gooni Posted February 13, 2011 :D,,, runtii dhaqankii miyiga waa laga tagay wax un baan u malayn karaa erayadan. 1- cilcilow ama cilalow waad saad u sheegtay waa marka qoraxdu sii dhacayso geed iyo qofna lakala garto oo aan wali aasku madoobaan. 2- birqin waa saxar yar oo cawska ka dhasha oo aad u yar isha birqin baa iga galay oo kale 3- baaqin waa xoolaha dhadig oo aan caanaha badnayn ama xataa aan ku filnayn ilmahooda mararka qaar 4-- heerran eraygaa waa eray aad u fac weyn runtii kuna saabsan marka gabdhahu guur ka waayaan bulshadooda ama beeshooda waxay u heermi jireen dudo kale oo laga yaabee inay aad uga fogtahay meesha ay markaas kasoo hayaameen waa lasoo dhaweyn jiray loona guurin jiray. cucub waxaan filayaa inuu yahay aqalka baadiyaha laga dhiso raar ugu dheer oo lagu soo wareejiyo asaaska hoose ee aqalka. laga yaabee in dadku uusan isku si u aqoon 5- guunyo sax waa xoolo 6- gadow waa sax waa saabka wareegiisa hore qunbaha,haanta, iwm 7- qadow waa geed xooluhu cunaan kuna baxa geed kale laantiis am aad moodid dhidid geedku dhalay. 8- galoof waa sax waa geella guran horayna u dhalay saan filayo 9- gaawe waa sax haruub gaalka ama buraha iwm. Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted February 13, 2011 Gabayada ayaa ugu badan oo erayada laga helaa tusaale gabaygan sidii ugu dhawayd oon u xasuusto wuxuu ahaa Gabar reer korshoo timaha loo gooyay waxay guudka feedhaba kolkay maranti soo gaadho guur doon barbaarihi haduu geesta ka ilaaqo wuxuu gaaf wareegaba kolkuu goosto taladiisa markii lagu galado oo aroos ila xir loo giijo Gablantoy haday baali nimo gooni la'ahaato oo gogasha meeshii la dhigo goorna laga qaadin Ama weelku geyr geyr aan bi'in sal iyo guud yeesho. Gaagaabsi iyo hoos kolkuu gaar wax ugu sheego oo gunuunux iyo qaylo iyo waliba guux keento inuu meherka gooyaa kolkaas sow gar noqon mayso:D Share this post Link to post Share on other sites
Positive Posted February 13, 2011 Waa run in dhaqankii miyigu diciifay waxaase jirta in aynaan wax kale weli ku beddelin taasuna dhibaatooyinka taagan ayey ka mid tahay. Marka aad eegto tusaale dhaqanka heerinka ( erayga waxaan u aqaan heerin halka aad u taqaan heerran ) wuxuu ahaa dhaqan wanaagsan oo astura hablaha guur dhaqso u waaya. Inta ay dhowr isku raacaan ayey habluhu u tegi jireen beel ay garanayaa oo ay u soo bandhigi jireen muraadkooda. Dhaqan bay ahayd in gabdhaha rag loo helo oo beesha ay u yimaadeen guursato markaas. Sheekooyinka heerinka ee aynu dhaxalnay waxaa ka mid ah tan soo socota: Saddex gabdhood oo heerin ah baa ka tegey reerkoodii. Markay dhowr maalmood socdeen ayey u yimaadeen beel oo ay muraadkoodii u sheegteen. Waa la soo dhoweeyey hablihii oo inta la fariisiyey ayaa hilib fiidnimadii loo keenay. Hablihii mid ka mid ah ayaa cad aad u kulul xeeradii kala soo baxday. Markay faraha kaga gubatay bay tiri: - Kululaa kama naalle( deyn kari mayno ee )! - Naa ma kaadsan(sugi) karnee inoo kala goo, bay tiri tii labaad. - Naa ha kanfafee ( qaboobee) korka saar, bay tii saddexaad tiri. Gabdhaha oo muska loo taagnaa ayaa la maqlay hadalka ay is-dhaafsadeen. Waxaa la is-tusay in gabarta 1aad samir xun tahay, tan labaad hunguri weyn tahay, tan 3aadna fariid tahay. Gabadhii 3aad waxaa la siiyey nin geesi ah, tii labaad waxaa la siiyey nin lo’ leh tii 1aad nin sheekh ah( kolley suufi buu ahaa iyagaa samir badanne!). Dhaqankaas daryeelka iyo is-qadarinta ku salaynaa waa laga tegey. Waxaa la joogaa tusaale in meelaha qaar marka la arko oday gaboobay oo bac hadday doonto maran sita in inan yari yiraahdo “ Aar kan unugaa ku nasiibsahaa” oo xabad wadnaha kaga dhufto. Waxaa ka daran boqolal qof oo meesha taagan oo aan ka gilgilan ficilka noocaas ah. Dhaqan noocee ah weeyaan dhaqankaasu? Allow sahal amuuraha in lagu ducaysto ayey ku soo aruuraysaa! Fiiri gaar ah: waxay u badan tahay in aan muddo maqnaado. Halkaas ka sii wada. Toosiye2 Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted February 20, 2011 oday gaboobay oo bac hadday doonto maran sita in inan yari yiraahdo “ Aar kan unugaa ku nasiibsahaa” oo xabad wadnaha kaga dhufto Kuwa aan xitaa bac wadan baa fitno ku dhintay oo aan waxbaba lagu tuhmayn,,, AUN dhib waa lasoo maray walina waa lagu jiraa meelaha qaarkood allaha ka bixiyo. dagaalku wax wanaagsan maahan waana la isla qiray aduunkoo dhan wuxuuna ka bilowdaa dulan la is dulmo wuxuuna ku dhamaadaa is cafis aakhirka intuu doono ha socdee. Hadaba soomaalidii hore siday u dagaalami jirtay way ka duwan tahay sidaan waayahan danbe u dagaalanay waayadii hore waxaa jiray xeer dagaal oo aan laga gudbi jirin lama dili jirin dadka da'da ah caruurta, siiba gabdhaha,wadaadada, musaafarka, martida iwm waxaanay u yaqaaneen birmageydo ama bir ma geydo.,,, Xaalkii waa is badaley cid walba birtii wey geyday, wadaadkii lagu farxi jiray hadda waa laga naxaa,odaygii wax kala xalin jiray hadda magac ma leh,martidii xushmadda badneyd hadda wey ku xadaysaa, masaafurkii miino ayuu kuu aasayaa, caruurtii xushmadda badnayd hadda wey ku tuuraysaa. Aduunkii is badel baa ku dhacay lama filaana dhan kasta xataa cimaladii dhirtii duur joogtii,,, war waa keer:D usoo noqo dhaqankii fiicnaa,,, oo wax nooga sheeg wixii aad ka xasuusato toosiyow waa markaad soo nabad noqotid bi'idni laah. Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 20, 2011 Ereyga yalax qof sheego maala waaye wali? Yalax = jileec. Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted February 21, 2011 yaleex,yalax,yalalax. Timo yaleex ah, timo yalax ah, iyo caws yalalax leh=kuligood jileec bay isugu biyo shubanayaan. kuwan noo soo fiiri ina macruufow 1-mayraq 2-musonaw 3-miscilil 4-magool 5-mir iyo mahiigaan. Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 21, 2011 Mahiigaan waxaa u aqaan wax isdaba socdo oo awood ku socdo, sida roob xoog ku socdo camal oo aan kala joogsi lahayn. Roob mahiigaan maqli jiree. Kuwa kale waa usoo noqonaa, xaaji. Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted February 23, 2011 maalinta afka hooyo 21 feberaayo http://wayeel.blogspot.com/2010/02/maalinta-afka-soomaaliga.html Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted February 23, 2011 Waa maxay micnaha ereyada Guraab iyo Meerane? Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted February 23, 2011 Nasiib maad afsomaali weydiin? War kan waa reer xamar weynaade:D Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted February 23, 2011 somalina guraab iyo meerane haduu science yahay ama cilmi falag waa layga badiyaa haduu lahjad yahayna sidoo kale dhaqanka baadiyaha ama reer miyiga waxbaan ke celceliyaa;) Nasiib maad afsomaali weydiin? War kan waa reer xamar weynaade wyre waa hagaage noo sheeg adaa reer qorexeye:D Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted February 24, 2011 Aniga isaga unbaan dhaamaa 10% reer qorexey ma ihi:D Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted February 24, 2011 Wallee meesha Af-Soomaalaa ka dhacay, noo soo/sii wada Positive & Gooni'yoow!. Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted February 25, 2011 geellu habeynkii markuu xasilo ama fadhiisto ishaaro caynkee ah ayuu bixiyaa markuu dareemo libaax ama ragg kusoo fool leh ama kusoo socda? Share this post Link to post Share on other sites