Sign in to follow this  
VivaSomaliaa

Puntland:Wufuud ka socota Dawlada Puntland oo u anbabaxay Safaro dalka dibadiisa ah.

Recommended Posts

Boosaaso: (Allpuntland)-Wafti sare oo kasocda dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka anbabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha Dawlada Puntland iyagoo kusii jeeda safaro dalka dibadiisa ah gaar ahaan wadamada deriska la’ah soomaaliya oo ay casumaado kaladuwan ka heleen ayna uga qeybgalayaan shirar kaladuwan oo ay la la qaadanayaan Safiiro & Hay’ado caalami ah oo xarumo kuleh wadamada ay booqanayaan.

 

Wafdigan oo isugujiray Wasiiro & xubno kale ayaa ka koobnaa laba qeybood oo ay kala hogaaminayaan Wasiiru-Dawlaha Qorsheynta & Xiriirka caalamiga ah ee Puntland Dr.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi & Wafti kale oo uu isna horkacayey Wasiirka Tastuurka & Arimaha federaalka ee Dawlada Puntland Dr.Cabdi Xassan Jimcaale,waxaana ay u anbabaxeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo xubnaha qaarna ay uga sii gudbiyaan dalka Jabuuti.

 

Wasiiru-dawlaha Qorsheynta & Xiriirka caalamiga ah ee dawlada Puntland Dr.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa APL u sheegey inay casumaad rasmi ah ka heleen qaarkamid ah Hay’adaha caalamiga ah,ayna shirar kula qaadan doonaan magaalada Nairobi,isagoo intaas kudaray in Safiirada wadamada caalamka ee Nairobi ay xubno kamid ah is arki doonaan.

 

Wasiirka Tastuurka & Arimaha Federaalka ee dawlada Puntland Dr.Cabdi Xassan Jimcaale ayaa isna dhankiisa sheegey inay tagi doonaan Kenya & Jabuuti,islamarkaasna ay wadanka Jabuuti uga qeybgalayaan shirar caalmi ah oo quseeya danaha Puntland ee caalamka gaar ahaana dhanka gobolaysiga maadama ay Puntland tahay deegaan xasiloon oo u hogaansan habka gobolaysiga Caalamiga ah.

 

Safarka Wufuudan sarsare ee Puntland ka socota ay wadamada deriska ah ugu anbabexeen ayaa imaanaysa xili ay Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed maalmo ka hor shaaca ka qaaday inay jirtay islamarkaasna joojisay xiriirka wada shaqeyneed & kaalmo ee ay siin jirtay dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this