Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dibad bax looga soo horjeedo Shabaab oo Muqdisho ka dhacay

Recommended Posts

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeeday Cunaqabateynta maleeshiyada Kooxda Shababa ay ku hayso gargaarka loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka ku dhaqan deegaannada ay ku suganyihiin kooxdaasi oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolkani Banaadir ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Dibadbaxani looga soo horjeeday caburinta iyo Cunaqabateynta gargaarka ay Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan abaaraha ka jira qaar ka mid ah Gobollaad dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo qabanqaabiyay dallaad Ururrada Bulshada rayidka ee Deegaannada Banaadir iyadoo ay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay ku simaha guddoomiyaha gobolka ahna ku xigeenka 2-aad ee xagga nabadgelyada Warsame Maxamed Xasan, qaar ka mid ah guddoomiyeyasha 16-ka degmo ee Gobolka, guddoomiyaha dallada bulshada rayidka ee Deegaannada Banaadir Muxudiin Xasan Afrax, kooxda Baambeyda Ciidanka Asluubta, barbaarta Gaashaaman iyo Boqollaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobolkani Banaadir.

 

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin caburinta iyo Ishortaagga ay maleeshiyaadka Kooxda Shabab ku sameeyeen gargaarkii loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee ku dhaqan Goobaha ay joogaan Maleeshiyadka Kooxdaasi, waxa ayna dibadbaxayaashu lug kusoo mareen inta u dhexeysa Taaladii hore ee Daljirka dahsoon ilaa iyo Taaladii hore ee Dhagaxtuur iyagoo kor uluxaya Calanka Soomaaliya.

 

Mas’uuliyiintii ka hadashay bannaanbaxa ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Dallaadda Ururrada Bulshada rayidka ee Deegaannaad Banaadir Muxudiin Xasan Afrax isagoo tilmaamay in ujeedada ay dadkani isugu soo baxeen ay tahay sidii ay walaalahooda dhibateysan ula qeybsan lahaayeen dhibatooyinka ay ku hayaan Kooxda Alshabaab, waxa uuna ugu baaqay mas’uuliyiinta Dowladda iyo Beesha Calamka inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadkaasi maadaama dhibatooyinka haysta ay yihiin kuwo caalami ah oo u baahan in wax laga qabto.

 

Sidoo kale waxaa goobta banananbaxa uu ka dhacay ka hadlay ku simaha Guddoomiyaha maamulka gobolka Banadir ahna ku Xigeenka 2-aad ee dhinaca nabadgelyda Warsame Maxamed Xasan waxa uuna sheegay in dareenka ay qabaan dadkaasi ay kala simanyihiin islamarkaasna uu maamulaka gobolka kala kaashan doono Madaxda Dowladad dhexe ee Soomaaliya sidii shacbiga looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay ku hayaan maleeshiyaadka Kooxda Shabab.

 

Dibadbaxani maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa yimid ka gadaal markii ayna Maleeshiyadka Kooxda Shabab ishortaag ku sameeyeen in Gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka iyo duunyada ku dhibaateysan abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Gobollada dalka, iyagoo dhowr jeer oo hore si xoog ah ula wareegay rashin loogu talo galay in lagu caawiyo dadka barkacayaash

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Bannaanbax looga soo horjeedo dagaallada u dhexeeya dowladda iyo Xarrakatul Shabaab oo Muqdisho ka dhacay

 

610x.jpg

 

Arbaco, 19 Janaayo, 2011 (HOL) – Bannaanbax looga soo horjeedo dagaallada u dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo dowladda Soomaaliya, ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen dalladda bulshada rayidka iyo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo ay ka hadleen mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa daladda.

 

“Mudaaharaadkan, waa mid ay shacabku ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan xalaadda dalka ka taagan, waxaana dhinacyada dagaalladu u dhexeeyaan ka dalbaynaa in la joojiyo dagaallada ka socda Muqdisho, si dadku u helaan nabad, waxaana dhinacyada dagaalladu u dhexeeyaan ugu baaqaynaa inay wadahadal isugu yimaadaan,” ayuu yiri guddoomiyaah dallada bulshada rayidka ee gobolka Banaadir Muxyadiin Xasan Afrax.

 

Dibad-baxayaasha oo u badnaa haween iyo caruur, ayaa waxay socod kusoo mareen degmada Xamar-weyne, iyagoo ugu dambeyn ku ururay taallada dal-jirka dahsoon ee degmada Boondheere, halkaasoo ay kula hadleen mas’uuliyiinta soo qaban-qaabiyay mudahaaraadka.

 

“Ma doonayno dagaal, waxaan doonaynaa nabad iyo nolo,” ayaa ku qornaa boorar ay dadkan wateen, waxaana mas’uuliyiintii ka socday gobolka Banaadir ee ka hadlay dibadbaxa ay eedeyn u jeediyeen Xarrakatul Shabaab, iyagoo ugu baaqay inay joojiyaan dagaallada kana qaybqaataan soo-celinta nabadda iyo horumarka dalka.

 

Guddoomiyaha daladda bulshada rayidka ah ee gobolka Banaadir, ayaa ugu baaqay dowladda KMG ah inay xaqiijiso ammaanka degmooyinka ay gacanta ku hayso, sidoo kalena ay la furto wadahadallo kooxaha kasoo horjeeda si nabad loogu dhameeyo colaadda ka socota gobolka.

 

Xarrakatul Shabaab, oo gacanta ku haysa inta badan Muqdisho, ayaa horay u sheegtay inaysan wax wadahadal ah la furayn dowladda Soomaaliya, waxaana afhayeenka Xarrakada Sheekh Cali Dheere uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Muqdisho inay isku diyaarinayaan sidii ay dowladda iyo AMISOM uga saari lahaayeen goobaha ay kaga sugan yihiin Muqdisho.

 

Dowladda Somalia, ayaa dhankeeda caalamka ka codsatay inay gacan lagu siiyo dagaallada ay doonayso inay la gasho Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, si ay uga saarto magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this