oba hiloowlow Posted January 9, 2011 Tiro caruur ah ayaa haraad ugu geeiyooday tuulooyin hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, xilli dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha gobolkaasi ku dhuftay ay sii xoogeysanayaan . Illaa iyo 10-caruur ah ayaa haraad dartii ugu geeiyooday 24-saac ee la soo dhaafay tuulooyin hoos yimaada Hobyo. Odayaasha dhaqanka Hobyo ayaa ganacsatada ugu baaqay in dadkaasi gacan u soo fadiyaan. Waxa ay xuseen in ay ku adag tahay in dadka tuulooyinka biyo la gaarsiin karin wadooyinka oo bacaad ah ayna haysan gawaari u saamaxaya arintaas . Gobolada dhexe ayaan helin wax roob ah muddo laba xili ah, iyadoo xoolo badan ay ku quur baxeen tuulooyinkaasi . Waxaa xusid mudan in abaarta haatan ku dhufatay gobolada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya ay yihiin kuwii ugu darnaa ee soo mara goboladaas Quote Share this post Link to post Share on other sites