Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Shabaab: Waan u diyaar garownay dagaalka beesha caalamka iyo DKMG

Recommended Posts

Shabaab: Waan u diyaar garownay dagaalka beesha caalamka iyo DKMG

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa riyo iyo ruwaayad ku tilmaamay baaq uu jeediyay ra’iisul wasaaraha dowladda KMG oo ahaa in beesha Caalamku ay ka qeyb qaadato baabi’inta AL Shabaab, iyagoo sheegay in ay diyaar garoobeen.

 

Afhayenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxuud Raage Sheekh Cali Dheere oo galabta warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu riyo iyo ruwaad ku tilmaamay hadalada isdabajooga ah ee ka soo baxay ra’iisul wasaare Max’ed Cabdulaahi Farmaajo oo ku aadanaa in dowladiisa laga gacan siiyo howlgal militari oo ka dhan ah xarakada Al Shabaab.

 

Sheekh Cali Max’uud Raage waxaa uu tilmaamay in markii horaba dagaal uu ka dhaxeeyay xarakada Al Shabaab iyo dowladda KMG oo taageero ka heleysa beesha caalamka hadana ay cadaatay in Caalamka iyo dowladda oo iskaashanaya ay dagaal la galayaan Xarakada AL Shabaab, isagoo shacabka dhibaateysan ee aan u dul qaadan karin dagaalada ka codsaday in ay isu diyaariyaan dagaalo kale oo horleh.

 

Afhayeenka Al Shabaab waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in kulanka looga hadlayay arimaha Soomaaliya ee ka dhacay New York uu ka mid ahaa sida uu hadalka u dhigay kulamada tuuksiga ah ee ay ka qeyb galaan madaxda dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in Al Shabaab ay ka go’antahay sii wadista dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqa magaaladda Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ayaa wuxuu maanta hanjabaad kulul uu u jeediyay Xarakada Al Shabaab.

 

Maxamed Dheere oo ku sugan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir oo maanta warbaahinta la-hadlay ayaa *****lka ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay tahay cadow loo-adeegsanaayo ummada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in’ay kusoo qaateen qandaraas dhibaateenta baahsan buu yiri ay ku hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Maxamed Dheere ayaa ku nuux-nuux-saday in Xarakada Al Shabaab ay dhabargoyn baahsan ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed, isla-markaana waxaa waajib inagu ah buu yiri inaanu la-dagaalano Xarakada Al Shabaab.

 

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay diiday in gargaar la-gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolada qaar ee dalka Soomaaliya ay ku dhufteen abaaro baahsan.

 

Wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay la-gelli doonaan dagaalo xoogan oo ay uga saaraayaan gudaha dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu ku hanjabay in uu gargaarka uu xoog ku gaarsiin doono deegaanada ay ka taliso Xarakada Al Shabaab.

 

Sidoo kale wuxuu wacad ku maray isagoo wado Galayda gargaarka ah iyo biyaha ay doonayaan dadka ay abaaruhu saameeyeen in uu si xoog leh ku gaarsiin doono dadka ku dhibaateysan deegaanada ay ka taliso Al Shabaab, isla-markaana wuxuu qeexay in uu Shabaabku dhulka ku dari doono.

 

Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan, hanjabaadaha culus ee kasoo yeeray Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo dagaalo xoogan kula jiro maamulka Xarakada Al Shabaab.

 

Hadalkaan Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” kasoo yeeray ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli dowladda kmg ee Soomaaliya ay dalabaad u dirsatay dagaal-yahanada Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” iyo Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this