Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland armed forces crush rebels

Recommended Posts

Dagaal dhexmaray Galabta Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyada SSC.

Friday, 14 January 2011

Burco(Togdhnews)- Dagaal ayaa maanta dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugnaa

Degaanka Kalabaydh ee ka tirsan G/Sool iyo maleeshiyo Beeleedka la magac baxday ssc,kaasoo socday mudo saacado ah.

 

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Maleeshiyo Beeleedka SSC ay galabta weerar ku soo qaaday cutubyada Ciidanka Qaranka ee fadhigoodu yahay Degaanka kala baydh,waxaana dagaalkan laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kal duwan.

Dagaalkan ayaa ilaa hada la ogayn khsaaraha uu gaystay,marka laga reebo in dib loo celiyay maleeshiyo beeleedkii weerarka soo qaaday ee SSC.

 

Dagaalkan ayaa ku soo beregamy wakhti ay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranku ku talaabsadeen gadood ay ku doonayaan inay helaan ,musharkoodii iyo gunooyin uu ka jaray wasiirka maaliyudu,taasina ay keentay inay dib uga soo baxaan qaar ka mid goobihii fadhiisamooda ahaa,oo ay ka mid tahay degaankan uu galabta dagaalku ka dhacay.

 

Sidoo kale maleeshiyo beeleedka SSC,ayaa iyaduna isku day inay ka faaiidaystao fursadan , Balse waxay kala kulantay Guul daro.

 

Dhinaca kale cutubyo ka tirsan Ciidanka ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen isla Galabta goobta uu dagaalku ka dhacay.

 

Todaobaadkan ayaa madaxweyne Siilaanyo Cafis u fidiyay Maxaabiistii lagu soo qabtay badhtamihii Sanadkii hore dagaalkii ka dhacay Widhwidh,ee dhexmaray Maleeshiyo Beeleedka SSC iyo Ciidanka Qaranka Somalind,kuwaasoo dhawaan gaadhay Magaalada Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo Fadhiisin Ka Sameysatay Dhummay Ka dib Markii ay Sabarey ka Soo Saareen Kalabaydh

 

Wararka laga helayo magaalada Kalabaydh ee Duleedka Koonfureed ee Laascaanood ayaa sheegaya in ay gelinkii dambe ee Jimcaha gaadheen ciidamada qaranka somaliland ka dib markii ay soo galeen magaaladaa ciidamo uu wato Cali Sabarey.

 

ka dib Markii uu soo galay Sabaray Magaalada Kalabaydh ayaa odayaasha degaanku waxaa ay ku wargaliyeen in uu isago baxo iyagoo taa ku sababeeyay in kooxda Sabarey aysan u bisleyn in ay la dagaalamaan Ciidanka Somaliland sidaa darteedna aysan dhibaato u soo jiidin Kalabaydh iyo degaamada kud ahwdhaw oo aysan xiligan joogin maleeshiyada Siilaanyo.

 

Cali Sabarey oo dhagaha ka furaystay codsigii odayaasha ayaa waxaa ay isku dhaceen nin ka soo jeeda kalabaydh oo lagu magacaabo Gacmo Dheere oo ka mid ah tageeraysha Somaliland ee ka so jeeda Kalabaydh.

 

Ka dib Qaylo dhaan uu u dirsaday Gacmo Dheere magaaalada Laascaanood ayaa waxaa gelinkii dambe soo gaadhay kolonyo Ciidanka qaranka Somaliland kuwaaso fadhiisin ka dhigtay tuulada Dhummay.

 

Sabarey iyo ciidankiisiina ilaa hada lamahayo meel ay jaan dhigeen walow wararka qaar sheegayaan in ay dib ugu laabteen tuulada Dandan oo fadhiisin u ahayd wayadan danbe

Share this post


Link to post
Share on other sites

War degdeg ah live maygaagle(MGN)waxaa iminka warkan noo soo diray weriyahayaga saalax cali coomay.

 

Ayaa waxa uu noo xaqiijiyey in laba guuto oo ah ciidanka lugta,oo ka tirsan ciidanka qaranka somaliland ay u dhaqaaqeen dhinaca widhwidh abaaro sideedii fiidnimo ee

caawa 14/1/11.Iyaga oo ku gaashaaman,baabuurta dagaalka,beebeeyo,iyo madaafiicda goobta,wuxuu soo sheegay in ay aad iyo aad u hubaysan yihiin.weriyuhu wuxuu sheegay,in uu isku deyey in uu la xidhiidho taliya sare,balse wey u suuroobi kariwayday,dhinaca farsamada.

Balse askari ka tirsan dhinaca saadka oo la yidhaa calishuuro,ayaa u xaqiijiyey in soo socdaan ilaa 8 guuto,oo loogu talo galay,buu

 

yidh holhol,tukoraq,widhwidh,buuhoodle,maygaagle,lascano iyo adhicadeeye.balse wax faahfaahin ah oo dheeraad ah,wuu diiday in uu bixyo,wuxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey,sxb waa sir milatri ee miyaad i xidhaysaa,igadaa docadocaynta badan nabad gelyo.wixii war ah ee soo kordha kala xidhiidh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this