Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

An All Puntland Governor Meeting To Be Held In Garowe To Discuss Taxation Reforms

Recommended Posts

a_4068.jpg

 

Gudoomiyayaasha Degmooyinka Puntland oo ku kulansan magaalada Garowe

 

Wasaarada Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose & Horumarinta reer miyiga Puntland ayaa kulan ay ka qeyb-galayaan maamulada degmooyinka Puntland ku yaal isugu yeertey Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland,kuwaas oo ujeedada la isugu yeerey ay tahay mideynta dhakhliga Puntland usoo xerooda hay,adaha Dowliga Dowlada Puntland.

 

Duqa Magaalada Qardho Ahna gudoomiyaha golaha deegaanka qardho maxamed saciid (hogaama la roor) oo u waramayey Radio Garowe ayaa sheegey in nidaamkan ku saabsan mideynta dhakhliga Puntland uu yahay mid magac guud uu hal meel isugu imaanayo sida wasaarada maaliyada oo kale.

 

Wuxuuna Hogaama la roor intaa ku darey in uu yahay qaabkii horey dhakhliga loo maamuli jirey oo aysan waxba iska bedelayn islamarkana hay,adaha ay ka mid yihiin dowladaha hoose ay la mid noqonayaan canshuurta dalka ay ka qaadaan tan wasaarada maaliyada.

 

Tiro afar hay,adood oo ka mid ah hay,adaha dowlada ayaa dhawaan looga yeeray Kalfadhigii baarlamanka Dowlada Puntland, kuwaas oo wax laga weydiiyey dhakhliga usoo xerooda iyo halka uu maro, Ka dibna mudanayaasha baarlamanku isku raaceen in hal meel la mariyo miisaaniyada dowlada si loo helo xisaab xir sanadeed buuxa oo laga arko halka loo isticmaalo kharashaadka dowlada ku baxa.

 

 

Xafiiska Wararka

 

Dunida Online Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this