Saalax Posted January 8, 2011 Guddoomiyaha Baanka Dhexe Oo Sheegay In Ay Lacagtii Giimbaarta Ahayd Ka Bedelayaan Gobolada Bari, Kana Hadlay Qiimaha Sarrifka Dollarka. (Hadhwanaagnews) Saturday, January 08, 2011 Hargeysa (HWN) Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay in qiimaha sarrifka dollarku uu sare u kacay ka dib markii ay suuqyada ku sii daayeen lacag. Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi waxa kale oo uu sheegay in ay gobolada barriga ku dedaali doonaan sidii ay lacagta giimbaarta ah uga bedeli lahaayeen goboladda Barriga. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta xafiiskiisa ugu waramayay Wargeyska Madaxa banaan ee geeska afrika iyo shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews. Waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bibaabay sedan “Markii isugu keen dambaysay qiimaha sarifka Doollarku hoos ayuu u dhacsanaa, markaasoo aanu hawl-adag galay oo aannu Suuqyada Magaalada Hargaysa ku sii daynay Lacag, taasoo sare u soo qaaday qiimaha Safirka Lacagta Doollarka ah. Illaahay mahadii maanta qiimaha sarifka Lacagta Doollarka ah wuxuu marayaa 580,000, ilaa aanu meel Munaasaba gaadhsiino waanu wadaynaa waxaana hada naga maqan oo aannu sugaynayaa Lacag cusub daabacaadeedii, taana mudo laba bileed ilaa saddex bilood ah ayaanu filaynaynaa inay dalka soo gaadho.dabadeetana uu Sixirka qiimaha Doollarku halkiisii ku noqoto. Dhibaatooyinka hoos u dhaca Doollarka waxa keenay Lacagteenii oo gobolada oo dhan wax laga iibsanayo, isla markaana dibada u baxday markii ay Birtii jabtay oo waxay noqotay Lacag culus oo wax lagu kala iibsado, waxaanan rajaynayaa marka ay Lacagtaas cusubi dalka soo gaadho in Doollarku halkiisii ku noqon doonno, dadweynaha waxaannu ka codsanaynaa inay la socdaan oo ay samir u lahaadaan, khaasatan waxyaabaha dibada inooga yimaada waxa ka mid ah Lacagta ee dibada inooga timaado oo ilaa Afar boqol oo Kun ah Sannadkii, markaa xoogaagii yaraa ee dibada uga imanaayey haddii ay qiimahoodii hoos u dhaco waxa ku adkaanaysa Maceeshadii oo taa anagubba waanu fahamsanahay. Waxaan ka codsanayaa qolyaha Ganacsatada ah ee Bakhaarada ku haysta Lacagta Kaashka ah inay Ummadda u soo daayaan si uu qiimaha Doollarku sarre ugu kaco oo uu Shacbiga wax ugu taro. Waxaanu rajaynaynaa in aanu Lacagta Giimbaarta ah ee gobolada bariga ka bedelno si loo hello Lacag isku mid ah oo dalku leeyahay oo ay meesha uga baxdo Lacag kala nooc oo qayb waliba dalkii dhinac kaga socoto markaa si dhakhso ah ayaa loo bedelayaa Lacagta ku socota Burco, Sanaag iyo wixii la mid ah. Runtii waxaannu ku hawlanahay horumarinta dalka haddii Illaahay nala qabto, waxaanu doonaynaa in aanu Casri ka dhigno Baanka oo waxaanu u samaynaynaa nidaam xidhiidhiya Shaqaalaha Baanka, waayo Baanka waxa lagu xaman jirey waxa yaalla Teebabkii laga baxay hadda Comqutero ayaanu keennay, kuwaasoo aannu u samaynay Borogaraam xidhiidhinaya dhammaan qalabka Xafiisyada oo qof walba u sahlaysa inuu ogaada Xisaabtu halkay marayso, mida kale waxaanu ku hawlanahay in aannu wax ka bedelno Maamulka baanka oo aad markii hore moodaysay in uu isku yar dhex daadsan yahay, markaa imika Laamo ka mid ah Maamulka baanka waannu xoojinay qaar kalena waannu xoojinaynaa. Waxaan dadweynaha la socodsiinayaa inay iska ilaaliyaan Lacagta Foojariga ah, qofkasta xilbaa ka saaran qaranka inuu soo qabto haddii uu arko qof sida Lacag foojariya, khaasatan xilliga ay Lacagahaasi soo baxaan xilliga ay Suuqyada ku yaraato Lacagta Shallinka Somaliland. Waxa kale oo aannu fududaynay Lacagtii la xawali jirey ee markii hore Berbera laga keeni jiray, taasoo xitaa la dhici karo markaa waxaannu samaynay Nidaam aanu isla qaadanay Wasaarada Maaliyada. Guddoomiyaha baanka oo la weydiiyey inuu wax Kulan ah la yeeshay Sarifleyaasha waa weyn oo iyaga inta lagu eedeeyo inay Kaantaroolka u hayaan hoos u dhaca iyo kor u kaca Lacagta Doollarka, waxaanu ku jawaabay “Arrintaas waxbaa ka jira oo marar badan Kulan ayaanu la yeelanay oo way jiraan Nimankaa Istoodhada ku keydiya Lacagta, oo ay sugayaan wakhti uu Doollarku sare u kaco oo ay iibsadaan, taanna waxaanu leenahay joojiya oo arrintaas iska daaya. Guddoomiye waxa dhacda in qiimaha Doollarka hoos u dhac wayni ku yimaado markaas ma kala hadasheen Wasaarada Ganacsiga, waxaannu yidhi “ Arrintaas waa mid anaga noo taalla waanna mid aan Maskaxdayda ka bixin. Dhinaca kale waxa isna halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe Cabdilaahi Xasan Aadan, waxaanu sheegay in mudadii koobnayd ee ay baanka joogeen ay wax badan ka qabteen hawlaha isla markaana ay shaqada baanku u socoto sidii la rabay. Agaasimaha guud waxa xusay in ay qorshaha ugu jirto sidii loo samayn lahaa baanankii gaarka loo laha waxaanu yidhi “Waxa aanu ku hawlanahay in la sameeyo baanankii gaarka loo lahaa, waxaanay taasi ku xidhan tahay oo keli ah marka ay ansixiyaan mudanayaasha golaha wakiiladu.” Ayuu yidhi agaasimaha guud ee baanka dhexe. Najax Aadan Cunaaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdirazak_PTL Posted January 8, 2011 More garbage news. Burco economy is not decided in berbera but bossaso. And their garbage somaliland shilling cannot be traded in bosaso for somali shilling. Either they come with dollars or somali shillings its up to them. So this news from hadhwanaag is total falsehood and misleading JUST LIKE THEY SAID A PORT WAS TO BE BUILT IN MAYDH loooooool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted January 9, 2011 More garbage news. Burco economy is not decided in berbera but bossaso. SL Hate makes you blind and Ignorer No Comment No Comment Quote Share this post Link to post Share on other sites