Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopian regional Somali governor flies to the United states

Recommended Posts

Madaxweynaha DDSI,iyo Waftig uu Hogaaminayay,Ayaa Maanta Ka Duulay Garoonka Diyaaradaha ee Jigjiga,Fooda Saarayna,Socdaalkoodii

 

dhoof.jpg

 

Madaxweynaha DDSI,Mudane Cabdi Maxamamuud Cumar, Iyo Waftiga uu hogaaminayaba,Ayaa u kicitimay Maanta,Magaalada Addis-Ababa,Halkaasoo Ay Ku guda-Gali Doonaan,jadwalka Safarkooda Ku Wajahan,Dalalka Kenya,U.S.A,Iyo South Africa.

 

Jaaliyaadka Ku Dhaqan,Dalalka Ay Ku Sii Fool Leeyihiin,Waftiga Balaadhan ee uu Hogaaminayo,Madaxweynaha DDSI,Ayaa Si Balaadhan oo Ay Wadaniyadi Ku Dheehan Tahay, ugu Sii Diyaar-Garoobay Farxad Ku Soo Dhawaynta,Waftiga uu Madaxweynuhu Hoggaaminayo.

 

Madaxweynaha DDSI,Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,Ayaa Ahmiyad Gaara Siiya,Doorka Qurbajoogta Kaga Aadan,Horumarka,Nabad-galyada Iyo Jihada Hogaamineedba,

 

Xusuus Iyo Kal-gacal Wadaniyadeed Ayay,Igu Beereen Dhamaan Qurbajoogtu,Balse Si Gaara Ayaan u mililicsadaa una bohol-yoobaa Raadkii Wadaniyadeed ee ay igu beereen,Qurbajoogtii Ku Dhaqnayd Dalalka,Denmark, Uk iyo Nawaaxigoodaba,Muujiyayna Dareenkooda Wadan Jacay [Waa ereyadii Madaxweynaha DDSI].

 

Madaxweynaha DDSI,Ayaa Carabaabay Inuu Kalsooni Buuxda oo Wadaniyadeed Ka Qabo,Dhamaanba,Qurbaqjoogta Ku Dhaqan Dalalka uu ku Sii Wajahan Yahay,Filayana in Doorkii uu kala kulmay,Uk iyo Denmark,Mid La mida Ama Ka Sii Sareeyaba inuu Kala Kulmi Doono.

 

Safarkan,Ay Waftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha DDSI,Ku Tagayaan Dalalka,Kenya.U.S.A Iyo south-Africa,Ayaa ku soo Beegmay Xili,Ay Soo Gabagabowday Booqashadii Ay Ku Yimaadeen Dalka itoobiya,Gaar Ahaan DDSI,Iyadoona Booqashadii Qurba-joogtu Ku soo Gaba-Gaboowday,Kulankii Ay La Yeesheen Raysal-wasaaraha DFI,Mudane Meles Zenawi,Garwaaqsadayna Ileen Madax Meel Ka Saraysoo La Taabtaa Ma Jirtee,Dareenka Walaalnimo Iyo Ka Go,naanshaha Waxqabadka Deegaanka Soomalida Itoobiya,uuna La Garab Taagan Yahay Raysal-Wasaaruhu.

 

Geba-gebada Iyo Nuxurka Ayaa Ah In,Habeenada Fooda Inagu Soo Haya,Ay Waftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha DDSI,Ay Caga Dhigan Doonaan Dalalka Ay Ku Sii Fool Leeyihiin,Kalana Qayb-Qaadan Doonaan,Farxada Iyo Damaashaadka Ay Qurbajoogtu Tiigsanayeen.

 

Wariye: Xusen Jamac Duraan (Xusto)

Togaherer

Jigjiga

Ethiopia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this