Sign in to follow this  
Somalina

”Somaliland waa inay si deg deg ah uga baxdaa dhulka Ceyn

Recommended Posts

Somalina   

Garoowe: (Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Somaliland oo sheegey in ciidamo katirsan kuwa Somaliland ay tagi doonaan deegaano horleh oo katirsan gobolka Ceyn ee Puntland,waxaana ay dawlada Puntland sheegtay in Somaliland looga baahanyahay inay ka noqoto hadalkaas islamarkaasna ay imika banayso dhulka reer Puntland ee ay xooga ku maamusho.

 

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga & Kheyraadka badda ee dawlada Puntland Eng,Maxamed Faarax Aadan ayaa ka jawaabay hadalkaas,waxaana uu sheegey in aysan u dulqaadan doonin isku fidin horleh oo ay sameeyaan ciidanka Somaliland,isagoo ku baaqay in ay taas ka noqoto hadii kalena ay Dawlada Puntland kala kulmi doonto jawaab culus.

 

“Waxaan maamulka Somaliland u sheegayaa inay ka noqoto hadalkii shalay,waa in aysan ku dhiiran hadalkaas,waana In ay banayso dhulka reer Puntland ee ay imika joogto,gaar ahaana kan gobolka Cayn,hadii kale shacabka & dawlada Puntland uma dulqaadan doonaan”yuu yiri Wasiirka oo ka hadlayey shir ay maanta yeeshaan Madaxda & Odayaasha gobolka Ceyn oo ku kulmay garoowe.

 

Dhinaca kale Eng,Maxamed Faarax Aadan wuxuu sheegey in dawlada Puntland ay dawladaha caalamka ee taageera howlaha soomaaliya ay u direen baaq rasmi ah oo ay Puntland ugu sheegayso inay Somaliland duulaan ku tahay dhulka reer Puntland,waxaana uu meesha ka saaray inay taas aqbali doonaan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this