Sign in to follow this  
Somalina

Axmed Madoobe iyo Saraakiil Kenyan ah oo kulan ku yeeshay xadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Somalina   

Axad, 09 Janaayo, 2011 (HOL)

 

Sida ay nagu soo gaarayaan wararka aynu ka helayno xadka ay wadaagaan wadamada Kenya iyo Somalia, gaar ahaanba nawaaxiga deegaanka Diif, ayaa waxay sheegayaan in maamlmihii ugu dambeeyay ay halkaasi kulamo xasaasi ah ku yeelanayeen mas'uulyiin uu ka mid yahay Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo sanadkii tagay dagaal looga saaray Jubbooyinka iyo saraakiil ka socotay wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda Kenya.

 

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in kulammadaasi ay ahaayeen kuwo looga hadlaayay sidii guluf colaadeed oo ka dhan gobbalada Jubbooyinka loo qaadi lahaa, kuwaasoo ay ka taliso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, oo horay ula dagaalantay Sheekh Axmed Madoobe.

 

Inkastoo, aysan jirin cid kulamadaasi warbaahinta oga warbixisay,ayaa hadana waxaansi dhab ah loo ogaan karin qodabadii iyo waxyaabihii ay isla lafa gureen labada dhinac ee xadka ku kulmay,hasyeeshee ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa HOL u xaqiijiyay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay xadka ka soconayeen kulamo xasaasi ah oo ugu dambayntii lagu heshiiyay in weeraro iyo dagaalo lagu soo qaado gobbalada jubbooyinka oo ay haatan gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabbab.

 

Axmed Madoobe' ayaa waxaa uu mudooyinkan dambe uu waday ol-ole iyo abaabul dagaal oo uu ku doonayo inuu ku soo qaado magaalada gobbalada jubbooyinka oo sanad ka hor dagaal looga saaray,laakiin maamulka wilaayada jubbooyinka ee Xarakada Al-shabbab ayaa waxa ay horay u sheegeen inay diyaar u yihiin inay iska difaacaan weerar kasta oo kaga yimaado dhinaca Axmed Madoobe

 

Lama oga halka uu ku dambayn doono dhaq dhaqaaqyada iyo kulamadaan ay wadayeesheen Axmed Madoobe' iyo Saraakiisha ka socotay dhanka dowlada Kenya,inkastoo ay jiraan dhowr weerar oo hore kuwaasoo ay so qaadeen ciidamadii taabacsanaa Mr Madoobe oo markii dambana ay fashiliyeen ciidamada wilaayada jubboyinka.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this