Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Af dad waayey

Recommended Posts

Magaceygu waa Afsoomaali. Da’deyda ma aqaan. Hayeeshee in dhaaxo waan soo joogay. Tartan badan waan soo maray. Afaf gumeyste ahaa waan ka guuleystay. Waan jiray. Oo noolaa. Gallad Eebbe ha iga gaadhee, intii uu Islaamku ku faafayay geyiga aan ku noolahay waxaan iska caabbiyay in aan liico—dabar-go’ warkiisaba daa. Kuwo aan degaan ahaan iga fogeyn iyo kuwo kaloo igula noolaa Afrika waxaa ka xoog-batay afafkii qalaad ee gumeysanayay. Anigu waxa aan gabbaad ka dhigtay suugaan hodan ah oo aan leeyahay iyo af nolosha si dhammeystiran u cabbiri karo.

 

Rag shisheeye ah baa ii qiray inaan ahay afkii gabayaasha. Garab ayaan ahay. Aniguu i kaashadaa Soomaali walboo uu haleelay jaceyl ugub ah, ama dhiillo qaran, ama dal-tabyo ba’ani, ama dareen dulmi-diidnimo. Waxaa kaloon ahay af hibo u leh oo ay iga soo burqadaan maanso murti iyo madadaallo leh—ama mid Alle-bari iyo sama-doon ah—lagana meeriyo oo looga damaashaado gole nabadeyn, ama xaflad arooseed, ama fagaaro caleemo-saarid, ama dabbaaldeg qaraneed. Ilaah wuxuu igu galladeystay awood aan ku cabbiri karo dhacdo walba iyo abuur walba.

 

Waxaan ahay af-Soomaali. Waan is’hubaa. Xoolo-dhaqatada waraabka shubeysa, beeraleyda la foorarta yaambada, iyo kalluumeystaha xeebta ka jillaabanayaba waxaan ku maaweeliyaa hees hawleed. Dhallaanka ooyayee daallan waxaan nasiino uga dhigaa hees caruureed. Ardayga loox-jiidka ahee u oomman barashada afkiisa waxaan leyliyaa oo aan garaadkiisa ku kobciyaa hal-xiraale iyo googaaleysi. Waxaan ku xujeystaa “Googaa!” Say yiraahdaan, “Cadalle!” Saan iraahdaa, “Haddaan hayay.” Say yiraahdaan, “Waa hadalka.” Si aan nafta u baro, waxaan ku googaaleystaa Guntin macaan geed la fuul. Si aan wadnaha u baro, waxaan ku googaaleystaa Dudun yaree daba baruur. Si aan afka iyo ilkaha ku taxan u baro, waxaan ku googaaleystaa Idan yaroo aleelaale. Rag afkeyga kaashanayaa ifka uga tegay weydiimo maan-daalis ah. Indheer-garad baa yiri: Lugo goroyo ma horaadaa mise waa dambeeddo? Abwaan kalaa yiri: Hadduu dabkii dhaxmoodo, maxaa lagu diiriyaa? Hadday dawo bukooto, maxaa lagu dabiibaa? Hadduu dufan basaaso, xaggee dux looga doonaa? Sida la iigu kala badiyo af ahaan ayuu Soomaali walibana qaayihiisu la egyahay. Mid waa aftahan; mid waa af-maal; midna af-miishaar; ama af-garooc.

 

Cawo iyo ayaan waxaa ii ahaa maalinkuu qarankii Soomaaliyeed si rasmi ah u askumay dhigaalkeyga 1972, laguna sii xijiyay Olilihii Horumarinta Reer Miyiga. Waxaan yara dhaliilsanahay in la igu keydiyo far qalaad oo Laatiin ah. Jeclaan lahaayaa in dhigaalkeygu uu noqdo farihii ay curiyeen maskax-maal Soomaaliyeed sida fartii **********, ama tii Cusmaaniya, ama tii Kaddare. Cakuye saboolnimo! Laatiinka looma iisheen haddii uu qarankii jiray awoodi lahaa sameynta ama soo iibsashada madbacad faafiso mid ka mid ah far Soomaaligii ay curiyeen aqoonyahan Soomaaliyeed.

 

Waxay ahaataba, wixii intaa ka danbeeyay waan kobcay. Oo koray. Oo sii xidideystay. Oo xoogeystay. Oo xadaarad keydsan yeeshay. Ma aan ogeyne, waxaa igu soo baxay tartan hoosaad. Kooxo ayaa igu soo baxay la yiraahdo tiibo talyaani iyo tiibo carabi. Af-Ingiriisiguna kama xawaaro yareyn. Geed ayaa beri ku garramay “Gudineey ima goyseen haddaan badhkay kugu jirin.” Rag Soomaaliyeed baa u soo tafa-xeytay luggooyadeyda. Anigii oo nool ayaa afaf kale la igu milay. Waxaan lahaa Nagaad, markaasaa la igu beddelay Sabti. Waxaan lahaa Suni, markaasaa la igu beddelay Axad. Waxaan lahaa Sani, markaasaa la igu beddelay Isniin. Goodaar waxaa lagu beddelay Talaado; Goonyaadna Arbaco; Ugbaadna Khamiis; Hooyaadna Jimce.

 

In badan waan iska caabbiyay. Qaran baa ii taagnaa. Aqoonyahan iyo suugaanyahan baa ii taagnaa. Hidde iyo dhaqan jiray ayaan ku ilaashanaa. Nabad iyo Soomaali qab-weyn ayaan higsanayay. Anigoo firfircoon—dhigaal ahaanna jirsaday 18 gu’—balse weli u sii baahnaa turxaan-bixin, ayaa waxa igu dul dhacday wax ay Soomaalida cusubi ugu yeeraan “qabta”.

 

Qarankii i kabayay ayaa burburay. Isla xilliyadaasna waxay Ilmo Aadan u xuub-siibteen tiknoolijiyad dardarteeda wadata. Af ahaan waxaan la jaan-qaadi waayay isbeddelkaas cusub ka dib markii calankii ii babanayay uu la itaal-xumaaday daruur dhiig hoorineysa iyo duufaanno colaad oo kala firdhisay midnimadii walaalaha iyo maskax-maalka Soomaaliyeed. Da’yartii gudaha ku jirtayna waxay galeen meerto madow oo ma-dhammaato ah; kuwii dibedda u firxadayna waxay ku indho-sarcaadeen kombiyuutarrada iyo degellada internetka ee kobcinaya afaf qalaad. Sidii ruux gablamay ayaan dhabanno-heys miciin biday. Waxaan isku sasabay rajo ma gablanto, Rabbina ma war la’a. Siddeed iyo tobankii gu’ ee aan qornaa waxaa ii xigtay 20 gu’ oo dayac iyo dar-xumo ah. Waan shakiyay. Oo is canaantay. Oo aan is iri tolow ma nabsi ayaa ku heysta sidii wiilkii aabbihiis indhoolaha ahaa uga dhaqaaqay geedkii higlatible?

 

Waan dayacmay. Oo doorsoomay. Dhexda ayaan ka baxay. Neef gowracan geed kama waabtee anigoo gagabaya ayaan waxa aan magan u noqday wadaaddadii. Waxaan lahaa maadaama diintu u baahan tahay in la kala dhigdhigo af ahaan, dadkana lagu baro af-Soomaali ahaan, wadaaddada ayaa ku weeleyn doono. Mise waa iiga sii dareen. Dugsiyo Islaami ah ayaa la furay. Anigoo af-Soomaali ahna docadocayn baa laygu sameeyay af shisheeye sidiisii. “Maktabado” ayaa dal iyo dibadba laga dhakoolay. Oo aan aniguna marti ka noqday. Waxaan lahaa ereyada baraarug, walaalo, gaal, iyo kuwo kale oo gooni u istaagi karo. Waxaa si doqon-ma-garato ah hoosta la iiga soo geshay saxwo, ikhwaan, murtad, muqaawamo, iyo kuwo kale….

 

Hooyooyinkii iyo caruurtii waxaa guryaha loo soo dhoobay “nashiido” aysan af-aqoon. Halkii ay aheyd in cunug qurbaha joogo loo badbaadiyo afkiisa, loona tix-geliyo Soomaalinimadiisa, waxaa caruurta sanka laga geliyay cajallado ay ka soo yeerayaan Dhalacul shamsu calaynaa! Kaaga daranee wixii nebi-ammaan ahee af-Soomaali ahaa waa loo “fatwooday”, oo la yiri waa “shirki” ama “quraafaat” ama “makruuh”.

Sii aqriso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Dagaal xun baa lagu hayaa dhaqanka iyo luuqada afsoomaaliga.

 

Horta reer Waqooyiga ayaa noogu roon dhaqan ahaan xafidaada luuqadeena barakeysan. I just can't stand waalid aanan ku tarbiyeen caruurtiisa afkeena hooyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

reer Waqooyiga ayaa noogu roon dhaqan ahaan xafidaada luuqadeena barakeysan

Reer waqooyiga afka iyo dhaqankaba waa ku fiican yihiin waana yaqaanaan haddase hawl ka culus baa u taala.

 

Afka soomaaligu waa hodan aan laga gun gaari karin,waxaase la yaabay saxaafadda somaalida markaad dhagaysato siday u badaleen afkii hodanka ahaa tusaale

cidamadaas oo saakay halkaa faarujiyay,ka gadaal,kala fadhi iwm.

 

maqaal fiican mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Kuwo aan degaan ahaan iga fogeyn iyo kuwo kaloo igula noolaa Afrika waxaa ka xoog-batay afafkii qalaad ee gumeysanayay. Anigu waxa aan gabbaad ka dhigtay suugaan hodan ah oo aan leeyahay iyo af nolosha si dhammeystiran u cabbiri karo.

Waa run oo Af Soomaaligu si fiican ayuu ugaga guuleeystay Afafkii gumeysiga. Laakiin maanta Af Soomaaligii waa sakaraad, oo wuxuu ku jiraa dhakhtarka Digfeer! kadib markii uu ku dhaawacmay dagaaladii sokeeye. waxaan shaki ku jirin, in maanta dhalinyaradii Soomaaliyeed lagu gardaadinayo afafkii qalaad. Hadii ay noqon lahayd Wadanka gudihiisa amaba dibadiisaba.

 

MMA, mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Waxaan jeclaan lahaa in laga helo jaamacadaha Somaaliyeed, qayb u gaar ah Af Somaaliga iyo Sugaanta Somaaliyeed. Waagi hore miyay jireen? Anigu bugaag ay cadaan qoreen uun baan arkaa? Inkasta oo aan isleeyahay qofkii qiimeeya afkiina inuu kaligii is bari karo oo aqoontiisa korarsan karo haduu daadlo. Runtii, qurbo joog badan oo yaqaana waa buux, dhulka hooyana sadex jirka ayaa gabyi kara. Intaa ka dib, anigu waxaan qabaa in Af Somaligu traffic light cas yara hayo ee muu dhiman, weliba baryahan dad dhaqaaq sameenaya ayaad arkaysaa oo waxay u eegtahay in aqoonyahnkii Somaaliyeed u soo jeesteen masuuliyada ka saaran horumarka afka. Saadaashu way wacantahay..

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Maqaal kaas ad ayuu wadnaheyga ukiciyey maxa yeelay waxa ii muuqata sida af somaaliga uu usii dhimanaayo walibana cidna u maqneyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this