Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dowladda oo dagaalka Afka kaga Guuleysatay Mucaaradka

Recommended Posts

Kadib markey dowladdu ku hanjabtay inay dagaal adag ku qaadeyso kooxaha Mucaaradka, ayaa qiyaasyo la sameeyay waxaa lagu cadeeyey in dowladda ku guuleysatay dagaalka xagga afka ee ka dhanka Mucaaradka hubeysan.

 

Wakaalada wararka ee AFP ayaa laga so xigtay in 80 % ay dadka Muqdisho ay taagare uu haayan Dowladda halka ay 20% oo ah inta so hartay ay weli taageersan yihiin Mucaaradka.

 

warbixinto dhameystiran ka akhrista : http://www.caasimadda.com/dowladda-oo-dagaalka-afka-kaga-guulaystay-mucaaradka/

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ :D

 

Reminds me of the story of the kids who were robbed by a local thug and told their story to one of their friends who wasn't at the crime scence. The friend responded "la ileee...haddaan joogii lahaa lee". They asked him what he would have done and he replied "waa booteen lahaa noh".

Share this post


Link to post
Share on other sites

deee wa run TFG waxay ku hadasha dhowr af, afka ugandeska afka burundi afka somaliga , afka carabiga oo sh dalxiis ku hadlo Afka ingriiska oo farmaajo u ku hadlo. American accent. , Maxamamd abdilahi omaar oo afka ingriisiga lahjada Boqorada ku hadla., Alshabaab na waxay ku hadlaan Pashtun farsi iyo Somali . marka dhanka afka la kala awood badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

loooool@ Ayub

 

Xaaji Xunjuf;687463 wrote:
deee wa run TFG waxay ku hadasha dhowr af, afka ugandeska afka burundi afka somaliga , afka carabiga oo sh dalxiis ku hadlo Afka ingriiska oo farmaajo u ku hadlo. American accent. , Maxamamd abdilahi omaar oo afka ingriisiga lahjada Boqorada ku hadla., Alshabaab na waxay ku hadlaan Pashtun farsi iyo Somali . marka dhanka afka la kala awood badan.

lol@lahjada boqorada....

Goormaa saan isku dhaameysaa oo faanka aan dhadhanka lahayn naga yareyneysaa? I thought inaad dadka faana necbanayd? adiga isma eegen markaad saas oranaysey malaha...lol

 

Maxamamd abdilahi omaar waa muwaadiin Somaliyeed oo ka amar qaata Farmajo iyo Sharif...digest that xoogaa...lol

 

40 Shababis ayaa ka soo cararay Godane oo bootadaa ka cabsadey...more booto ayaa soo socota, keep watching waxay dhigto...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda kmg ee Soomaaliya ayaa hanjabaado kulul ugu hanjabtay Xarakada Al Shabaab, iyadoo sheegtay in’ay dhawaan ka xureen doonto guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan.

 

Wasiirka Gaanshaandhiga ahna Raa’isal Wasaare ku xigeenka dowladda kmg ee Soomaaliya Cabdi Kariin Maxamed Xaaji Fiqi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu ku goodiyay in dalka Soomaaliya ay xoog kaga saari doonaan Xarakada Al Shabaab.

 

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dagaalo qaraar oo ay la-gasho Xarakada Al Shabaab oo uu ugu yeeray cadow kusoo duulay dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay in uu xil ka saaran yahay, sidii ay cagta ku marin lahaayeen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

 

Wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay taageero balaaran ka hesho kooxda tunka weyn ee Al Qaacida, isagoo intaasi ku daray in’ay yihiin cadow u soo heshiiyay dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu wacad ku maray in’ay dhulka la-jari doonaan.

 

Sidoo kale Fiqi ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab iyo dagaal-yahanada shisheeye ee kaashaneyso buu yiri waxay dhibaato baahsan ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u diiday buu yiri in’ay nabad ku jooggaan guryahooda, taasina wuxuu ku tilmaamay wax ka fog bili’aadanimada.

 

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Gaanshaandhiga ahna Raa’isal Wasaare ku xigeenka dowladda kmg ee Soomaaliya Cabdi Kariin Maxamed Xaaji Fiqi ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli Xarakada Al Shabaab iyo dowladda Soomaaliya ay isku mindiyo soofeysanaayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ku Simaha R/wasaaraha Soomalaiya ahna wasiirka wasaaradda gaashaandhigga iyo R/Wasaare ku Xigeen Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Maanta Kormeer Howleed ku tagay Qeybo kamid ah aaggagga dagaalka ee ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Isagoo ku amaamnay Howsha adag ee ay u hayaan qaranka Soomaaliya.

 

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kormeeray aagagga dagaalka Degmooyinka Boondheere, C/casiis iyo Shangaani waxaana booqashada ku wehlinayay wasiiru Dowlaha gaashaandhigga Mudane Cabdi Maxamed Abtidoon iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

 

K/Simaha R/wasaaraha oo labisan dharka Ciidamada ayaa soo booqday dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda ee ku yaala degmooyinkaasi, waxa uuna la kulmay saraakiisha Ciidamada ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

 

Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo wareysi siiyay Radio Muqdisho markii uu soo dhameeyay kormeerkiisa ayaa sheegay in ujeeddada kormeerkiisa ay ayahd sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda ay ku sugan yihiiin ciidamada islamarkaasna loo ogaan lahaa dhibaatooyinka ka hortaagan howlaha ay dalka uga difaacayaan maleeshiyaadka Kooxda Shabaab.

 

k/simaha R/wasaaraha ayaa dhinaca kale tilmaamay in Xukuumadad soomaaliya ay bixisay Mushaaraadka Ciidamaada bishii hore ee December, isagoo tilmaamay inay Ciidamada siin doonaan bilaha soo socda waxa uuna ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda.

 

Wasiirka Gaashaan dhigga ayaa sheegay in ajaanibta dalka ku soo duushay iyo Soomaalida la shaqeyneysaba dhawaan dalka laga sifeyn doono, isagoo ciidmada Qaranka ku boorriyay in ay howshaas oo waajibaadkooda ka mid ah fuliyaan.

 

Hadalkiisa ayuu sii raaciyay in xukuumaddu aysan aqbali doonin in ajaanib dambiilayaal ah ay Shacabka dhibaateeyaan, Soomaaliduna ay garwaaqsan tahay in ay dib u hanato sharaftii ay ku lahayd caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AYOUB;687458 wrote:
^
:D

 

Reminds me of the story of the kids who were robbed by a local thug and told their story to one of their friends who wasn't at the crime scence. The friend responded
"la ileee...haddaan joogii lahaa lee
". They asked him what he would have done and he replied
"waa booteen lahaa noh".

loool:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this