Saalax Posted January 15, 2011 Written by Axmed Maxamuud Cilmi Madaxweynaha kursiga laga tuuray ee Zeyn Al Caabidiin Bin Cali, wuxu dalka xukumayay 23 sanno, Madaxweynihii hore ee Somaliya ee isna kursiga laga tuuray wuxu dalka xukumayay muddo ka badan 21 sano. Waxyaalaha labadoodaba lagu xasuusto waxa ka mid ah inay inqilaab aan dhiig ku daadan ku qabsadeen xukunka dalka, iskuna habdhaqan ekaayeen marka laga reebo meelo yaryar. Waxay iska mid yihiin diktaatarnimada, la dagaalanka culimada, cabudhinta dadka, laaliladda xuriyatul qawlka, adeegsiga awoodda wixii ka soo horjeesta iyo weliba ku koobida talada dalka koox yar oo aan jixin jix aqooN, Sad bursi , eex iyo musuqmaasuq. Dhanka waxqabadka waxay iskaga mid ahaayeen arrimo ay ugu wayn yihiin horumarinta waxbarashada , tayaynta milateriga, fulinta mashaariic horumarineed oo ku kooban meelaha qaar iyo waxyaalo kaleb. waqtigii Bin Cali waxa uu dalka dhanka waxbarashada gaadhsiyay horumar wayn oo la taaban karo, taas oo uu aad u cidhib tiray akhris iyo qoris la'aanta. Siyaad Barre muddadii uu talada dalka hayay wuxu isna sidoo kale horumar ka gaystay dhanka waxbarashada isaga oo qoray luqada afsoomaliga. Waxyaalaha ay ku kala duwan yihiin ee ugu muhiimsan waxa ka mid ah in uu Bin Cali waa madaxweyhinii hore ee Tunisia ee kursiga laga maroojiyay uu tiroba saddex doorasho qabtay, inkasta oo la sheego inay ahaayeen doorashoooyin ku sifoobay wax isdaba marin iyo musuqmaasuq. Waqtigii Siyaad may jirin doorashooyin la qabtay. Waxa kale oo muhim ah in la xuso in Bin Cali uu ugu danbayn dalka ka tagay isaga oo aan dhiig badan oo gumaad iyo xasuuq lagu tilmaamo gaysan, dalkuna dhisan yahay oo ay ciidamadu gacanta ku hayaan wax walba, halka Siyaad loogu taag waayay inuu kursiga ka tago xataa markii lagaga adkaaday magaalada Muqdisho, waxana uu dalka ka baxay muddo kadib markii kursiga laga tuuray, isaga oo dalkii baaba'ay, xasuuq ba'ani dhacay, wax ciidana oo talada gacanta ku hayaana aysan jirin. Taladu waxay ahayd mid ka go'da bin Cali , wuxuna dhawr jeer isbedel wayn ku sameeyey dastuurka si uu xilka usii dheeraysto. Sidaas oo kalena Siyaad wuxu ahaa nin xil jecel, isna wuxu geed dheer iyo mid gaabanba u koray inuu talada dalka gacanta kusii hayo. Waxyaalaha kale ee ay iskaga midka yihiin waxa ugu wayn, la dagaalanka ay ku qaadeen culimada diinta, waxana la wada ogyahay sidii dalwaddii Siyaad ay u laysay wadaadadii kasoo horjeestay ka horimaanshihii dawladda ee aayadaha quraanka ee ka hadlayay sinnaantii ragga iyo dumarka . Go'aankaas aadka u foosha xumaa ee dawladdu diinta faraha kula gashay wuxu noqday mid aan la mahadin. Madaxweynihii Tunisia isna muddadii uu xilka hayay wuxu xabsiga dhigay kumanaan wadaado ah, qaarkoodna wuu dilay, qaar kalena naf lacarar ayay dalka kaga baxeen. Qodob kale oo muhiim ahi wuxu yahay, in markii inqilaabka uu ku qabsaday Bin Cali uu soo saaray wax loogu magac daray " Bayaankii 05ta November" oo ahaa waqtigii xukunka uu la wareegay, kaas oo ka koobnaa balanqaadyo badan, sidoo kale Siyaad markii uu xukunka milateri dalka kula wareegay wuxu sameeyey gole sare oo kacaan, iyo qodobadii tawrada ama kacaanka. Labadoodu waxba kamay fulin qodobadii ay sida quruxda badeen u qoreen, dadkana u laqimi jireen. Waxay labadooduba isku magcaabeen hogaamiyayaal daacada oo dalka badbaadinaya, waxayna sawiradooda ku xardheen goob kasta oo ishaadu qabanaysay. Haddaba, casharadii ka dhashay labadan maamul ee diktaatoorka ah waxay noqdeen kuwo taariikhda gala. Waa mare waxa marag ma doon ah in rabitaanka dadweynuhu yahay kan dhaxal galaya ee hadhaya, waxana dhacday in shacbigii gobolada waqooyi (Somaliland) iyo kuwo kale oo koonfurta ku nooliba oo tirsanayay dulmi iyo eex ay gadoodeen oo kacdoon sameeyeen, kaas oo gaadhay marxalad dagaal faraha laysula tago, ugu danbayntiina libintu raacday dadkii dhibanayaasha ahaa ee dulmiga lagu hayay oo ah shacabkii rayidka ahaa ee ka dhiidhiyey isla waynida iyo dulmiga. Tunisia, inkasta oo arrinku aanu gaadhin dagaal layskaga hor yimaado, haddana rabitaankii shacabka ayaa noqday mid meel mara oo awooddii nimaadkii kali taliska ahaa shiiqiyey. Dhab ahaan waxa mudan in la ixtiraamo rabitaanka dadka, waana tan ay shacbiga Somaliland iyo shacbiga Tunisia ku caanbaxeen, iyaga oo awooddooda tusay keli taliyayaal muddo badan itaal isbidayay. Hal ku dhegga shacbiga reer Tunis ee waqtiga kacaanku wuxu ahaa " Waanu dhimanaynaa, waanuna tagaynaa, Laakiin waddanku wuu jirayaa" taas oo ka dhigan in naf iyo maalba loo hurayo badbaadinta dalka iyo sharaftiisa. Shacbiga Somalilandna waxay lahaayeen halhays kaas la macne ah. Casharada laga baranayo haddaba dhacdooyinkan ayaa ah, in dulmigu aanu waarin, ayna imanayso maalin dhibanuhu awood yeesho, qof walbana waxa loola dhaqmaa sida uu kuula dhaqmo sida ay tidhaahdo maahmaahda carabiga ahi. Waxa kale oo laga baranayaa in dadweynuhu yihiin kuwa go'aanka kama danbaysta ah leh, ayna dhici karto in muddo badan la cadaadiyo laakiinse marka koobka samirku ka buuxsamo ay fatahayaan oo go'aankoodu meel marayo. Ugu danbaynna waa fariin ku socota cid kasta oo xil haysa noocuu doonoba ha noqdee oo inuun baalmarsan sharciyada iyo balanqaadyada dadka ay ku maawelinayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
bilan Posted January 16, 2011 idinku meel walba isku kakabiya, South Sudan baad joogteene goormaad Tunisia aadeen.... Quote Share this post Link to post Share on other sites