Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kooxda Sheekh Atam oo isu soo dhiibay maamul goboleedka Puntland

Recommended Posts

Saraakiil iyo ciidamo badan oo ka tirsan kooxdii laga itaal roonaaday ee Sheekh Maxamed Saciid “Atam” ayaa waxay maanta isu soo dhiibeen maamul goboleedka Puntland, oo kula jiray dagaalo xoogan.

 

Qaar ka tirsan saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kooxda Sheekh Maxamed Saciid “Atam” ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii loogu baaqay in’ay isa soo dhiibaan.

 

Dhamaan dadkaan oo uu horey dil toogasho ah ugu xukumay maamulka Puntland ayaa wuxuu sheegay in cidii isa soo dhiibtaa ay u fidin doonaan cafis, isla-markaana dhamaan dadkani ayaa waxaa loo-fidiyay cafis.

 

Afhayeen u hadlay maamulka Puntland oo ku sugan magaalo xeebeedka ee Boosaaso ee gobolka Bari ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan dadkani la-cafiyay, sida uu horeyba u sheegay buu yiri maamulka Puntland, oo horey u balan qaaday, in ruux kasta oo isa soo dhiibtaa ay u fidin doonaan cafis.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dadkani dhamaantood la-siin doono goobo ay ugu talla gashay maamul goboleedka ee Puntland, isla-markaana saacadaha soo socda ayaa waxaa la-filaayaa in dadkani la-hor keeni doono bahda saxaafadda.

 

Waa markii ugu horeysay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kooxda Sheekh Maxamed Saciid “Atam” ay si toos ah iskugu soo dhiibaan maamulka uu madaxweynaha ka yahay C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole”

 

Saciid Ibraahim

Boosaaso, Bari

Dhacdo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this