Sign in to follow this  
Somalina

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo Soomaalida Holland kala hadlay waxbarashada dalka Somalia

Recommended Posts

Somalina   

jaamacadda.jpg

 

Talaado, January 11, 2011(HOL): Shir weyne ay soo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Hirda Foundation ee ka shaqeeya waxbarashada dalka Somalia,laakiin fadhigiisu uu yahay dalka Holland ayaa waxa uu ka dhacay Magaallada Amsterdam,kaasi oo warbixin dhinaca waxbarashada Somaliya ku saabsan looga dhageysanayey Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr, Ali Sheikh Ahmed .

 

Waxaa shirkaasi ugu horeyn furtay Fadumo Maxamed Farax oo ah Agaasimaha Hay'ada Hirda,waxaana ay sharaxaad ka bixisay ujeedada shirkan loo soo qabanqaabiyey iyo waxa laga filan karo inay kasoo baxaan,iyaddoo muujisay inay ku faraxsan yihiin kusoo dhaweynta Wadanka Holland ay kusoo dhaweeyeen Guddoomiye Dr,Ali Sheikh.

 

Shirka ayey Fadumo ku sheegtay inay uga hadlayaan waxbarashada Dalka Somalia ka jirta iyo waxyaabaha ka horyimaada marka loo eego dhinaca dib u dhacyada,waxayna intaasi ku dartay inay Hirda ahaan ka shaqeeyaan horumarinta Waxbarashada Somalia,iyaddoo la ogtahay in ururka Hirda uu iskuulo badan ka dhisay Dalka Somalia,ilaa hadana uu gacanta ku hayo.

 

Dhinaca kale waaa isna Shirkaasi ka hadlay Cali Abdi Awaare oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliyeed ee Holland isla markaana ka mid ah Mas'uuliyiinta Jaaliyada Somalida ee Amsterdam,waxaa uu Ali shirkaasi uga hadlay xaalka guud ee somalida holland,isagoona sheegay inay dadka Somaliyeed u qeybsan yihiin kuwa la jaanqaaday horumarka ka socda dalkan iyo kuwa dib uga dhacay la jaanqaadida dalkan.

 

jaamacadda6.jpg

Intasi kadib,waxaa Hadalka qaatay Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr,Ali Sheikh kaasi oo ku dheeraaday ka hadlida xaalka waxbarashada Dalka Somalia,isagoona sheegay in xaalka waxbarashada uu iska yahay mid calowsan,laakiin waxa uu taasi barbar dhigay in dadka somaliyeed aysan marna ka niyad jabin warbashada sidii loo sii wadi lahaa.

 

Dr,Ali Sheikh ayaa waxa uu sheegay in Jaamacada Muqdisho ay si rasmi ah u fureen sanadkii 1997,xiligasi oo uu sheegay inaysan dadka badi ku wada jirin inay waxbartaan,iyaddoo dhinaca amaanka dalkana uu ah aad u xun,laakiin ay u bareereen inay waxbarashada gaarsiiyaan ardayda somaliyeed ee aan nasiibka u helin inay dibada usoo baxaan.

 

Guddomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr,Ali Sheikh waxa uu sheegay inay sanadkiiba arday ka badan 1000 ay ka qalin jabiyaan Jaamacada Muqdisho,waxaana uu sheegay in Shahaadada ay bixiso Jaamacada Muqdisho inay tahay mid la aqoonsan yahay,waxaana uu si gaar ah carabka ugu dhigtay inay Wadamada Maleesiya iyo Suudan Jaamacado ku yaala ay imtixaanka ardayda ka qaadaan,kadibna ay siiyaan shahaado dunida kale aqoonsan tahay.

jaamacadda1.jpg

 

 

Hadalka Guddoomiyaha oo ahaa mid dhinacyo badan taabanaya ayaa ugu danbeyntii,waxa uu Somalida shirka fadhisay ku booriyey inay ka qeyb qaataan waxbarashada Dalka Somalia,isla markaana ay dib ula soo noqdaan wixii ay dalalka ay joogaan ka faa'ideen,taasi oo ay dhici karto inuu dalka Somalia u baahan yahay.

 

Waxa uu meesha kusoo bandhigay Guddoomiye Dr,Ali Sheikh Video ka hadlayey Jaamacada Muqdisho iyo sida ay ku bilaabatay iyo hada meesha ay soo gaartay,waxaana uu sheegay in Jaamacada Muqdisho ay ku bilaaben awal guryo ay dowladii Somaliya laheyd iyo guri kiro ahaa,laakiin ay hada dhisteen dhismayaal qaadi kara Arday dan 10,000 ' Toban Kun " kuwaasi oo ku kala yalaa Muqdisho iyo Boosaaso oo laga furay farac Jaamacadaka tirsan sanadkii 2009.

 

Dhinaca kale shirka waxaa ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Jaamacadii Umadda Somaliyeed Prof,Abdi Farax iyo Prof,Omar Shire oo isaga ka mid ahaa Macalimiintii iyo Madax waaxeedkii Jaamacadii Umadda Somaliyeed xiligii Dowladii dhexe ee Somalia,kuwaasi oo si wada jir ah ugu hambalyeeyey Dr,Ali Sheikh dadaalkiisa ku aadan ka shaqeynta dal aysan ka jirin nidaam dowladeed,isla markaana uu uga dhex wado waxbarashadii.

jaamacadda2.jpg

Waxaana ay si wada jir ah u qireen inaysan sahlaneyn in laga shaqeeyo waxbarashada hada ee Somalia,waxayna ay is barbar dhig ku sameeyeen xiligii ay iyaga Hogaaminayeen Jaamacaddii Umadda Somaliyeed iyo mida Hada ee Jaamacada Muqdisho,iyagoona sheegay inay tahay laba kala dheer,maadaama aysan jirin dowladii caawin laheyd waxbarashada ay gacanta ku hayaan Dr,Ali Sheikh.

 

Dhinaca qurba joogta Somalida Holland iyo UK,waxaa shirkaasi uga hadlay Haweeneyda Shamso Xasan iyo Abdishakur Tarax,kuwaasi oo tilmaamay kaalinta qurba joogta ee ku aadan ka qeyb qaadashada waxbarashada Somalia,waxaana Shamso Xasan ay walaac ka muujisay kaalinta gabdhaha somaliyeed ee waxbarashada,iyaddoo sheegtay in gabadhaha laga hor istaago waxbarashada kadib markii niman loo guuriyo iyagoo aad u da'yar.

 

Abdishakuur Tarax oo isaga ah lataliye dhinaca waxbarashada ah ayaa sheegay inuu Jaamacada muqdisho laga shaqeyn doono arino badan oo uu ka caawiyey wadamo kale oo geeska africa ka jira,taasi oo ay si weyn usoo dhaweeyeen somalidii kale ee halkaasi joogtay.

jaamacadda7.jpg

jaamacadda11.jpg

jaamacadda10.jpg

Dadweynihii halkaasi joogay ayaa su'aalo weydiiyey Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr,Ali Sheikh,kuwaasi oo dhamaantood uu uga jawaabay,waxaana intaasi kadib uu isagana ka dalbaday Guddoomiyihii hore ee Jaamacadii Umadda Somaliyeed Prof,Abdi Farax iyo Prof,Omar Shire inay ka qeyb qaataan waxbarashada Dalka ka socota isla markaana waqtigooda ay qeyb siiyaan inay waxbaraan ardayda dhigata Jaamacadda Muqdisho,taasi oo ay si weyn usoo dhaweeyeen.

 

Dr,Ali Sheikh waxa uu dalka Somalia kusoo laabtay sanadkii 1992 xiligaasi oo uu Jaamacad ka dhigayey Wadanka Sacuudi carabiga,taasi oo uu ka doorbiday inuu dalka somalia dib ugu soo noqdo si uu uga qeyb qaato waxbarashada Dadkiisa oo xiligaasi dagaal sokeeye lugaha kula jiray,waxaana dareemi kartaa in xiligaasi oo ay dadka badi ka qaxayeen somalia qof usoo laabtay dalkiisa inuu yahay wadani ay somali wada xusi doonto.

 

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay'ada HIRDA ayaa waxaa soo afmeertay Agaasimaha Hay'adaasi Fadumo Maxamed Farah,taasi oo sheegtay inuu shirkan kusoo dhamaaday sidii la rabay,waxaana dhinaca kale ay mahadcelin u jeedisay Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr,Ali Sheikh oo safar dheer usoo galay,sidii uu dadka Somalida Holland arimaha waxbarashada ugala hadli lahaa,waxaana si taasi la mid ah ay ugu mahadcelisay intii kale ee kasoo qeybgashay shirka.

 

http://www.hiiraan.com/news/2011/jan/images/sawirwadaji%20ah1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

SOMALIA: Fighting for an education

 

Thursday 13 January 2011

 

 

"Parents were often keen on taking their children to school, just to keep them out of the militias"

NAIROBI, Sometimes the teachers make it to school but the children do not - when the fighting is too intense for them to venture outdoors. Sometimes teachers make it to school only to find it has been moved - to enable displaced children to continue learning. This is the nature of teaching in war-torn Mogadishu, Somalia's capital, considered one of the world's most dangerous cities.

 

"I was on the way to school one day when intense fighting erupted and I had to seek shelter; by the time I got to school there were no students, they could not come because of the fighting," Abdulkadir Abdullahi, a primary-school teacher in Mogadishu, told IRIN.

 

Abdullahi said even though there were no official figures, many of his colleagues had left the profession due to insecurity.

"It is not only that we have to deal with the constant shelling and general insecurity, but sometimes teachers are specifically targeted for doing what they do by the fighting groups," he said, adding that only those dedicated to their profession remain. "This [teaching] will not make you rich."

 

He said many teachers were killed just for going to work.

 

Fighting in Mogadishu, which has been going on for years between government forces and opposition Islamist groups, has escalated in recent months.

 

A civil society source in Mogadishu, who declined to be named, told IRIN that teachers were targeted because "they are an obstacle to the interests of the fighting groups. The warring sides want to recruit young children and it is hard to recruit a child going to school.”

 

Parents were often keen on taking their children to school, "just to keep them out of the militias", he said.

 

 

Unpredictability

In the midst of the chaos and violence, teachers, students and their parents are confronted with a choice of obtaining a semblance of education or giving up altogether.

 

"There is no predictability to the fighting," Sheikh Mohamed Ahmed, chairman of the Somali Formal Education Network (SOFEN), an umbrella group that brings together 55 schools in the city and three other regions in south and central Somalia, said. "Yesterday you may have had a full school and today you may have no students or teachers because they could not brave the fighting."

 

He said the schools network had established "emergency education", where teachers follow the population whenever they are uprooted due to the fighting.

 

"We go wherever they are," Ahmed said. "Some days we are teaching under a tree and if we are lucky, under a tent."

 

Some schools in Mogadishu have been abandoned because they were in a war zone or occupied by fighting groups. Ahmed said 20 member schools were closed due to insecurity.

 

Adil Ahmed, another teacher in Mogadishu, told IRIN that teaching in the city was unique. "This is the only place I know where you can have a school move to different locations three times in one year," he said.

 

If an area becomes too dangerous or the situation does not settle down, Ahmed said, the school's authorities look for a location and move. "It is a normal thing in this city. Imagine teaching in that situation or learning."

 

Ahmed said he was most impressed by the students' desire to learn, despite the traumas.

 

Since 1990, more than 1.4 million Somalis have been displaced internally, and at least 600,000 are refugees in neighbouring countries.

 

Source: IRIN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this