Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Benadir Mayor Reports To Mogadishu Puntland Is A National Government

Recommended Posts

GAROOWE:Puntland Waa Dowlada Qaran ‘’Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Uga Warbixiyey Saxaafada Mudisho Guushii Tartanka Ciyaaraha G/somaliya(SAWIRO).

Posted to the Web Jan 06, 13:56

 

 

GAROOWE(PP):-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md Maxamuud Axmed Tarsan oo ka qeyb galay tartankii finaalka ciyaaraha gobolada oo ay ku guuleysteen ciyaartooydii gobolka Banaadir ayaa sheegay in tartankasi uu soo xasuusiyay waagii bari-samaadka ciyaartii finaalka aheyd ee dhex martay Hargeysa iyo Jowhar oo ka dhacday Istadium Muqdisho.

 

“Markii aan Garowe aadayay wa naca dhulka ah aan ugu baxay Garowe, iyadoo aan wadada ku sii arkay dad iyo deegaan nabdoon oo xoolaha iyo Ugaartu ay hal meel wada daaqayeen” ayuu yiri gudomiyaha gobolka Banaadir.

 

Md. Tarsan oo sheegay inuu waligiis tagin Gaal-kacyo iyo Garowe, Md Tarsan ayaa uga mahad celiyay madaxda Puntland iyo shacabkooda oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dad ku dayasho mudan oo isu hogaansan, isagoo hoosta ka xariiqay in madaxweyne Faroole uu balan qaaday in sanad kasta uu marti gelin doono ciyaaraha Gobolada Dalka

 

“Waxaan dhex mushaaxayay habeenkii ilaa seqda dhexe magaalada garoowe oo nalalka ka shidan iyo dhismooyinka cusub aad yaabeyso, waxayna isoo xasuusisay bari samaadkii muqdisho sida ay ahaan jirtay iyo sida ay hada tahay taasoo caloosha I gedisay” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho oo sheegay inuu ka maqsuuday booqashadii Garoowe.

 

 

Siciid C/salaam Siciid

 

Wakiilka Puntlandpost-Puntland

 

E-mail loole15@hotmail.com

 

files.php?file=xamar4_302904707.jpg

 

files.php?file=xamar1_781025248.jpg

 

files.php?file=xamar3_945745115.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this