Abdirazak_PTL Posted January 8, 2011 Garoowe:Wasaarada Caafimaadka Puntland oo soo gabagabaysay gurmad deg deg ah oo laga waday Deegaano fogfog oo katirsan Gobolka Sool. 8. januar 2011 Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa wafti ka socda Wasaarada caafimaadka ee dawlada Puntland oo kusugnaa deegaano hoosyimaada degmada Boocame ee Gobolka Sool ee Puntland ay soo gabagabeeyeen Gurmad caafimaad oo deg deg ah kaas oo ay fulinayeen qaarkamid ah shaqaalaha Caafimaadka ee dawlada Puntland kuwaas oo ku howlnaa u gargaarida Tobonaan haween & Caruur isugujira oo xaaladooda caafimaad ay ka deyriyeen Saraakiisha Caafimaadka ee halkaas kusugan. Waftigan katirsan Wasaarada Caafimaadka ee Dawlada Puntland oo ay kujiraan Takhaatiir la shaqeeya Wasaarada Caafimaadka,Kalkaaliyeyaal sarsare oo Caafimaadka ah & saraakiisha Caafimaadka ee Wasaarada u qaabilsan Gobolka Sool,waxaana Waftigan dhawaan diray Wasiirka Caafimaadka ee dawlada Puntland kadib markii Saraakiil katirsan Wasaarada Caafimaadka ee Puntland oo u kuurgalayey Xaalka Sool ay halkaas booqdeen islamarkaasna ka deyriyeen Xaalada Caafimaad ee deegaanadaas. Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland ee gobolka Sool Cabdiraxmaan Cumar Faarax oo waftigan horkacayey ayaa APL u sheegey in uu si wanaagsan ugu soo dhamaaday barnaamijkii ay ugu bexeen deegaano hosyimadaa degmada Boocame ee gobolka Sool oo ay uga darnayd deegaanka Karin-garfood oo 50-Km u jirta Degmadaas,waxaana Isuduwuhu uu sheegey in ay halkaas ka jirtay xaalad Caafimaad daro oo halis ah. Cabdiraxmaan Cumar Faarax wuxuu sidoo kale sheegey in ay deegaanadaas ka fuliyeen howlo balaaran oo dawooyin ah kuwaas oo ay ugu darnaayeen dawooyinka lagula dagaalamo Kaneecada dhedig ee keenta cudurka malaariyada,dawooyinka cudurada maqaarka & Talaalo kale oo balaaran,isagoo intaas kudaray in ay guud ahaanba ku guulaysteen ka dhabaynta barnaamijkii ay halkaas u tageen oo uu sheegey inuu ahaa kii ugu balaarnaa ee abid halkaas laga fuliyey islamarkaasna ah midkii ugu horeeyey ee ay Wasaarada caafimaadku fuliso. Dhinaca kale Isuduwaha caafimaadku wuxuu sheegey in ay tani tahay mid ay imika si baaxadleh u bilaabeen islamarkaasna uu Wasiirka caafimaadka oo howshan doorweyn ka qaatay amray inay noqoto mid joogto ah oo markasta laga warhayo islamarkaasna Sadexdii Biloodba mar la filayo barnaamij caafimaad oo noocan oo kale ah,taas oo uu sheegey inay waxbadan ka badali karto xaalada oo uu sheegey inay imika soo wanaagsanaanayso dadkii ugu darnaana ay ahaayeen dadka reer miyiga ah ee ka fog magaalooyinka waaweyn ee gobolka Sool. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted January 9, 2011 More garbage news. :confused: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 9, 2011 Dadkii Burco sheeganayay ma Boocamay ku faraxsan yihiin ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites