Sign in to follow this  
oba hiloowlow

C/Qaadir Kumaandoos oo lagu xiray magaaladda Hargeysa iyo Xasan Daahir Aweys oo aan ka hadlin

Recommended Posts

Taliyihii ciidamadda Ururkii burburay ee Xisbul Islaam C/Qaadir Kumaandoos oo dhawaan soo gaaray magaaladda Hargeysa ee Somaliland ayaa waxaa lagu xiray bartamaha magaaladda Hargeysa.

 

C/Qaadir Kumaandoos oo todobaad kahor iskaga cararay magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu gaaray magaaladda Hargeysa ee Somaliland, isla-markaana waxaa la-sheegay in rag basaasiin ah ay sheegeen in uu soo gaaray magaaladda Hargeysa, taasoo ciidamadda ammaanka ee magaaladda Hargeysa u suurta gelisay in’ay gacanta kusoo dhigaan.

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay Shabakadda Xaqiiqda.com ay ka heleyso magaaladda Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in seddex habeen hore ay ciidamadda ammaanka ee magaaladda Hargeysa xabsiga u taxaabeen taliyihii ciidamadda Xisbul Islaam C/Qaadir Kumaandoos.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in laga cabsi qabo, in Somaliland ay dowladda Itoobiya u gacan geliso C/Qaadir Kumaandoos, oo si weyn uga soo horjeeday xilligii ciidamadda Itoobiya ay ku sugnaayeen caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Xariga C/Qaadir Kumaandoos oo aysan waxba kala socon warbaahinta ayaa waxaa dhici kareysa in saacadaha soo socda ay diirada saaraan, taasoo muujineysa sida Xisbul Islaam looga kala ceyrsaday Koonfurta Soomaaliya oo ay ku xooganaayeen.

 

Iskusoo wada-duuboo burburka Ururka Xisbul Islaam ayaa wuxuu keenay in Xarakada Al Shabaab ay ugaarsato saraakiisha sar sare ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam, lamana oga wax auu iminka ku sugan yahay hogaamiyihii Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this