Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta af-soomaaliga

Recommended Posts

gooni   

:D:D,,, runtii dhaqankii miyiga waa laga tagay wax un baan u malayn karaa erayadan.

1- cilcilow ama cilalow waad saad u sheegtay waa marka qoraxdu sii dhacayso geed iyo qofna lakala garto oo aan wali aasku madoobaan.

2- birqin waa saxar yar oo cawska ka dhasha oo aad u yar isha birqin baa iga galay oo kale

3- baaqin waa xoolaha dhadig oo aan caanaha badnayn ama xataa aan ku filnayn ilmahooda mararka qaar

4-- heerran eraygaa waa eray aad u fac weyn runtii kuna saabsan marka gabdhahu guur ka waayaan bulshadooda ama beeshooda waxay u heermi jireen dudo kale oo laga yaabee inay aad uga fogtahay meesha ay markaas kasoo hayaameen

waa lasoo dhaweyn jiray loona guurin jiray.

cucub waxaan filayaa inuu yahay aqalka baadiyaha laga dhiso raar ugu dheer oo lagu soo wareejiyo asaaska hoose ee aqalka.

laga yaabee in dadku uusan isku si u aqoon

5- guunyo sax waa xoolo

6- gadow waa sax waa saabka wareegiisa hore qunbaha,haanta, iwm

7- qadow waa geed xooluhu cunaan kuna baxa geed kale laantiis am aad moodid dhidid geedku dhalay.

8- galoof waa sax waa geella guran horayna u dhalay saan filayo

9- gaawe waa sax haruub gaalka ama buraha iwm.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Gabayada ayaa ugu badan oo erayada laga helaa tusaale

gabaygan sidii ugu dhawayd oon u xasuusto wuxuu ahaa

 

Gabar reer korshoo timaha loo gooyay waxay guudka feedhaba kolkay maranti soo gaadho

guur doon barbaarihi haduu geesta ka ilaaqo wuxuu gaaf wareegaba kolkuu goosto taladiisa

markii lagu galado oo aroos ila xir loo giijo

 

Gablantoy haday baali nimo gooni la'ahaato oo gogasha meeshii la dhigo goorna laga qaadin

Ama weelku geyr geyr aan bi'in sal iyo guud yeesho.

Gaagaabsi iyo hoos kolkuu gaar wax ugu sheego oo gunuunux iyo qaylo iyo waliba guux keento inuu meherka gooyaa kolkaas sow gar noqon mayso:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Waa run in dhaqankii miyigu diciifay waxaase jirta in aynaan wax kale weli ku beddelin taasuna dhibaatooyinka taagan ayey ka mid tahay.

 

Marka aad eegto tusaale dhaqanka heerinka ( erayga waxaan u aqaan heerin halka aad u taqaan heerran ) wuxuu ahaa dhaqan wanaagsan oo astura hablaha guur dhaqso u waaya. Inta ay dhowr isku raacaan ayey habluhu u tegi jireen beel ay garanayaa oo ay u soo bandhigi jireen muraadkooda. Dhaqan bay ahayd in gabdhaha rag loo helo oo beesha ay u yimaadeen guursato markaas.

 

Sheekooyinka heerinka ee aynu dhaxalnay waxaa ka mid ah tan soo socota:

 

Saddex gabdhood oo heerin ah baa ka tegey reerkoodii. Markay dhowr maalmood socdeen ayey u yimaadeen beel oo ay muraadkoodii u sheegteen. Waa la soo dhoweeyey hablihii oo inta la fariisiyey ayaa hilib fiidnimadii loo keenay. Hablihii mid ka mid ah ayaa cad aad u kulul xeeradii kala soo baxday. Markay faraha kaga gubatay bay tiri:

 

- Kululaa kama naalle( deyn kari mayno ee )!

- Naa ma kaadsan(sugi) karnee inoo kala goo, bay

tiri tii labaad.

- Naa ha kanfafee ( qaboobee) korka saar, bay tii

saddexaad tiri.

 

Gabdhaha oo muska loo taagnaa ayaa la maqlay hadalka ay is-dhaafsadeen. Waxaa la is-tusay in gabarta 1aad samir xun tahay, tan labaad hunguri weyn tahay, tan 3aadna fariid tahay. Gabadhii 3aad waxaa la siiyey nin geesi ah, tii labaad waxaa la siiyey nin lo’ leh tii 1aad nin sheekh ah( kolley suufi buu ahaa iyagaa samir badanne!).

 

Dhaqankaas daryeelka iyo is-qadarinta ku salaynaa waa laga tegey. Waxaa la joogaa tusaale in meelaha qaar marka la arko oday gaboobay oo bac hadday doonto maran sita in inan yari yiraahdo “ Aar kan unugaa ku nasiibsahaa” oo xabad wadnaha kaga dhufto. Waxaa ka daran boqolal qof oo meesha taagan oo aan ka gilgilan ficilka noocaas ah. Dhaqan noocee ah weeyaan dhaqankaasu?

 

Allow sahal amuuraha in lagu ducaysto ayey ku soo aruuraysaa!

 

Fiiri gaar ah: waxay u badan tahay in aan muddo maqnaado. Halkaas ka sii wada.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

oday gaboobay oo bac hadday doonto maran sita in inan yari yiraahdo “ Aar kan unugaa ku nasiibsahaa” oo xabad wadnaha kaga dhufto

Kuwa aan xitaa bac wadan baa fitno ku dhintay oo aan waxbaba lagu tuhmayn,,, AUN dhib waa lasoo maray walina waa lagu jiraa meelaha qaarkood allaha ka bixiyo.

 

dagaalku wax wanaagsan maahan waana la isla qiray aduunkoo dhan wuxuuna ka bilowdaa dulan la is dulmo wuxuuna ku dhamaadaa is cafis aakhirka intuu doono ha socdee.

 

Hadaba soomaalidii hore siday u dagaalami jirtay way ka duwan tahay sidaan waayahan danbe u dagaalanay

waayadii hore waxaa jiray xeer dagaal oo aan laga gudbi jirin lama dili jirin dadka da'da ah caruurta, siiba gabdhaha,wadaadada, musaafarka, martida iwm waxaanay u yaqaaneen birmageydo ama bir ma geydo.,,,

 

Xaalkii waa is badaley cid walba birtii wey geyday, wadaadkii lagu farxi jiray hadda waa laga naxaa,odaygii wax kala xalin jiray hadda magac ma leh,martidii xushmadda badneyd hadda wey ku xadaysaa, masaafurkii miino ayuu kuu aasayaa, caruurtii xushmadda badnayd hadda wey ku tuuraysaa.

Aduunkii is badel baa ku dhacay lama filaana dhan kasta xataa cimaladii dhirtii duur joogtii,,, war waa keer:D

 

 

usoo noqo dhaqankii fiicnaa,,, oo wax nooga sheeg wixii aad ka xasuusato toosiyow waa markaad soo nabad noqotid bi'idni laah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

yaleex,yalax,yalalax.

Timo yaleex ah, timo yalax ah, iyo caws yalalax leh=kuligood jileec bay isugu biyo shubanayaan.

kuwan noo soo fiiri ina macruufow

1-mayraq

2-musonaw

3-miscilil

4-magool

5-mir iyo mahiigaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

somalina guraab iyo meerane haduu science yahay ama cilmi falag waa layga badiyaa haduu lahjad yahayna sidoo kale

dhaqanka baadiyaha ama reer miyiga waxbaan ke celceliyaa;)

 

Nasiib maad afsomaali weydiin?

War kan waa reer xamar weynaade

wyre waa hagaage noo sheeg adaa reer qorexeye:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

geellu habeynkii markuu xasilo ama fadhiisto ishaaro caynkee ah ayuu bixiyaa markuu dareemo libaax ama ragg kusoo fool leh ama kusoo socda?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this