Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Nin calooshiisa mugeed cambuulo ah cunay oo mutay 40-Karbaash lagana masaafuriyo Degmada Jalalaqsi

Recommended Posts

Maamulka ururka Al-Shabaab ee ka taliya degmada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa sii kordhinaya awaamiirta iyo cadaadiska uu ku hayo degmadaasi degan tan iyo markii halkaasi uu kala wareegay ururkii burburay ee Xisbul Islaam, isla markaasina la wareegay dhammaanba goobihii waxbarashada iyo masaajida degmada Jalalaqsi, iyadoo xukunada ay ku dabaqayaan Shareecada Islaamka ay sheegeen dadka degaanka inaysan marnaba wax raad ah ku lahayn diinta Islaamka, hase yeeshee tallaabooyinkaasi ayay sheegeen dadka Jalalaqsi inay yihiin xukuno keli talisnimo ah.

 

Dhacdooyinka ugu waaweyn ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ka sameeyeen degmada Jalalaqsi waxaa ka mid ah xukun ay ku fuliyeen nin lagu magacaabo Cabdi Nuur Duqow oo caan ka ah degmadaasi, kaddib markii uu calooshiisa mugeed ka cunay digsi saarnaa dab oo uu lahaa nin beeraley ah oo ay saaxibo ahaayeen.

 

Horjoogaha kooxda Al-Shabaab ee degmada Jalalaqsi oo dadka degmada ay u yaqaanaan "Hira" ayaa ninkaasi ku xukumay 40-Karbaash iyo in laga masaafuriyo magaalada, bacdamaa cambuulada uu ku cunay si xatooyo ah, hase yeeshee dadka degaanka ayaa xukunkaasi ku tilmaamay inuu yahay mid ka baxsan shareecada Islaamka, bacdamaa ninka aanu xadin digsiga iyo cuntadii ku jirtay balse uu ka cunay calooshiisa mugeed.

 

Dhibane Cabdi Nuur Duqow oo inta aan lagu fulin xukunka lagu soo wareejiyay suuqa ugu weyn degmada Jalalaqsi, waxaana arrintaasi cambaareeyay waxgaradka, culumaa'udiinka iyo dadka degmada Jalalaqsi, iyadoo wararka naga soo gaaraya qaar ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Hiiraan ay sheegayaan inay dadka reer miyiga ah ay bilaabeen kacdoon ka dhan ah maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

 

Duleedka degmada Jalalaqsi oo ah dhul buuraley ah ayaa la sheegayaa inay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ururka Al-Shabaab, waxaana halkaasi oo ay isku urursadeen rag xoolo dhaqato ah isla markaasina aad u hubeysan, kuwaasi oo iyagu ka horjeeda gebi ahaanba maamulka ururka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

oba hiloowlow;687273 wrote:
Dhacdooyinka ugu waaweyn ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ka sameeyeen degmada Jalalaqsi waxaa ka mid ah xukun ay ku fuliyeen nin lagu magacaabo Cabdi Nuur Duqow oo caan ka ah degmadaasi, kaddib markii uu calooshiisa mugeed ka cunay digsi saarnaa dab
oo uu lahaa nin beeraley ah oo ay saaxibo ahaayeen
.

Oba, Al Shabaab waxkasta wey ka suurtoowdaa. Ninkan miiskinka ah saxiibkiis aa dacweeyey aan u maleynaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Oki. Haddaba Duqa waa inuu iska sooma digsigana farahiisa kaa ilaashado ilaa iyo intay qorshahaas 100ka cisho dhamaanayo. Gacani waa miskiin baa layidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this