Sign in to follow this  
Somalina

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo xukun ku ridday Suxufi

Recommended Posts

Somalina   

Sabti, 22 January 2011 (HOL)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun isugu jira Xadhig iyo ganaax ku ridday Tifaftiraha Wargeyska Waaheen oo ka soo baxa Hargeysa, kaas oo dacwaddiisu in muddo ah ka socotay Hargeysa.

 

Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay maanta saddex sanno oo xadhig ah iyo lacag ganaax ah oo dhan lix Milyan oo Somaliland Shiling ah ($900) ku xukuntay Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ah tifaftiraha Wargeyska Waaheen oo ka soo baxa Hargeysa. Dacwadda tifaftiraha oo dhawaanahanba ka socotay maxkamadda gobolka, ayaa Garsooraha qaadayay dacwaddan Cali Suudi Diiriye uu sheegay in ay soo eedeeyeen Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cilmi Roobleh Furre iyo Maareeyaha Wakaaladda Korontada ee Hargeysa, kuwaas oo soo oogay dacwad la xidhiidha warar been-abuur ah oo ay sheegeen in uu Wargeysku ka qoray, taas oo ay sheegeen in ay ku caddaatay.

 

Inkasta oo eedaysanaha iyo Qareenka u doodayay aanay wali ka hadal arrintan, isla markaana ay dacwaddu socotay isaga oo Suxufigu dibedda jooga oo aan la xidhin, haddana isla markii go’aanka Maxkamaddu dhacay, ayaa eedaysanaha loo taxaabay Xabsiga dhexe ee Hargeysa, kaas oo uu hadda ku xidhan yahay.

 

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddadii ay xilka haysay oo lix bilood ah waxay dacwado ku soo oogtay shan Wargeys oo ka soo baxa Magaalada Hargeysa, oo uu ka mid yahay Wargeyskan Tifaftirahooda la xukumay ee Waaheen, kuwaas oo ay qaarkod kula kacday falal xorriyad-qawlka ka dhan ah.

 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xisbiga UCID oo Canbaareeyay Cabudhinta ay Xukuumadda ku Hayso xoriyatal qawlka iyo saxaafadda xorta ah

 

Hargaysa(Waaheen)-Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ku dhisanyahay distoor siinaya xuquuqda muwaadin kasta una ogolaanaya in uu fikirkiisa cabiro, isla markaasna xaq u siinaya in uu muujiyo dareenkiisa, af iyo ficil salmiyaba.

 

Haddaba intii ay xukuumaddan cusubi qabatay hogaanka dalka oo ka soo jeeda xisbi aad u difaaci jiray xoriyatal qawlka iyo saxaafadda xorta ah, dhaliila-hoodana mar mar lagu tilmaami jiray qaranka dumis, iyagoo u jeeda in ay ku xumeeyaan xukuumaddii markaa jirtay.

 

Haddaba markaad eegtid yeedhmadii ay dhawaan looga yeedhay sheekh Aadan Siiro CID-da kadib markii uu masaajid ka jeediyay aragtidiisa ku aadan Dawladda.

 

Markaynu aragnay shaqaalihii Wasaaradda Maaliyadda ee ka cabanayeey imtixaankii laga qaaday ee cabashadooda ku muujiyay mudaaharaad salmiya ee xabsiga lagu guray.

 

Markaad aragtid 4-tii jaraa’id ee madaxa banaanaa ee dacwadu ku socoto, markaad aragtid Horn Cable TV oo loo hanjabay markii uu soo bandhigay macaluusha iyo saxariirka ka taagan xaafadaha Hargeisa qaarkood, waxaa isna sidoo kale loo hanjabay Universal TV oo sadexdda Gobol ee bari ka soo duu bay abaaraha iyo baahida ka taagan.

 

Ugu dambayn markaad aragtid xadhigan-(Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi) oo xukuumadu ku eedaysay inuu Madaxweynaha Af –lagaadeeyay iyadoon u marin sifihii sharciga ahaa isla markaasna hore u laashay xukunkii deg-deg ahaa.

 

Hadaba waxaa is waydiin leh goorta dhaliilihii iyo taladii xukuumadda loo jeedinayeey isku bedashay dambi, marka arrimahaas oo dhan isku soo gayso xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu u arkaa in ay xukuumadda

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo madaxda ka yahay u lahayn adkaysi iyo dulqaad dhaliilaha loo soo jeediyo taasina waxay u eegtahay hab dhaqankii kali taliska.

 

Xisbi ahaan (UCID) aad ayaanu u cambaaraynaynaa xadhiga -(Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi) iyo habka ay ku dhaqmayso xukuumaddu marka la eego xoriyatal qawlka.

 

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu xukuumadda ugu baaqayaa in ay -(Boqor Raabi Yusuf C/laahi) xoriyadiisii si degdeg ah oo bilaa shuruud ah ugu soo celiso.

 

Alla Mahad Leh

Afhayeenka Xisbiga UCID

Md Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)

Yasmin Raygal

Secretary of UCID Party

Cell Phone 00252-2-4427304

Office Phone 00252-2-528866

Hargeisa- Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waan ku taageersanahay max kamadda xadhiga iyo xukunkaba,

 

Sababtoo ah saxaafadda Somaliland markii xorriyad la siiyay ayay kibreen, oo ay wax aan sal iyo raadtoona lahayn iska qoreen! Ma waxay moodaan, beenta iyo gefka ay masuuliyiinta dawladda ka galayaaan inay tahay xorriyad oo lagu saamaxaayo.

 

 

Allay lehe saxaafad danbe ayaan wax been ah buunbuunin doonin, xadhiga suxufiganina wuxuu u noqon doonaa, wax ay ku cibro qaataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ururka Suxufiyiinta Iyo Qorayaasha Madaxabanaan SSJW Oo Ku Tilmaamay Xadhiga Suxufiga Xuuto Talaabo Hor Leh Oo Diktaytaranimo Ku Dhisan

 

Hargeysa, January 23, 2011 (Haatuf) - Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxbanaan ee SSJW, waxa uu si kulul u cambaaraynayaa xukunka sharci darada ah ee Maxkamada gobolka Hargeysa ku riday Tifaftiraha wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) shalay oo bishu ahayd 22 January, xukunkaas oo ah saddex sanno oo xadhig ah iyo lix Milyan oo Shillinka S/land (6,000,000).

 

Xukunkaasi oo markii uu dhacay ay islamarkiiba ciidamada amaanku si degdeg ah katiinad maxkamada gudaheeda loogu jabiyey Tifaftiraha Waaheen, talaabadaas oo ah mid kasoo hor jeeda Xeerka Saxaafada ee labada gole Baarlamaanku ansixyeen 2004-tii, islamarkaana dhaqan-galka ah oo dhigaya, oo xaaraantimaynaya, in xadhig lagula kaco suxufiyiinta haddii dacwad ka dhan ah saxaafada cidi ku soo oogto loo maro dariiqa Madaniga gaar ahaan qodobka 10-aad ee Xeerka Saxaafada, ayaa isagu si cad u cadaynaya in dacwadaha ka dhanka ah Saxaafada aan loo marin ciqaab iyo xadhig, balse loo maro habka Madaniga.

Qodobka 32aad ee distoorka qaranka Somaliland ayaa isaguna damaanad qaaday madaxbanaanida Saxaafada xorta ah, islamarkaana cadeeyay in waxkasta oo lagu cabudhinayo Saxaafada ay reeban yihiin, islamarkaana xoriyatal qawlka u damaanad qaaday.

 

Hadaba ururka Suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee SSJW waxa uu cambaaraynayaa talaabo kasta oo lagu cabudhinayo madaxbanaanida Saxaafada xorta ah iyo talaabo kasta oo baalmarsan Xeerka Saxaafada iyo shuruucda dalka u taala, islamarkaana waxaanu cambaarayn xoog leh u jeedinaynaa sifaha sharci darada ah ee loo maray xukunka ay Maxkamada gobolku ku riday Tifaftiraha wargeyska Waaheen, waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda Somaliland inay si dhakhso ah xoriyadiisa ugu soo celiso suxufigaasi Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), islamarkaana ay ixtiraamto Xeerka Saxaafada iyo xoriyatal qawlka.

Waxa kale oo ururka SSJW uu cadaynayaa, inuu si weyn uga soo hor jeedo talaabo kasta iyo olole lagu cabudhinayo madaxbanaanida Saxaafada xorta ah iyo xadhig sharci daro ah oo lagula kaco suxufiyiinta ka hawl gala Saxaafada Madaxabanaan ee dalka iyo dariiqa kasta oo lagu dibindaabyaynayo Xeerka Saxaafada ee dhaqan galka ah.

 

Ururka SSJW waxa uu saxaafada Somaliland ee dalka ugu baaqayaa inay ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imanaya waajibaadka xil-gudasho ee mihnada Saxaafada iyo waxkasta oo aan waafaqsanayn Xeerka Saxaafada iyo distoorka qaranka.

 

Ka aqriso qoraalka oo dhan Halkan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ururka Suxufiyiinta aan xuduudda lahayn oo ku tilmaamay xarigga Tifaftiraha Waaheen mid laga xumaado

 

Isniin, 24 Janaayo, 2011 (HOL) – Ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, xukunkii xariga ahaa ee maxkamadda Hargeysa ay ku ridday tifaftiraha wargeyska Waaheen ee ka soo baxa magaalada Hargeysa.

 

Maxkamadda Hargeysa, ayaa ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 900-dollar Sabtidii todobaadkan, tifaftiraha wargeyska madaxbannaan ee Waaheen, kaddib markii lagu eedeeyay inuu qoraallo been abuur ah ka sameeyay taliyaha ciidanka booliiska iyo maareeyaha wakaaladda korortada Hageysa.

 

Warsaxaafadeedka kasoo baxay RSF, ayaa lagu yiri: "Ururka suxufiyiinta aan xadka lahayn ee RSF, wuxuu aad uga xummaaday xariga saddexda sanno ah iyo ganaaxa lacageed ee maxkamadda Hargeysa, ay ku ridday tifaftiraha Wargeyska Waaheen, kaddib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay meel ka dhac ka dhan ah masuuliyiinta dawladda."

 

Garsooraha maxkamadda Hargeysa, Cali Suudi Diiriye, wuxuu sheegay in Jaamac lagu helay qoraal meel ka dhac ama sharaf dil ku ah taliyaha booliiska Somaliland iyo maareeyaha wakaaladda koronta Hargeysa, kaddib markii uu wargeysku qoray inay mas'uuliyiintaas dhaqaale lunsadeen.

 

"Xukunkan, wuxuu wataa ciqaabta adag," ayay lagu yiri warka kasoo baxay RSF, iyagoo intaas ku daray: "Waxay ahayd inay maxkamaddu marka hore hubiso inay jirto cid meel lagaga dhacay, haddiiba ay jirto, balse taasi bedelkeeda waxa la iska soo saaray xukun, xariguna waa mid ka baxsan meel ka dhaca, waxaana ugu baaqaynaa maxkamadda inay go'aanka ka laabato."

 

Tifaftiraha wargeyska Waaheen, ayaa ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Gargeysa, iyadoo garyaqaankiisu uu dalbaday rafcaan, si dacwaddiisa dib loogu cusboonaysiiyo, iyadoo xarigan ay ka xumaadeen dhammaan suxufiyiinta Somaliland.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Cafis Madaxweyne Ku Sii Daayey Tifaftirihii Wargeyska Madaxbanaan Ee Waaheen (Xuuto) iyo Boqor Raabi.

 

Hargeysa(Waaheen) Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa maanta cafis u fidayay u fidiyay Tifaftiraha wargeyska madax banaan ee Waaheen Maxamuud Cabdi jaamac (xuuto) oo muddo 20 cisho ah u xidhnaa Xukun cadaalad Darro ah muddo 20 cisho ah waxaanu hatan ku xidhan yahay Jeelka Gabiley iyo boqor Raabi yuusuf C/laahi oo muddo 25 maalmood ah ku xidhnaa jeelka wayn ee Caasimada Hargaysa.

Cafiskan uu maanta madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed maxamuud (siilaanyo) u fidiyay Boqor Raabi iyo Tifatiraha Wargeyska madax banaan ee Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (xuuto), ayaa ka danbeeyay ka dib markii ay maanta Madaxwaynaha Somaliland Qasriga madaxtooyada kulan kula yeesheen dhamaan Cuqaasha iyo salaadiinta Somalilnad.

Mid ka mid ah salaadiin oo Somaliland oo aanu hotel Xaraf kula kulanay ayaa noo sheegay in madaxeynaha ka codsanay in uu Xoriyadooda u soo celiyo Suxufiga iyo Boqorka Kadiban uu naga Aqbalay.

waxanu sheegay isaga oo tix gelinaya codsigooda.isla markiiba uu amray in xoriyadooda loo soo celiyo labadaasi Maxbuus ee sharci darada ku xidhnaa.

Dhinca kale afhayeenka madaxtooyada Somaliland C/laahi Cukuse oo maanta kulan kula yeeshay Saxaafada madaxbanaan iyo kuwa dawlada hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in cafiskan uu Madaxweyuhu u fidiyey Boqor Raabi iyo Xuuto uu ka dambeeyey kulan ballaadhan oo uu maanta kula yeeshay xarunta madaxtooyada madaxdhaqmeedka dalka oo dhan, kuwaasoo ka codsaday Madaxweynaha inuu cafiyo labadan masuul.

Tifatiraha Wargeysa Waaheen ayaa maxkamada gobolka Hargeysa waxay ku xukuntay bishii hore Xukun cadaalada ka fog.

 

C/raxman Osman C/laahi(Isbatore)

Waaheen Media Group

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this