Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan magaaladda Ceelbuur oo kacdoon shacab ku dhawaaqi raba

Recommended Posts

Kadib markii Xarakada Al Shabaab ay shalay xir xirtay odayaal iyo ganacsato caan ka ah magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka hadlay odayasha iyo wax-garadka kasoo jeedda magaaladda Ceelbuur.

 

Dhawr ka tirsan odayaasha deegaanka ee magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo warbaahinta la-hadlaayay ayaa shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay shalay ku kacday fal laga yaq-yaqsado.

 

Odayaasha ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay odayaal iyo ganacsato ku karbaashtay magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, isla-markaana waxay foodda u gelsheen bay yiraahdeen xabsi ku yaalla magaaladda.

 

Odayaasha ayaa sheegay inaanan horey loo-arag in wiil dhalinyaro ah oo karbaash la-dhacaaya oday waayeel ah, taasoo ay ku tilmaameen dhanka ka baxsan dhaqanka Soomaalida iyo Diintayna Suuban ee Islaamka.

 

Waxay odayaashu ku goodiyeen haddii Xarakada Al Shabaab ay ka waantoobi weydo dhacdooyinka foolxumada badan ay ku hayaan odayaasha iyo wax-garadka magaaladda Ceelbuur, inay ku dhawaaqi doonaan kacdoon shacab oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

 

Odayaasha ayaa ku hanjabay haddii ay Xarakada Al Shabaab dhaqan wanaagsan ay la-imaan weydo, inay iyana ay la-imaan doonaan dhaqanada Shabaab oo kale, isla-markaana ay xoog Shabaab uga saari doonaan deegaanada uu ka kooban yahay Ceelbuur.

 

Hadalkaan kasoo yeeray odayaasha magaaladda Ceelbuur ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli Xarakada Al Shabaab ay shalay karbaash iyo jirdil kula dhaqaaqday odayaal iyo ganacsato caan ka ah magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this