Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Xoolaha la dhaqdo ee dalka Soomaaliya oo quudka ugu sareeya ee la siiyo uu noqday Geedka Tiitiinka

Recommended Posts

Dalka Soomaaliya ayaa abaarta ka jirta awadeed waxay dadkii iyo duunyadiiba noqdeen kuwo abaartu galaafatay, waxaana la waayay wixii ay cuni lahaayeen Xoolihii la dhaqanaayay abaarta jirta awadeed.

 

Waxaa baaba’ay xoolo fara badan, iyadoo xoolihii ay waayeen daaqii abaarta iyo roob la’aanta jirta awadeed, waxaana dhacday in xoolihii sanadkaan inay noqdaan kuwo ay galaafatay abaarta.

 

Xoola dhaqatada ayaa bilaabay inay ka soo guuraan dhanka baadiyaha, iyadoo xoolo dhaqato fara badan ay ku soo qulquleen gudaha Magaalada Muqdisho, iyagoo u soo inay ka helaan wax uun ay siiyaan xoolahooda.

 

Al-Shabaab ayaa iyana bilowday inay diido badarkii la siin jiray xoolaha la dhaqdo, waxayn shabaabku diideen in dadka iyo duunyadaba isticmaalaan Mucaawinada ay bixiso Hay’adda WFP, taasna waxay keentay in macluushii ugu darnayd ay soo wajahdo xoolaha iyo dadkaba.

 

Xoolo dhaqatada ayaa bilaabay inay xoolahooda siiyaan Geedka Tiitiinka loo yaqaan, kadib markii loo diiday badarkii ay siin jireen xoolaha, islamarkaana uu dhulkii wax cows ah ku oolin.

 

Geedka tiitiinka ah ayaa Soomaliya waxa uu ka noqday quud ugu sareeya ee ay isticmaalaan xoolaha la dhaqdo, waxaana arkaysaa iyadoo xoolaalaydu u gulfinaaya inay helaan geedkaasi tiinka ah, waxaadna arkaysaa in xoolihii ay badankooda soo galeen Magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this