oba hiloowlow Posted January 9, 2011 Maleeshiyada Al shabaab ayaa oday geelleey ahaa ku toogtay Diif oo ka tirsan J/Hoose. Marxuumka ayaa ka biya diiday dalabka maleeshiyada oo ku aadanaa in uu bixiyo saamiga Sakada Geelka oo uu sheegay in uusan gaarin tiradii laga bixin lahaa, maadaama uu Geelku reera badan ka dhaxeeyo oo uusan hal ruux lahayn. Maxamed Maxamuud oo 60 sana jir ah waxa uu heystaa dhalashada dalka Kenya waxa uuna degganaa degmada Ijaadha ee ka tirsan gobolka woqooyi bari, waxa uuna Geeliisa ula hayaamay dhanka Soomaaliya, kadib abaara ku dhuftay gobolka. Xoolaleeyda la daalaa dhaceysa abaaraha ayaa waxa ay jaraan fogaanno dhaadheer oo xuduuda labada dhinac ka jira, balse maleeshiyaadka shabaab ee ka arrimiya gobollada koofureed ayaa dhac u geysta, xoolaha ka badbaada abaaraha, iyaga oo ku sugaya ceelasha biyaha xilliyada ay u soo arooraan. Dhanka kale waxaa jira reer guuraa fara badan oo u soo gudbay dhanka xuduuda Soomaaliya iyagoo biyo iyo daaq u raadinaya xoolahooda balse la waayay meel ay cirib jaan dhigeen, waxaana la aaminsanyahay in ay dileen , xoolahoodana la wareegeen maleeshiyada shabaab oo dhaqaale uruurin xooggan ka wada deegaanka. Hooyo Sacdiyo Cali Iidle oo ka mid ah reer baadiyaha ka agdhow xeryaha dhadhaab ayaa sheegtay in ay weysay ninkeedii oo xoolihii reerka ula roob raaciyay dhanka Soomaaliya, mana jirto wax war ah oo laga helay mudo ka badan 4bilood. Kadbib kala qeybsanaantii soo kala dhax gashay kooxda Al shabaab ayaa waxa ay sababtay in ay kooxdii uu hogaaminayay Godane oo ay sida tooska ugu soo dhacdo qarashaadka ay Al qaacida u soo dirto Al shabaab ay iskood ugu takri faleen, halka kooxda kale ee uu hogaamiyo Rooboow ay ka badi waayeen in ay dhac iyo boob u geystaan dadka reer miyiga ah oo ay horayba u saameysay abaarta xilligaan ka jirta wadamada Geeska Afrika Quote Share this post Link to post Share on other sites