Somalina Posted January 9, 2011 Qaramada Midoobay ayaa amaan balaaran usoo jeedisay Dawladda Puntland xilli shalay la xusey munaasabada sanadguurada labaad ee kasoo wareegtay doorashada Madaxweyne Faroole. Xirririyaha dhanka Bin’aadanimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden ayaa warqad qoraal ah usoo direy laga akhriyey munaasabada ka dhacdey xarunta PDRC ee Garoowe,wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay waxqabadka Dawladda labadii sano ee lasoo dhaafay. Masuulkaan ayaa sheegay in Dawladda uu horkacaayo Madaxweyne Dr.Faroole ay ku talaabsatay waxyaabo badan oo dhanka horumarka ah taas oo ay soo dhoweynayaan,isagoo ku dhiirageliyey in halkaas laga wado. Munaasabada oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil kasocday Qaramada Midoobay ayaa warqada waxaa goobta ka akhriyey Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay. Bisha Janaayo ee sanadkii 2009 ayay ahayd markii la doortay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites