Jacaylbaro Posted January 10, 2011 Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilanyo ayaa Safar Shaqo ku tagay Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera . M/weynaha Iyo waftigiisa ayaa ka kooban Wasiirada Qorsheynta Qaranka, Duulista Hawada, Kaluumaysiga, Cheif Of Cabinet ka , Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska iyo Marwada koowaad, ayaa saaka subaxdii Hore gaadhay Magaalada Berbera iyaga oo ka anbabaxay magaalada Hargeysa waxaana lagu sheegay ujeedada Booqashada M/weynaha iyo Waftigiisa xog ogogaal u noqoshada arimaha ka jira deegamada uu booqashada ku marayo. M/weynaha ayaa markii uu gaadhay magaalada Berbera waxa uu booqday Gegida Diyaraadaha ee Berbera waxaanu uga sii gudbay Dekeda magaalada Berbera isaga oo xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo laga dhisay Dekeda sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray laba wado oo laga sameeyey badhtamaha magaalada Berbera. Booqashada M/weynaha ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ugu baxo Gobolada dalka tan iyo intii la doortay lamana oga in uu dhaafi doono magaalada Berbera iyo in uu ku soo noqon doono caasimada Hargeysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 10, 2011 Nice pictures , chief of cabinetki na waxa la yidhi burcu sii gogol xaadhaya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 10, 2011 M/weynaha ayaa markii uu gaadhay magaalada Berbera waxa uu booqday Gegida Diyaraadaha ee Berbera waxaanu uga sii gudbay Dekeda magaalada Berbera isaga oo xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo laga dhisay Dekeda sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray laba wado oo laga sameeyey badhtamaha magaalada Berbera. Ehem ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 10, 2011 ^^ ma wax cusub ba la dhisay waba arin fiican u have pics Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 10, 2011 xita carabti berbera so baxay waleh cidi ma hadhin Quote Share this post Link to post Share on other sites
UWSLF Posted January 10, 2011 lol @ the Yemeni brothers. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qodax Qorax Posted January 10, 2011 Xaaji Xunjuf;686484 wrote: xita carabti berbera so baxay waleh cidi ma hadhin Hindidii Berbera mee so bixin. yagu UDUB ayee tageeraan, waa mucaarid. Quote Share this post Link to post Share on other sites
UWSLF Posted January 10, 2011 One question though, are people forced to come out like in Kilil5? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 10, 2011 Forced ???????? ,, we not living in the Soviet age sxb Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 10, 2011 Nice pictures. Quote Share this post Link to post Share on other sites
UWSLF Posted January 10, 2011 Jacaylbaro;686532 wrote: Forced ???????? ,, we not living in the Soviet age sxb I mean, somebody obviously told them to wait for him and dance/sing. I don't think is spontanous, I mean you don't see this in the UK Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 11, 2011 The world is not UK .... it is a simple publicity .... UK is so busy ,, anagu waxba ma qabano ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites