtigaasi ku socday xaafada Masalaha, kaas oo sheegay inay soo ag istaageen Rag wata baabuur noociisu yahay Surf Cas, isla markaana ay la socdeen rag isugu jira Soomaali iyo Ajanabi.

 

Fu’aad waxa uu sidoo kale sheegay in nimankaasi ay geeyeen guri dhinaca koonfur galbeed kaga beegan Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay baadhitaan caafimaad oo ay ku sameeyeen kadib soo daayeen markii ay ******** in Fu’aad uu qabo xanuunka TB-da.

 

Hooyada dhashay wiilkaas Caasha Xariir ayaa sheegtay in wiilkeedu uu ka maqnaa laba maalmood iyo habeen, isla markaana ay baadi goob u galeen, balse markii ay ka quusteen ay u keeneen Wiilkeeda Reer Degan Uubaale oo ay sheegtay inuu Firxadkii uu tagay.

Fu’aad Cabdi iyo hooyada dhashay ayaa Wariyeyaal ka tirsan Haatuf sidaasi u sheegay mar ay ku booqdeen xaafada ay ka degan yihiin Hargeysa (Libaaxyada.

 

“Waxaan ka baxay gurigayaga markaan qadeeyey, markaan ka baxay ayaa aniga oo taagan Hutel Star agtiisa oo raba inaan tago Masalaha ayaa waxa ii soo ag joogsaday gaadhi Surf ah oo Cas, baabuurkaas waxa saarnaa saddex qof, nin Somali ah iyo laba nin oo Cad-Cad, markaas ayuu kii baabuurka waday ila hadlay oo uu igu yidhi adeer hoo Mobil-ka, markii aan ku soo dhawaadayna intuu i gundhiyey ayuu baabuurkii igu tuuray, markaas ayey i geeyeen guri weyn oo ka danbeeyey Ambassodor, caloosha iyo wadnaha ayey wax qabaw iga saareen, markaas ayey i baadh-baadheen qalab ayey i saar saareen, markaas ayey yidhaahdeen TB ayaa haysa kan, anigoo ooyaya ayey igu yidhaahdeen orod oo iska tag oo car na soo sheeg, haddii aad na soo sheegto reerkiina iyo adigaba waanu idin laynaynaa, markaasaan aniga oo ooyaya ku idhi idinma soo sheegayo”.

Sidaasi waxa yidhi Fu’aad Cabdi Maxamed oo Haatuf u waramay maalintii shalay isaga oo la jooga qoyskiisa, mar aanu ku booqanay qoyskaasi Xaafada Libaaxyada ee magaalada Hargeysa.

 

Sidoo kale waxa iyaduna ka warantay sida ay wax u soo gaadheen Wiilkeeda Hooyada dhashay wiilkaasi yar ee la afduubay oo magaceeda la yidhaa Caasha Xariir Jaamac waxaanay tidhi “Doraad kawdii duhurnimo ayaa la qafaashay wiilka yar, waxaanu maqnaa laba maalmood iyo habeen, anaga oo yaaban oo la’ meel uu jaan iyo cidhib dhigay ayaa waxa keenay reer markii la sii daayey uu u tagay isaga oo firdhad ah, oo dagan meesha la yidhaa Uubaale. Inkasta oo ay Bileysku nagu yidhaahdeen ha waramina inta aanu arinta ku jirno, hadana dhibtaas ayaa wiilka yar ku dhacday, anaguna waanu rubad go’nay intii aanu raadinaynay”.

 

Hooyada Caasha ayaa sidoo kale sheegtay in wiilkeeda ay u socdaan dawooyin uu u qaato xanuunka Qaaxada, sidaa darteedna ay u soorto galisay inuu ka soo badbaado kooxdaasi Afduubtay Wiilkeeda.

Hooyo Caasha Xariir Jaamac ayaa waxa kale oo ay sheegtay in dhawaan Wiil yar oo kale oo magaciisa ay ku sheegtay Najax lagu qafaashay isla gurigaas inankeeda la geeyey oo isagu dirqi kaga soo baxsaday, waxa ay tidhi “Inankaa yar ee kale wuxuu ahaa 14 jir, waxa la yidhi isaga oo riyo xaraynaya ayey r’i guriga dabadiisa kala wareegtay markii uu is idhi soo Celina niman baabuur wata ayaa xoog ku saaray gaadhigiina wuu la baxsaday, reerkuna markaa wax ay kaga soo daba cararaan may haysan.

 

Waxa isna la keenay isla gurigaas ka danbeeyey Ambassador, markaas ayaa isagana caafimaadkiisii la baadhay, markii waxba laga waayey ayaa la geeyey qol ay ku jiraan caruur yar yar oo kale, ka dib wuu isku kaajay, markaas ayuu yidhi ala adeer kaadi ayaa i haysa isaga oo ooyaya, markii Musqul la geeyey ayuu qasabadii suuliga raacay oo uu xagii sare oo banaanayd ka soo dhacay, ka dibna dayrkii kale ee gurigana wuu ka soo dhacay, wiilkaas yari isaga oo wada dhiig ah oo quruuradihii jidhkiisii wada sareen ayuu ka soo baxsaday nimankaas, arimahan oo dhami waa dhacdooyin khatar ku ah amniga umada reer Somaliland, waxaanan xukuumada u soo jeedinayaa inay wax ka qabato khatarahan badan ee isa soo taraya”.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa soo badanaya Caruurta la kulma Afduub, taas oo Khamiistii todobaadkii hore ay dirqi kaga badbaaday in la afduubo Hana Axmed Cali oo 12 jir, kadib markii Haweenay isku dayday inay Afduubto, taas oo ciidamada bileysku ay ku xidheen saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

 

004tuugta.jpg

Midig:Hana Axmed Cali & Aaabaheed , Fuaad Cabdi Maxamed iyo Hooyadii Oo Ahaa Laba Caruura Oo Dirqi Kaga Badbaaday Afduubayaal ka Ganacsada Biniaadamka

Share this post


Link to post
Share on other sites

There are certain things in life that are and should be always beyond reproach - this is one of them. Have the decency to recognised it people and offer whatever help you can.

 

When i became aware of this issue and i wrote to the Puntland Authorities - offering my humble views as to how best confront this phenomenon - i was disappointed that their response was in a nutshell - Adigu haayad la imo maal gelisa - and we will help you establish it.:(

 

Thanks Somalina for keep us updated on this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuwa wax afduuba haddii la qabto, waa in si public ah qoorta looga gooyo (al AS style.) that will deter future wannabe kidnappers from ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this