Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Siilaanyo Makes Decision on Kalshaale Issue

Recommended Posts

M/weyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo Go’aan Ka soo saaray Arinta Kalshaale

 

M/weynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Maanta Go’aan Ka soo saaray Xiisada ka taagan Deeganka Kalshaale ee Buuhoodle ee u dhaxaysa Labada beelood ee Walaalaha waxaanu Go’aamiyey In Goobaha shaqaaqadu ka dhacday iyo deegaanka lagu muransanyahay in maanta laga bilaabo ay ahaato fadhiisin ciidanka Qaranku leeyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu maanta Go’aanka ka soo saaray Arrintii Kalshaale ka dhacday, waxaanu Madaxweynuhu Go,aankaa ku yidhi.

 

Arrinta Kalshaale ka dhacday waa arrin labo beelood oo Somaliland ah u dhaxaysay, Dilalka ka dhacayna aad iyo aad ayaan uga xumahay dadkii ku dhintayna illaahay naxariistii janno ayaan uga baryayaa, Ehlladoodii iyo dhamaan Qaranka Somaliland waan uga tacsiyadaynayaa.

 

Markii arrintani dhacday Dawlad-ahaan waxaanu qaadnay talaabadii ku haboonayd, isla markiiba waxaanu kala dhexdhignay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL si ay u kala caabiyaan Malayshiyaadka labada beelood nabadana u sugaan, isla markiiba waxaanu u diray guddi dhexdhexaadineed oo ka kooban Xukuumadda, Golayaasha, Xisbiyada, Madaxdhaqmeedyo, iyo Culima-awdiin.

 

Anigoo tixraacaya xukunkii ay soo saareen guddigii dhexdhexaadka ahaa ee ka garsooray arrintan.

 

Anigoo maanka ku haya ahmiyaddda nabadgelyadu Qarankan u leedahay iyo jidkii dheeraa ee loosoo maray.

 

Anigoo fulinaya Masuuliyadayda iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee isaaran waxaan go’aamiyay: -

 

1. In Goobaha shaqaaqadu ka dhacday iyo deegaanka lagu muransanyahay in maanta laga bilaabo ay ahaato fadhiisin ciidanka Qaranku leeyahay oo ka caagan dhisme iyo qodaal balse ay labada beelood wada daaqikaraan, wixii hanti ka gashay labada dhinacna dawlada ayaa u celinaysa cidii lahayd.

 

2. Dhimashadii, Dhaawicii iyo Hantidii ku luntay shaqaaqadii dhexmartay labada beelood waxaa dawladu u raacayaa una fulinayaa sidii ay ku xukuntay guddigii garsoorka ahayd.

 

3. Waxaan labada dhinacba farayaa inay kala baxaan ciidamadooda Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane iyadoo aan laga ogolaandoonin ciidamo beeleed abaabulan, waxaa keliya oo ka hawlgelikara ciidamada Qaranka JSL.

 

5. Waxaan mar labaad baaq iyo Gogol nabadeed usoo jeedinayaa beelaha Buuhoodle, Sool iyo Sanaag Bari.

 

Waxaan mahad ballaadhan usoo jeedinayaa: -

 

a) Ciidamada Qaranka dadaalkii iyo dhabar adaygii ay sameeyeen,

 

b) Guddigii dhexdhexaadka ahaa oo si hufnaan iyo cadaalad leh uga garqaaday mashaqadii dhexmartay labada beelood,

 

c) Xubnihii dawlada iyo xisbiyada ee halkaa sida fiican uga soo shaqeeyay.

 

 

 

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Go’aannada uu Madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray Colaaddii Kalshaale iyo Jawaabaha labada Beeleed ka bixiyeen

 

 

“Waxaanu Daadafaynayaa hadal ka soo baxday xafiiska Madaxtooyadda , Degmadda Kalshaale maaha saldhig militari ee waa deegaan
Beesha Qurilugud

Besha Qorilugud

 

“Arinta waa laysku khilaafsanyahay oo dadka qaar waxay u arkaan in sidani xal noqonayso,dadna waxay wataan fikrad kale oo ka duwan”

Beesha Buuhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo ka Cadhootay Go’aannadii Madaxweyne Siilaanyo ee Colaaddii Kalshaale iyo Beesha Buuhoodle oo u Jawaabay

 

Anaga Puntland Naguma Maamuli karto wixii aanu dan moodno ee Nabada lagaga shaqaynayo
“Caaqil Cumar X.Maxamuud Camay

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this