Abdirazak_PTL Posted January 7, 2011 Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyey Miisaaniyada Sanadka 2011-ka iyo Degmo Cusub About: 19 hours ago Baarlamaanka Puntland ayaa kalfadhi ay ku yeesheen magaalada Garoowe ku ansixiyeen Miisaaniyada sanadka 2011-ka oo ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadda Puntland. Kulanka maanta oo uu shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa kasoo qaybgalay mudaneyaal tiradooda gaarayso 39-Xildhibaan. Xildhibaanada ayaa Miisaaniyada la horkeenay sabtidii lasoo dhaafay,waxaana horgeeyey Wasiirka Maaliyadda Mudane Faarax Cali Shire kaas oo gaaraysay 74-bilyan Shilin Soomaali ah. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulanka kadib Saxaafada u sheegay in 29-kamid ah Xildhibaanada ay ansixiyeen miisaaniyada sanadka 2011-ka. Dhanka kale Baarlamaanka Puntland waxaa ay ansixiyeen degmo cusub oo kamid noqonaysa degaanada hoos tega gobolka Bari,waxaana lagu magacaaba Gunbax iyadoo hore ay tirsanayd degmada Iskushuban. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdirazak_PTL Posted January 7, 2011 Baarlamaanka Puntland Oo La Xisaabtamay Hay’addo Kamid ah Dawladda Iyo Kala Fadhigii 25-aad Oo Maanta Lasoo Xiray Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa shalay (Arbaco) oo ku beegnayd 5.1.2011,waxaa hor yimi oo ay la xisaabtameen Hay’addo ka tirsan DawladdaPuntland,kuwaasi oo kala ah: Wasaarada Arrimaha Guddaha Puntland. Hay’adda Pasaweyn. Hay’adda Jidadka u qaabilsan Puntland ee NESHA. Iyo Hay’addo kale. Xildhibaan Axmed Siciid Muuse oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Puntland oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay sababta ka danbeeysay in loo yeero Hay’adahaasi ay salka ku hayso in ay miisaaniyadooda soo gudbiyaan,maadaama buu yiri aysan qayb ka ahayn miisaaniyada Wasaarada Maaliyada Puntland ay usoo gudbisay golaha Baarlamaanka Puntland ee ay maanta ansixiyeen. Wuxuu intaasi ku daray in Wasaarada Maaliyada miisaaniyada ay usoo gudbisay gollaha Wakiilada ay ku koobnayd kharashaadka dawlada dhaxe isla markaana aysan ku lifaaqneyn miisaaniyadaasi tan dawladaha hoose iyo hay’addaha madaxa banaan. Mudane Axmed Barre ayaa hoosta ka xariiqay in qodobka 135-aad farqadiisa 3-aad uu qeexayo in la mideeyo miisaaniyadaha wadanka oo dhan,wuxuuna xusay in dawlada hoose iyo hay’addaha madax banaan ee qaada lacagaha dadka laga qaado ay ogolaadeen in ay soo gudbiyaan miisaaniyadooda. ….”Dawladaha hoose wakhtigaan hawshooda wey bilaabeen,waxaan rajeyneynaa in guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland u gudbiyaan miisaaniyadooda…”ayuu yiri. Kalafadhigii 25-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Soo Xirmay Iyo Ajandayaasha ay Ansixiyeen Kalafadhigaasi. Xildhibaan Axmed Barre ayaa sheegay in ay maanta soo gabagabeyeen kalfahiga 25-aad oo soconayey muddo ka badan laba bilood. Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa kalfadhiga 25-aad uu si rasmi ah ugu furmay 31.10.2010,waxaana ay ansixiyeen ajandayaal u badan xeerar iyo shuruuc ka mid noqonaya shuruucda dalka lagu dhaqayo. Waxaa kamid ah ajandayaasha ay ansixiyeen: Xeerka Doorashooyinka Puntland. Xeerka la dagalaanka mukhaadaraadka. Xeerka la dagaalanka Burcadbadeeda. Xeerka la dagaalanka Tahriibta. Wasiiro iyo Wasiiro kuxigeeno uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Puntland oo ay xasaanada siiyeen. Bakhaarada raashinka WFP ay ka dhista garoonka diyaaradaha in laga raro. Degmooyinka Bali Dhidin iyo Gumbac oo kamid noqonaya degmooyinka Puntland. Ansixinta miisaaniyada dawlada dhexe ee Puntland ee sandka 2011. Waxaa sheegid muddan in ajandayaasha Baarlamaanka hor yaalay ay kamid ahayd shirkada Sarecen International oo aysan codka kalsoonida u qaadin uu Baraalamaanka Puntland uu soo xirmay kalfadhigii 25-aad maanta. Waxaa la filayaa in mudanayaasha Baaralamaanka Puntland oo sanadkii yeesha laba kalfadhi uu dib u furmo kalfadhigoodu 26.6.2011,waxaa inta u dhaxeysa laba kalfadhi ay yeeshaan Baarlamaanku inta ka horeysa si shaqayn doona guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland. Cismaan Turaabi Horseed Media Boosaaso,Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdirazak_PTL Posted January 7, 2011 I have one question to Puntland Parliament inti aad hayadaha iyo halkasi la tagi laha, horta idinku isku noqda oo hisaabtama. Bal meeye Parliamentka Puntland iyo xarunteeda cusub? In-kasto wasaradihi wa-weyna sida healthka Education Iyo kuwa kale wala dhamayay sida financeka lakin ma arag wasarada amniga inkasto wa wasarad muhimteeda lee dahay. Horta puntland parliament haka jawaban arimahani. Where is the government zonal project in the west-end of garowe? Sow laguma heeshin in wasaaradaha dhan halkas loo gudbi doono iyo baarlamanka sida "west-end" style in london. We need to really finalize this and stop wasting time and I urge puntland parliament to get tough on the construction companies. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdirazak_PTL Posted January 7, 2011 GAROOWE: Baarlamaanka Puntland oo Asaxiyey kordhinta Mushaharka Ciidamada Qaranka Puntland. Posted to the Web Jan 06, 09:02 GAROOWE(PP):-Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa maanta asaxiyey kordhinta mushaharka ciidamada qaranka dowlada Puntland iyo sidii tiro koob saxa loogu samayn lahaa ciidamada puntland. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in ay kordhinta mushaharka ciidamada qaranka puntland ay tahay mid muhiima iyadoo ay si rasmiya u meel mariyeen wallow aysan jirin xubno ka aamusay, ciidamada maanta mushaharka loo dhordhiyey ayaa waxaa ka mida Ciidamka booliska, ciidanka daraawishda iyo ciidamada Asluuba iyadoo ay asaxinta ka hor su’aalo badanka waydiiyeen gudiga dakhliga golah baarlamaanka Puntland islamarkaasna waydiiyey sida ay u arkaan. Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa doodooda ku daray in la cadeeyo Mushaarka rasmiga ah ee uu qaato Askari kasta oo katirsan Puntland marka laga reebo lacagaha lagu bixiyo Raashinka ciidamada & Waxyaabaha kale ee daruuriga u ah ciidanka kaladuwan ee Dawlada. Dooda Xildhibaanada ayaa sidoo kale lagu soo diray in taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ay soo gudbiyaan Tirakoobka rasmiga ah ee Dhamaan Ciidanka mushaariga ka ah dawlada Puntland,taas oo ay Xildhibaanadu ku doodayaan inaysan jirin tiro rasmi ah oo ay hayaan madaxda ciidanka Qalabka sida,waxaana ay codsadeen in la kordhiyo mushaarka ciidanka la cadeeyana inta uu qaato Askari kasta islamarkaasna ay Taliyeyaasha Ciidamada Qaranku soo gudbiyaan Xogta rasmiga ah ee Tirakoobka Ciidamada. Ugu dambayntii waxaa arintaasni ay faraxad galinaysaa ciidamada qaranka puntland ee horay u qaadan jirya mushahar aan *****li Karin nololmaalmeedkooda islamarkaasna aan *****li Karin baahida jirta iyadoo ay jiro xaalad adag. Siciid C/salaam Siciid Wakiilka Puntlandpost-Puntland E-mail loole15@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdirazak_PTL Posted January 7, 2011 Whats wrong with Sol Today? Cant post threads at all Quote Share this post Link to post Share on other sites