Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Bossaso City Will Be All Paved Not Just Airport Road. GUUL. PICTURES

Recommended Posts

Degmada Boosaaso oo yeelanaysa waddooyin cusub oo laami ah (SAWIRRO)

 

Jimco, 07 Janaayo, 2011 (HOL) – Maamulka degmada Bosaaso ayaa bilaabay olole aad u balaaran oo lagu hagaajinayo bilicda degmada iyo wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala goobaha faras magaalaha ee degmadu leedahay.

 

"Waxaan ugu tala galnay in isbadal lagu sameeyo fiditaanka magaalada,maadaama ay tahay magaalo ganacsi oo uu ciriirigu badan yahay"ayuu yiri duqa degmada oo la hadlay warbaahinta.

 

Maxamuud Beeldaaje Faarax ayaa sheegay in qorshahan ay ku baxayso lacag aad u fara badan,iyadoo ay taageerayaan ha'yado maxalli ah oo Bosaaso ka howl gala

 

Wadada ugu isticmaalka badan Bosaaso marka laga reebo laamiga ayaa waxaa ka howlgalayay shaqaale ka tirsan dowlada hoose ka tirsan,iyadoo dhamaan la xanibay isku socodkii dadka iyo gaadiidka wadadaasi inta ay shaqadu ku socoto.

 

"Sida aad la socotaan shaqada wadadan marka ay dhamaato waxaa loo badalayaa Laammi la mid ah keena caadiga ah sidaas ayaana loo isticmaali doonaa"ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha degmada.

 

Waxaa la sheegay in wadadan ay wax badan ka qaban doonto adeegyada bulsho ee magaalada ,waxaana ay ka imaataa laamiga ,iyadoo ku dhamaata madaxtooyada ilaa iyo maxjarka wayn ee xoolaha.

 

"Wajiga koowaad marka uu dhamaado wajiga labaad waxa uu noqon doono in laami la dhigo,taasi oo wax badan sahli doonta "ayuu yiri isna injineerka shirkadda wadadan gacanta ku haysa.

 

Ugu danbayntii maamulka ayaa ka codsaday shacabka degmada in laga taageero howlaha kor loogu qaadayo bilicda degmada oo iminka aad u kortay wixii ka danbeeyay bur-burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

 

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

boston@hiiraan.com

Boosaaso, Soomaaliya

 

 

 

laami1.jpg

 

laami.jpg

 

laami2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Those pictures are from hiiran online and they dont like the dhinaca airportka, it is right in the heart of xafadaha. According to HOL all of Bossaso is going to be paved. If this is true, Waa guul-weyn uu soo hoyatay magalada bosaso.

 

Another correction to HOL, ma ahan degmo bossaso wa magaalo.

 

13295_108376945869162_100000905704365_55

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this