Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Nabadiidka waxey rabaan muqdisho iney noqoto sidii baydhabo 1992dii''

Recommended Posts

Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sanadkaan cusub 2011-ka xaaladda magaalada Muqdisho oo uu sheegay in muddo 20-sano ah ay gashay xaalad colaadeed, burbur iyo horumar la'aan soo wajahday dadka degan magaalada Muqdisho, taasi oo uu sheegay Guddoomiye Tarsan in shacabka Muqdisho guryahooda laga barakiciyay isla markaasina ay xoog ku heystaan wax uu ugu yeeray kooxaha nabad-diidka ah.

 

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha G/Banaadir ee Dowladda KMG ah in shacabka degan Muqdisho laga hor istaagay wax kasta oo horumar ah, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo laga burburiyay, la banneystay in dhiigooda la banneysto la dilo, la dhaco, isla markaasina la cuna qabateeyo, wuxuuna Md. Tarsan sheegay in shacabka Muqdisho si kasta oo dhibaatooyin loogu geysto ay yihiin kuwo mideysan.

 

"Sababta qalooyinka nabad-diidka ah awooda Muqdisho u keeneen waxa weeye inaysan degin" ayuu yiri Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay in kooxaha kahorjeeda wax kasta oo xumaan ah ay ka dhigayaan inay diinta Islaamka waafaqsan tahay, hase yeeshee waxa uu meesha ka saaray in diinta Islaamka iyo ficilkoodu aad u kala fog yahay oo aan wax shaqo ah haba yaraatee ku lahayn Shareecada Islaamka.

 

Guddoomiyaha G/banaadir mar uu ka hadlayay Muqdisho oo nabad noqota ayuu sheegay inay la mid tahay nabad ka dhacda guud ahaan dalka oo dhan, wuxuuna caddeeyay in shacabka Muqdisho aysan weli quluubtooda jebin, waxaana uu sheegay in kooxdii dooneysa shacabka inay hoggaamiso ay u soo bandhigto nidaamka ay ku maamuleyso, hase yeeshee ma aha ayuu yiri in qori caaradiis iyo in dadka la laayo lagu gaarayo mansab iyo hoggaaminta dadka iyo dalka.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal degayay guushii ciyaartoyda gobolka Banaadir ay ka soo hooyeen tartanka ciyaaraha gobolada ee dhowaan ka dhacay magaalada Garowe, taasi oo uu sheegay Md. Tarsan inay xafladaasi horseed u tahay sida ay dadka gobolka shucuurtooda ugu muujinayaan guushaasi taariikhiga ah, wuxuuna u mahad celiyay dhammaanba intii asaaska u ahayd guusha u soo hoyatay G/Banaadir, wuxuuna Md. Tarsan si gaar ah ugu mahad celiyay

 

 

http://www.soomaalidamaanta.com/index.php?option=com_content&view=article&id=18550:gudtarsan-qgeeridii-baydhaba-ka-dhacday-oo-kale-ayaa-dhici-doontaq&catid=1:wararka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this