Somalina Posted January 21, 2011 Sarkaal ka tirsan booliska ayaa ku eedeeyay Boqor Raabi inuu ku dhaqaaqay tallaabo ka dhan ah maamulka Somaliland. Khamiis, 20 Janaayo 2011 Bileyska Somaliland ayaa xaqiijiyay in ay xireen mid ka mid ah hogaamiye dhaqameedka Somaliland, ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu ku dhaqaaqay tallaabo ka dhan ah maamulka. Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi waxaa lagu eedeeyay inuu aflagaaddo u geystay maamulka isla markaana ku baaqay shir ay isugu yimaadaan oday dhaqameedyada Somaliland. Xarigga hogaamiye dhaqameedkaasi waxaa cambaareyn u jeediyay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buur Madow) oo ku hadlayay magaca odayaasha dhaqanka ee Somaliland. Wuxuu sheegay in xarigaasi uu yahay mid ku qalafsan nidaamka dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo xorriyadda hadalka iyo sharafta oday dhaqameedka. BBC Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted January 21, 2011 LOL@Boqor, boqor ilaahay baa ah ee boqorka soo daaya. Boqorow, dee adna maamulka ha af lagaadeyn ileen waddan dimuqraadi (for lack of a Somali word) ma joogtide aggah! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qodax Qorax Posted January 21, 2011 Its a disgrace for Somaliland. Arresting clan leaders for no reason. Riyaale never arrested Clan leaders. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 21, 2011 ^^rayaale never arrested clan chief you must be Joking Rayaale arrested boqor buur mado he arrested the most respected Sultan Sultan cismaan sultan cali madar. As for boqor raabi i never liked this guy waxan shaqadisa ahayn bu ka sheekeyn jiray Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted January 21, 2011 freedom speech freedom speech:confused::confused::confused:: Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted January 21, 2011 Freedom speach Africa wali ma so gaarin,,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 21, 2011 Somaliland waaba lagu xidhay ,, Laakiin Somalia waa lagu dili lahaaba There is a big difference between Freedom of speech and Freedom to live ,,, hehehe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted January 22, 2011 adigaa ku doodayey xoriyad baa meshayada ka jirta melaysan ka jirin xuquuqul qowl. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted January 22, 2011 Jacaylbaro;689235 wrote: Somaliland waaba lagu xidhay ,, Laakiin Somalia waa lagu dili lahaaba There is a big difference between Freedom of speech and Freedom to live ,,, hehehe Xildhibaanada TFG qaarkood, odeyaasha, iyo aqoonyahanada wey aflagaadeeyaan maamulka sare ee dawlada haddana xabsi looma taxaabo. Marka get your facts straight walaal. Xoriyada dadka ha ka qaadina. Maalina calanka baluuga u diida iney shacabka kor u taagaan, maalina boqorada xabsi geeya for voicing their opinion. You have no leg to stand on. Marka, soo daaya odeyga, cidina muu dilinee. Kuwii Ruushkaba waad sii dayseenee...lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted January 22, 2011 boqor habar leh lama xireena ma dadka laga tirada badan yahaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Herer Posted January 22, 2011 he is a victim of freedom of speech.xaq daro aya lagu xidhay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sensei Posted January 22, 2011 boqor habar leh lama xireena ma dadka laga tirada badan yahaa? Allahayoh habar la'aan hana dhigin! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 22, 2011 Mudaharaad Galabta Ka Dhacay Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Hargaysa Oo Lagaga Soo Hor-jeedo Xadhiga Boqor Raabi Hargeisa (HWN):-Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan degmada Maxamuud Haybe ayaa galabta iskugu soo baxay Bannaan-baxay kaga soo horjeedaan Xadhiga Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Cuqaasha magaalada Hargaysa oo maalintii saddexaad ku xidhan Xabsiga dhex ee Hargaysa, kadib markii lagu eedeeyey inuu hadalo aflagaado ah uu kula kacay Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Mudaharaadkan oo ka bilowday agagaarka Kaalinta 8aad ee Xaafada Calaamadaha ee Degmada Maxamuud Haybe, iyadoo ay dibad baxayaashii kala xidheen Waddada dheer ee tagta Madaarka caasimada Hargaysa. Dadkan mudahaaraadka dhigaayey ayaa u badnaa Dhallinyaro, waxaanay ku dhawaaqayeen hadalo iyo hal ku dhigyo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin Xadhiga ay Xukuumaddu kula kacday Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, waxaanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyeen inay Xoriyadiisa u soo celiso Boqor Raabi oo ah Madax-dhaqmeedka magaalada Hargaysa. Ciidammada booliska ayaa iyaguna ka hortagay Mudaharaadkaa, iyadoo aan wax rabshado waa wayni dhex marin Ciidanka booliska iyo Dhalinyaradii Mudaharaadkaa dhigaayey, marka laga reebo Dhawr xabadood oo Ciidanku kor u rideen, kuwaasoo ay ku kala dareerinayeen Dibad baxayaasha, iyadoo ay dhinaca kalena debinta Mudaharaadkan ka qayb-qaadanayeen Madax-dhaqmeedyo ka soo jeeda deegaanka Koonfurta magaalada Hargaysa. Maaha markii ugu horeysay ee qaar ka mid ah Dadweynaha reer Hargaysa cabashadooda Mudaharaad ku muujiyaan, hase yeehsee dhawr jeer hore ayaa sidan oo kale Dadweyne dan-yar u badani ay Cabashadooda Mudaharaad salmi ah ku soo bandhigeen, kuwaasoo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo-na ugu jawaabtay Garaacis iyo Xadhig, isla markaana ay u diyaar garayso Ciidammado ka hor taga Mudaharaadka ay shacbigu dareenkooda ku muujinayaan. Madaxweynaha somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa wakhtiyadii uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu ku doodi jiray in Dadweynuhu ay xaq u leeyihiin inay dareenkooda ku muujiyaan Mudaharaad salmi ah, kaasoo uu u damaanad qaaday Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, hase yeeshee waxa ay arrintaasi u Muuqataa in Madaxweyne Siilaanyo aannu oofin, isla markaana aanay noqon mid hir-gasha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 22, 2011 ^^ dad badan ma iman eh mise dhanka iyo dunbuluq dadka ba mala ku badnayn any way Somalina ,, Boqor raabi lama xirin wala xidhay there is a difference awoow Quote Share this post Link to post Share on other sites