Taleexi Posted January 19, 2011 Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq) Jan. 14, 2011 Maan guursan, imanay guursan; ee waanu is guursannay. Ma jecli inaan kaaga warramo sidii ay ku noqotay ooridayda iyo goortii aannu is guursannay, baahi badanna uma qabtid ogaanshahooda. Waayo hadh iyo habeen waxaad aragtaa dad gurigooda la yagleelayo iyo sida ay isku guursanayaan, annaguna dadkaas ayuun baanu ka mid nahay. Haddiise laga tegi waayo waxaannu wada joognaa muddo ku siman sannad. Muddadaa dhib iyo dheefba waxaannu kala mudannay waxay ku yaallaan diiwaanka xusuus qorkayaga. Ka soo gudub, haddii aan iyana wax yar kaaga bidhiiqiyo qaabkii is calmashadayada, horta sida aad sawiran karto laba qof mid uun baa wax caashaqa, ka kalena waa la jeclaadaa. Haddaba aniga ayaa jeclaaday, iyaduna iguma nicin kalgacalka iyo caashaqaas. Bal iyaba waa yaabe, aniga oo jecel, haddana bilowgii si bay iigu ad adkayd, is fahankayagu ma wanaagsanayn; la jooggeeda aad uma jeclaysan jirin, la kulankeedana waaban ka meer meeri jiray. Sheekadoo dhan halkan guji Axmed (Deeq) aragtidayda waa sheeko xariir weliba ta male awaalka ku talax tegay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MZanzi Posted January 19, 2011 Ruuxan afsomali xumaa ilaahow hadaan xabad kafahmay musmaar iga dhig Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted January 19, 2011 WAAN JECLAHAY LA JOOGEEDA MA JECLEYN MALA YAABTAY Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted January 19, 2011 ^^^ He meant waan jeclahey gabadha laakin la joogideyda aan ayada la joogo ma aysan jecleyn maadaama uu ahaa aniga qofka ayada jecel uusan xageeda jaceyl aysan ii qabin jaceelkaa owgiis ayaan u ag jogey agteeda aysan jecleyn in aan ag joogo maadaama aysan iyadu i jecleyn walaw aan ahaa aniga qofka iyada jecel haduusan dhankeeda jaceyl ka soo jeedin jaceylkuna uu yahay midka aniga iga yimid uusan dhankeeda jirin wax jaceyl ah laba is jecel ayaana is qaadi karta haduusan jaceyl la wadaaga oolin meesha isla joogid ma dhaceyso jaceylkaana ku dhisan in labada qof ee is jecel ay isla joogaan si ay u xoojiyaan jaceelkooda iyo isla joogidooda, markuu dhahay aan kaga BIDHIIQIYO ayaan joojiyey inaan sii akhriyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted January 19, 2011 nuune;688638 wrote: ^^^ He meant waan jeclahey gabadha laakin la joogideyda aan ayada la joogo ma aysan jecleyn maadaama uu ahaa aniga qofka ayada jecel uusan xageeda jaceyl aysan ii qabin jaceelkaa owgiis ayaan u ag jogey agteeda aysan jecleyn in aan ag joogo maadaama aysan iyadu i jecleyn walaw aan ahaa aniga qofka iyada jecel haduusan dhankeeda jaceyl ka soo jeedin jaceylkuna uu yahay midka aniga iga yimid uusan dhankeeda jirin wax jaceyl ah laba is jecel ayaana is qaadi karta haduusan jaceyl la wadaaga oolin meesha isla joogid ma dhaceyso jaceylkaana ku dhisan in labada qof ee is jecel ay isla joogaan si ay u xoojiyaan jaceelkooda iyo isla joogidooda, markuu dhahay aan kaga BIDHIIQIYO ayaan joojiyey inaan sii akhriyo Xabiibi, maa fahamtu wala shey:D kii horaaba la ii qaatay, meeshiba jaceyl baad ka buuxisay, illaa aad i nacsiisay erayga jaceyl:p Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismalura Posted January 21, 2011 @ Taleexi horta wadaadka intaad noo soo dhajiso markaan wax kaa weydiino maxaadan ugu jawaban? Where is that book ood ku shegysay in uu qoray? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fisher man Posted January 21, 2011 Hogayeey ar meeshu ma subac soon baa ka jira ii baneeya jalaad talaato haduu yahay waan aqanaye, rabi yasir walaa tu casir coonakaa yaa rabi yaa ilaahey yaa alaahuu, hah aamiiinn Quote Share this post Link to post Share on other sites