oba hiloowlow Posted January 17, 2011 Barqanimadii maanta ayaa deegaanka Ceel Cerfid waxaa ka bilawday kacdoon dadwayne oo aad ubalaaran kadib markii dadka deegaanku ay ka caroodeen raashin ay dhawaan ku gubeen isla deegaanka Ceelcarfiid kaas oo loo waday dad iyo xoolo ay baahi darani ku hayso gobalka Shabeelaha dhexe, Xaaladda ayaa waxaa circa ku shareeray markii ay Maleeshiyada Shabaabku raashin galley ah oo la mid ah kii ay deegaankaas ku gubeen ay ogolaadeen shalay in aan la gubin maadaama uu raashinka lahaa qof xiriir la leh Al shabaab, Gabadhii lahayd raashinkii ay gubeen shabaab maalmo ka hor oo horkacaysay kacdoonka maanta ee ka dhanka ahaa ficilada dhuun qabadka ah ee Al shabaab ayaa u sharaxday dhibaatada ay Maleeshiyaadkaasi ku hayaan bulshada deegaankaasi. Kooxda shabaab ayaa markii ay dadku isku soo baxeen waxaa ay bilaabeen in ay rasaas ku furan dadkana qabqabtaan ayna jirdilaan iyagoo xabsiga dhigay dad farabadan sida ay inoo sheegtay gabar ka mid ah dadkii ay xirxireen Shabaab oo aanu lahadalnay mar ay u suurta gashay in ay xabsiga kasoo baxdo Qaar ka mid ah dadkii ay xirxireen ayaa waxaa dhibaato xoog leh ay kasoo gaartay jirdilka ay ku dheehantahay naxariis darada ee shabaab ay dadka ugaysteen waxaana dadkaasi ka mid ahayd haweenay uur leh oo markii dhawr wiil oo dhalinyaro ah ay baadka qoryahooda ku garaaceen taas oo keentay in uu dhiig farabadan oo muujinaya in waxyeelo ay gaartay ilmaha ay caloosha ku waday uu ka yimaado waxaana sidoo kale ay maleeshiyada shabaabka ee ku sugan Carfiid iyagoo ka faa’iidaysanaya qalalaasaha ay boob ugaysateen dhawr dukaan oo halkaasi ku yaalay Inta badan dadkii ay saaka shabaab kasoo qafaaleen deegaanka Ceelcarfiid ayaa lagu hayaa halka loo yaqaano Darmooleey oo u dhexeeya Suuqa xoolaha iyo Carfiid laakiin qaar ka mid ah dadka ayaa loo gudbiyay degmada Dayneele oo ay ku yaalaan xarumaha shabaab ay wax ku xukumaan Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay iska hor imaadyada dhexmaraya shabaab iyo dadka ku hoos nool xukunkooda kuwaas oo go’doominta ay shabaabku ku hayaan oo xiligaan intooda badan la daalaa dhacaya abaaraha ku dhuftay dalka oo dhan. http://radiomuqdisho.net/news/wararka/3143-kacdoon-dadweeyne-oo-ka-dhacay-deegaanka-ceelcarfiid.html Quote Share this post Link to post Share on other sites