Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Puntland President DR.Farole 2ND Anniversary Celebration Speech. AUDIO + PICS

Recommended Posts

Sanadguuradii Labaad Ee Kasoo Wareegtay Doorashada Madaxweynaha Puntland oo Laga Xusey Garoowe [Photos + Audio]

 

Munaasabad lagu xusaayay sanadguuradii labaad ee kasoo wareegtay Doorashada lagu doortay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta ka dhacday Xarunta Cilmi baarista Puntland ee PDRC.

 

Waxaa kasoo qaybgalay munaasabadaan masuuliyin ka tirsan Puntland gaar ahaan Madaxweynaha,kuxigeenkiisa,inta badan golaha Wasiirada,Gudoomiyaha Baarlamaanka,madaxda Qunsulka Itoobiya ee Garoowe,Saraakil kasocotay Hay’adaha gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo martisharaf kale.

 

Munaasabada ayaa ugu horeyn lagu soo bandhigay warbixin muuqaal ah ka tarjumaysa waxqabadka Wasaaradaha Dawladda Puntland ee sanadkii tegay iyo horumarka la gaarey taas oo uu soo jeediyey Wasiiru dowlaha Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga Cabdiqaadir Cabdi Xaashi oo sheegay in Dawladda Puntland ay dhinacyo badan ay guulo la taaban karo ka gaartay kuwaas oo ay kamid yihin dhaqaalaha iyo Tacliinta.

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole oo ugu dambeyn munaasabada ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxqabadka Dawladdiisa isagoo soo hadal qaaday horumarada ay ka gaartay arimaha amaanka oo uu uga mahadceliyey Ciidamada amaanka.

 

Khudbadiisa oo dhinacyo badan taabanaysay isla markaana aad u dheereed wuxuu sheegay in Dawladiisa ka qayb qaadatay xalinta dagaal beeleedyo ka dhacay degaanada Puntland kuwaas oo qaar kamid ah soo noq noqdeen.

 

Mar uu ka hadlaayay arimaha Burcadbadeeda wuxuu tilmaamay in Dowladdaha laga haysto maraakiibta ay gacan siiyaan kooxaha Burcadbadeeda taas oo uu tusaale uga dhigay in ay lacago madaxfurasho ugu keenaan xeebaha Soomaaliya midaasna aysan ahayn sharci beesha caalamkana ugu baaqay in ay soo fara geliyaan biyaha Puntland si ay ugala qayb qaatan Puntland dagaalka ay kula jirto Burcadbadeeda.

 

Dr.Faroole wuxuu intaas ku daray in inbadan beesha caalamka kala hadleen in taageero laga taageero tabbabarida Ciidamada Badda balse ay beesha caalamka ka gaabisay taas oo maamulka Puntland ay hadda la galeen heshiis Shirkad gaar ah oo tabbabar siisa Ciidamada ilaaliya xeebaha.

 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha wuxuu sheegay in ay weli jiraan caqabado yar yar oo haysataa Dawladdiisa oo dhinaca amaanka taasna ay tahay baahiyo tababareed oo ka jirta laamaha amaanka ayna beesha caalamka ka codsanayaan in ay ka taageerto.

 

Maxamed Saciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe-Puntland

 

DSC00169.jpg

 

DSC00155.jpg

 

DSC00156.jpg

 

DSC00157.jpg

 

DSC00159.jpg

 

DSC00165.jpg

 

DSC00163.jpg

 

Dhegayso Khudbadii Madaxweynaha Dawladda Puntland waa 48 Daqiiqo

http://horseedmedia.net/2011/01/08/sanadguurada-labaad-kasoo-wareegtay-doorashada-madaxweynaha-puntland-oo-laga-xusey-garoowe-sawiro/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Xukuumada Faroole ku amaantay Isbedelkii labadii sano ee lasoo dhaafay.

8. januar 2011

 

APL

 

 

 

 

 

 

Garoowe:(Allpuntland)-Xafiiska Qaramada Midoobey ee uqaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa maanta Hanbalyo & bogaadin u diray Xukuumada Puntland ee uu

hogaamiyo Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo maanta sanadguuradeedii Labaad ee kasoo wareegtay Waqtigii uu si xor ah Madaxweynaha Puntland ee imika kula wareegay Talada Madaxtinimo ee Puntland,Waxaana Qaramada Midoobey ay sheegtay Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ay ku talaabsatay barnaamijyo Hormarineed oo ay sheegtay in Puntland oo mudooyinkii lasoo dhaafay samaynayso hor'umar balaaran ay imika gaartay heerkii ugu wanaagsanaa loogana fadhiyo inay sii bulaasho siina badiso dadaalkeeda.

 

Warqad kasoo baxday Xafiiska Iskuduwaha arimaha bini-aadantinimada Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Soomaaliya Mr,Mark Bowden oo uu ugu talagalay maalinta sanadguurada ee madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed oo maanta lasoo gaarsiiyey xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegey in ay Qatamada Midoobey bogaadinayso hor'umarka buuxa ee ay mudada kooban dalkeeda gaarsiisay xukuumada imika jirta,waxaana sidoo kale shucuubta Puntland lagu sheegey inay yihiin u heelanayaan markasta u taagan adeecida & taageerada dawladooda taasina ay keentay in dawlada Puntland ay si deg deg ah u gaarto mustaqbal siyaasadeed & mid hor'umarineed oo ay hiigsanayso,Isagoo si gaar ahna u bogaadiyey Shirarkii sanadkii lasoo dhaafay ay Xukuumada imika jirta qabatay oo ay u horeeyeen kii Culimada,Haweenka & qabashadii Koobkii ciyaaraha gobolada dalka kuwaas oo uu sheegey tubta ugu wanaagsan ee Dadka Soomaaliyeed la'isugu keeni karo.

 

Mark Bowden wuxuu sidoo kale sheegey in Puntland ay hor'umar la taaban karo ka gaartay arimaha amaanka deegaanadeeda islamarkaasna ay ku guulaysatay soo ajarida kooxdii uu horkacayey Maxamed Siciid Atam oo sanadihii tagay kusugnaa Galgala balse xukuumada imika ay bilo ka hor ku guulaystay soo ajarida kooxdaas,waxaana uu Iskudawaha arimaha biniaadanitimada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey uu sheegey in Qaramada Midoobey aysan marna ka hakran doonin taageerada Shacabka & dawlada Puntland gaar ahaan dhinacyada amaanka,mashaariicda hor'umarka,isku keenista walaalaha soomaaliyeed & xiriirka ay yeelanayaan labada dhinac oo uu sheegey inay tahay mid muqadas ah.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

cxaafid-300x225.jpg

 

Maamulka Gobolka Bari Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Puntland

 

Boosaso (RBC Radio ) Maamulka Gobolka Ayaa Waxa uu Hambalyo Ku Aadan Sanad guuradii Labaad Ee Dowlada Uu Hogaamiyo Madaxweyne C/raxman Maxmed Maxmuud Waxaa U Diray Madaxda Iyo Masuuliyiinta Dowlada Puntland.

 

C/xaafid Cali Yusuf Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa waxaa Uu Sheegay Isagoo La Hadlayay Qaybo ka MId ah Warbaahinta Boosaso In Uu Ku Faraxsan Yahay Horumarka La Taaban Karo Ee Ku Talaabsatay Dowlada Uu Hogaamiyo C/raxman Maxmed.

 

Waxaana sidoo Kale Uu Sheegay in AY Jiraan Caqabado Imaan Kara Marka La Hiigsanayo Dhinaca Horumarka Waxana Uu Qiray In ay Jiraan Waxyaabo badan Oo U Qabsoomay Dowlada Marka La Eego Dhinaca Horumarinta Deeganada Puntland.

 

Gudoomiyaha Gobolka Bari C/xaafid Cali Yusuf Waxaa uu Sidoo Kale Amaan Buuxda U soo Gudbiyay Dhamaan golayaasha Dowlada Puntland Marka La Eego Sidii Ay Horumarka Uga Sameyn Dhinacyada ay U Xil saarnaye.

 

ugu danenbeytiina Maamulka Gobolka bari ayaa kula Dar daarmay Masuuliyinta dowlada Puntland In ay sii Wadaan Howlaha Dhinaca Horumarinta Dalka ah Iyagoona Kaashanaya Bulshada KU Dhaqan Gudaha Puntland.

 

Mohamed A RashiiD

RBC Radio Boosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

President Farole summed up some of the great achievements that have been made and also some of the upcoming achievements to come.

 

He said firstly that all resources and manpower will be utilized to help puntland through this drought crisis.

He said yemen consulate will be opening garowe. He said Bosaso iyo Yemen airport way isku xiran yihin and direct flights are possible. He also said addis ababa and garowe airports are direct also. He also mentioned direct flights from djibouti.

He said that puntland will continue with the naval project and will not stop for anyone. He also mentioned no arms embargo is being broken because the arms will come thru the tfg channel. Excellent line to silence the hargeisa into dumbfoundedness.

He also urged odeyasha dhaqameedka somaliyeed inay ka saran cudurka qabilka sida uu dawladeen ay carurta daawo uu sinayan for cudurada sida tbka.

He also foresighted when puntland uses it resources fully meaning oil/fishery sector that we will become rich state that will be transformed into donor giving state helping other countries.

He mentioned that puntland is opening a puntland consulate in kenya which will stop farole from going to nairobi all the time

He urged the business community to implement alternative energy sources in puntland so we dont become reliant on charcoal and chopping trees down which will safeguard the environment.

He said that puntland would adopt an approach to idps which will distinguish them from genuine idps seeking shelter or idps who are seeking destruction/tahrib and so forth. The IDPS seeking destruction and tahrib will be deported immediately whilst the genuine IDP's will not be harmed

He also mentioned puntland prisons need to be developed more. He mentioned that puntland presidential guards not 1 of them chew khat and that now the goal is to move this no khat policy to police and darawish border troops. This is drug free security sector.

He also touched upon puntland democratisation program. he said that puntland will have fully western model type of democracy if the western world give the state support in implementing it however if that doesnt occur puntland will adopt an electoral type of democracy where the community at each city will vote for representative in the parliament and those parliament members will vote for who becomes president.

He mentioned puntland will be opening up more banks also

Share this post


Link to post
Share on other sites

Please note the wakiil offices in nairobi for puntland will also be of high-class as that is what farole said. Xafis Calami ah ayuu noqon doona. I am not sure if we have wakiil office in addis ababa because I think the consulate of addis ababa is enough to deal with puntland needs of visas and stuff like that to go to addis ababa for medical treatment. I know yemen is opening up consulate in garowe also so I doubt we will have a wakiil in yemen. But we have wakiils in areas where they dont have any intentions of opening a consulate in garowe which kenya is one of them and we have huge interest there. I think dubai will be next also

Share this post


Link to post
Share on other sites

I have some great fears puntland is building up to separate from somalia because to be quite honest it operating itself like it is an indepedent state. I fear this because consulates, wakiil offices are signs of nationhood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this