Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Bossaso Airport Clean Up Day. PICS

Recommended Posts

Maamulka Madaarka Boosaaso oo wada Howlo Ku aadan bilicda garoonka.

 

 

Maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso ayaa wada howlo lagaga shaqaynaayo,bilicda iyo quruxda garoonka diyaarada kuwasoo ay kamidyihiin hagaajinta nadaafada garoonka iyo cagaarka ama dhirta kudhextaal garoonka.

 

Maamulkaan cusub oo ayagu dhowaan xilka kala wareegay maamulkii hore ayaa dhawaanahaanba waday how lahaan ay kuqurxinayaan garoonka

 

Garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa waxaa laga dereemayaa isbadal dhanka bilicda iyo nadaafada ah tan iyo intii uu xilka lawereegay maamulkan.

 

Garoonka Bosaso ayaa haatan ah midleh goobo soo jiidanaaya indhaha dadka aygu kasoo degaya iyo kuwa kadhoofaya garoonka kuwaasoo ay kamidyihiin dhir aad u cagaaran,goobon waaskooyina oo biya duljiifaan iyo waxyaabakale.

 

Maanta Mar aynu Booqasho ku tagnay ayaa waxaa siweyn uga soconayay Howlo Nadaafadeed oo ay Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Garoonka wadeen iyagoo Gaadiid waaweyn ku gurayay waxii bilicda wax u dhimaya sida qashinka yar yar iyo dhagaxaanta.

 

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso C/qadir Maxamuud (Jeenigaab) oo isaga oo ku jira Howlaha Nadaafadeed ee soconayay ayaan kala sheekeysanay howlahan soconaya, waxaana uu sheegay in ay tahay mid ay khamiis walba qabtaan maamul walaa shaqaalaha Airport-ka Magaalada Boosaaso islamarkaana ay uga golleeyihiin in ay ku soo saaraan bilicda Madaarka .

 

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaarada oo iyagana halkaasi aan kula kulanay ayaa waxay sheegeen in ay u heelan yihiin sidii ay wax weyn yuga qaban lahaayeen bilicda Garoonka, waxaanay ku qeylinayeen halku dhigyo ay howsha ku wadayaan sida, Halkudhiga (Daawanaayoow waa dalkaagii waxa dib u dhacay, Dadna haku haleyn)

 

Mid ka mid ah Gabdhaha ka shaqeeya oo lagu magacaabo Faadumo ayaa sheegatay in howlahan nadaafadeed yihiin kuwo ay soo hindiseen Masuuliyinta Cusub ee iminka garoonka la wareegay, iyadoona amaantay Maamulkan Cusub islamarkaana ku tilmaantay Mid Baraarujin iyo Howl wanaagsan wada.

 

Sidoo kale waxaa intii ay soconayeen howlaha Nadaafadeed halkaasi kormeer shaqo ku yimid agaasimaha Duulista Hawada Dowlada Puntland, waxaanu ku tilmaamay howlaha soconayaa mid aad loogu farxo .

 

Si kastaba ha ahaatee marka la eegto bilicda garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ayaad arkeysaa isbedel weyn tan iyo intii uu gacan ku heynta garoonka la wareegay Maamulka Cusub ee hada ka arimiya.

 

Daawo Sawirada

 

5329943490_3392918fe9.jpg

 

5329937320_bd74134f15.jpg

 

5329316701_280b25fcd5.jpg

 

5329295711_877d4662ae.jpg

 

5329878546_a8c82a7ec9.jpg

 

5329255419_32edd996e7.jpg

 

5329254395_612cb916de.jpg

 

5329865036_259b2b7837.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

The above pics are my selection, I selected the ones I feel show the hard work being done by Puntlanders. Now that Bossaso has good local government, airport management and a semi-decent state government we need to work hard. We need to make it green, post up traffic/air signal signs/ Hotels are already there and established.

 

We need to finally pave it and have the airport facing the oceanic views as a superb view. Good on all the workers for getting in there and doing their bit and if I was there even I would pick up a rock for the city. Hawsha halkas kasi wada iyo airportkan wa inu noqda airport calami uu ah reer puntland. When I get off bossaso I want to feel I have entered a city with a government system

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this