Somalina Posted January 9, 2011 BOQOR GABADHIISA LAGA SOO DOONAY Bari baa waxaa jiray nin boqor ah, wuxuu boqor u ahaa magaalo wayn oo aad barwaaqo u ah. Boqorku wuxuu dhalay gabadh qurux iyo caqli Illaah (eebe) ugu deeqay. Magaalada boqorku uu xukumo waxaa soo gala saddex wado oo ganacsiga magaalooyinka kale u soo maro. Wadooyinkaa mid waxaa fadhiista Libaax wixii soo maraba cuna, midna tuugo wixii soo maraba dhacda oo boobta, midna waxaa fadhiista col wixii soo maraba dila. Maalinbaa boqorkii gabadhiisii niman soo waydiisteen, ninkasta oo kamida nimankii wuxuu rabay in uu gabadha boqorka ee caqliga iyo quruxda badan guursado. Gabadhuse waxay jaclayd wiilkale oo ay doonaysay in ay is guursadaan, hase ahaatee aabaheed lama rabin. Boqorkii wuxuu ragii ku yidhi, “anigu gabadhayda waxaan siinayaa ninka wadooyinka magaalada soo gala oo dhan, ta Libaaxa, ta Colka, iyo ta Tuugadu fadhiisatay, intaba xal u hela.” Nimankii magaalada joogay waxay ku tartameen sidii ay xal ugu helilahaayeen jidadka magaalada. Hase ahaatee nin ku guulaysta waa lawaayey. Wiilkii gabadhu ay jeclayd isna sidoo kale u jeclaa ayaa u yimi gabadhii oo ku yidhi, waadigii caqliga badan lahaaye bal talo keen maanta. Gabadhii waxay tidhi, “Libaaxa waxaan u dhigaynaa dabin ee adigu ha ula tagin warmo iyo waxyaalo kale.” Wiilkii sidii ayuu yeelay, Libaaxiina dabinkii ayuu ku dhacay. Wiilkii gabadha boqorka ay is jaclaayeen wuxuu u yeedhay dadkii magaalada oo dhan iyo boqorkii, wuxuu tusay isaga oo ku jira dabinkii, wuxuu hadalkiisii ku daray wakaa Libaaxii waddada fadhiistay ee dadka cuni jiray aniga oo wax qalab ah isticmaalin ayaan soo qabtay. Markasaa dadkii oo dhan u sacabiyeen. Wiilkii mar labaad wuxuu ku noqday gabadhii oo waydiiyey wuxuu ka yeeli lahaa tuugta jidka fadhida, waxay gabadhii tidhi, “waxaan karinaynaa cunto aad u macaan waxaanan ku daraynaa sun, waxaanan ku raraynaa dameero, jidka tuugtu fadhido ayaan Dameeraha u kaxaynaynaa.” Markay tuugtii arkeen ayey ku soo ordeen oo qaateen cuntadii, kalana boobeen. Markay ka dhargeen kulligood way dhinteen. Wiilkii mar saddexaad uyuu gabadhii ku noqday si uu u waydiiyo, wuxuu colka ka yeeli lahaa. Gabadhii waxay tidhi, “Soo kaxayso fardo badan, mid walbana geed xaga danbe kaga xidh, kadibna fardaha oo ordaya jidka er eryo”. Colkii waxay arkeen siigadii fardaha ee faraha badnayd, markaa waxay yidhaahdeen waxaa soo sacda ciidamo inaga fara badan iskamana celin karo ee maxaan samaynaa? Colkii waxay go’aansadeen in ay kala cararaan oo midba meel ka dhaco. Sidaas ayuu wiilkii inanta jeclaa u guulaystay, boqorkiina uu inantii ku siiyey. Dulucda sheekada: Caqliga wanaagsan Eebe qofkuu doono ayuu ugu deeqaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites