oba hiloowlow Posted January 14, 2011 Beryahan waxa sidii waraaqihii loo kala koobiyeeya maamul goboleedyo calamo badan, waxaana ka mid ah;- ANIGAA FIICANLAND, ANIGAA KAASII FIICANLAND, IGAMA FIICNID LAND, ANIGAA IDIIN WADA FIICAN LAND, CAR YAA IGA FIICANAADA LAND, MAXAAD U FIICAN TAHAY LAND, YAANBA LA FIICNAANIN LAND.....iyo wixii la mid ah. Su’aasha jawaabta mudanise waxay tahay qaabkani ma yahay mid aan uga bixi karayno qaliinka aan qudheenii ku sameeynay iyo qaxa iyo qaxarka aan qaranimadeenii ku qamaarnay…? Waxaan u badinayaa in qofka ugu doqonsanina igu raaci lahaa maya…..! Waxaa la yiraahdaa hadii doqonimo la qeexo waxaa uun lagu macneeyaa sameeynta ficil hal nooc ah oo lagu celceliyo maalin kasta si is bedel loo sameeyo…nin baa laga hayaa ´´Ninyohow shalayna waa ila arin diidaneeyd, xalayna waa ila orod yareeyd haatana waa ila aqoon yartahay´´. Inaan maqaalkan qoro waxaa igu dhaliyay maaha inaan kasoo horjeedo maamulada nabdoon ee hada jira ee ugu yaraan leh degel iyo dad ay maamulaan anigoo rajeeynaya inay nabadaas kusii caana maalaan ilaa iyo inta ay Soomaalida oo dhami saaxi ka noqonayso sida aanu AllE ka baryeeyno. Waxase ay sartu ka quruntey ayaa ah in uu qof kastaahi soo sameeysto boor uu magac ku qoran yahay iyo calan qabiil aan meelna ka talinin xilli timirti hore dab loo la’yahay, dooda furanina ay tahay sidee looga baxaa…? Aragtida aan sii fogeeyn ee ka dambeysa magacyada maamuladan afka ah ee u tarmaya sida jeermiska isla markaana inta badan uun ka dhisan afka warbaahinta Soomaalida oo iyadna inta badan gabtay doorkeedii ahaa inay jidka wanaagsan ee midnimada iyo wax wada qabsiga ugu baaqdo umadda Soomaaliyeed ee sumoowdey hadii ay wax uun wanaagsan sameeysana ku fasaqaysa ficilada xun ee ay ku biya raaciso ayaa waxay ka dhigan tahay hal ku dheg u dhadhamaya ´´Yaan laga bixin ee halagu boxo´´. La yaab malaha in uu dhoco dagaal mindhicireed ay sokeeyuhu is dubtaan oo wax wax loosoo joogey tan iyo markii dunida la unkay laakiin dadku dhibkooda cashar bay ka baran jireen marka anaga jab kama daala iyo dhibkeed jecel ah laga saaro. Waxaan dibneheeyga qaniinaa marka aan arko doorka liita ee kadare la yiraahdo ee ay cayaaraan dibad joogta Soomaalidu oo maanta ah daafadda riixaysa calamadan tirada badan, ugu horeeyn waxay dhaqan geliyeen wax lagu tibaaxo ´´Jaaliyado´´ Soomaaliyeed balse aan anigu u aqaano ´´Jabhado yaryar´´ waayo is waydii hadii Shiinaha oo 2 bilyan ihi hal jaalliyad leeyahay inaga imisaa noo furan..? Markii 2-aad si dadban iyo si toosanba waxay uga qayb qaataan hurinta colaadaha Soomaalida ka dhex oogan iyagoo iminkana ku lug leh siyaasad ku sheega afka iyo dabada iskaga xiran ee urku u bixi la’yahay ee kajirta dalkeenna. Markii laga soo gudbey ururadii wada sitey xarafka ´´S´´ ee Soomaaliya ka hana qaaday xiliyadii burburka kadib iyo inyar uun kahor waxaa la lahaa yaa mar uun nooga miciina. Nasiib wanaag way dhamaadeen waxaase bedeley magacyo Islaami ah oo mar gaarey ilaa 10 urur hadase soo yaraaday waloow wixii laga rajeeynayay laga banaan fariistay ilaa iyo iminka hadii aanay dhiba soo kordhin, laakiin waxaa dhabana hays leh inaanu hal jid uun iska hayno oo aan gudbi wayno jidkaasoo ah kan na qaribay ee qabyaaladda oo ah kan na aakhira seejinaya hadii aynaan ka noqon. Marka aan sidaaa leeyahay waxaan aaminsanahay in maamuladan magac u yaalka ah ee uu mid kastaahi sito xidigtii Soomaaliya oo si uun loo bahdiley iyadoo waxa la adeegsanayaa ay yihiin qabkii qabyaaladda waxa kasoo xasilayaa waa uun xarfihii ´´S´´ oo mar kale la rinjiyeeyey loona bedeley calaladii qabyaaladda..! Ugu dambeeyntii wax badana waan sheegay hadana waan ku celinayaa ´´wallee waan dabar go’eeynaa hadeeynaan is daba qaban ee midnimada halla doono iyadaa na deeqdee´´.......intiina wax dareemeeysana aan dib u dhigo waayohooda oo aan xusuusiyo gabaygii dhaxalgalka ahaa ee ´´DIX DHAGAXEED´´ oo uu sanadii 1967-kii mariyay (AUN) Cabdulaahi Suldaan Maxamed ´´Timacadde´´ balse la moodo inuu shalay tiriyay:- Docda bari dareeriga badiyo, Seeylac darafkeeda. Dusha Koonfureediyo illaa, Webiga daaciisa. Degmadeenna oo idil hadaan, Dayey abwaagteeda. Nimaan duubiyadu naafo noqon, Deelka laga waaye. Dulmi iyo dhac waa waxa qarribay, Degeladiiniiye. Dul iyo hoosba waan ugu dhigee, waa DIX DHAGAXEEDE. Anuumbaa damqanayee dheguu, Uma daloolaane. Bal inay dalfoof tahay caqliga, Dooni laga saaray. Wixii hore usoo daashadeey, Degashaneeysaaye. Waxaa Qoray;-Maxamed Xaaji Xuseen Raage Boosto-Koronto;-maxaaji@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites