Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Pirate officials robbed after a bribe attempt

Recommended Posts

Wasiiro Puntland U Soo Dirtay Bariga Sanaag Oo Doonayey Inay Isku Keenaan Atam Iyo Faroole Oo Fashilmay Iyo Lacag Ay U Wadeen Oo Kooxda Galgali Xoog Kaga Qaaday

 

“Kooxda Atam Waxay Ka Dhaceen Wasiirada Puntland $300, 000, Waxaanay Dalbadeen Gurmad Ciidan”

 

Hargeysa, January 6, 2011 (Haatuf) - Wafti Wasiiro ah oo ka socda maamul goboleedka Puntland oo habeen hore soo gaadhay degmada Dhahar ee bariga Sanaag ayaa ku fashilmay isku day ay ku doonayeen inay ku dhex dhexaadiyaan madaxweyneha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wadaadka kooxda Gal-Gala Maxamed Siciid Atam ee dagaalka kula jira maamulkaasi ee ka dagaalama buuralayda Gal-Gala.

 

Waftigan Wasiirada Puntland oo uu hogaaminaayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan Shire oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka aminga Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed ayaa waxay ilo xogogaal ahi oo ku sugan degmadaasi Dhahar ay wargeyska Haatuf u xaqijiyeen in Wasiiradaasi ujeedada socdaalkooda ay ku doonayeen ahaa siddii ay heshiis uga dhex dhalin lahaayeen Faroole iyo wadaadka Atam, balse waxa la kulmay saraakiil ka socda kooxda Atam oo ay u soo ban dhigeen inay doonayaan sidii hogaamiyahooga Atam iyo madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ay heshiis uga dhex dhalin lahaayeen, isla markaana u soo bandhigeen lacag mag dhaw ah oo gaadhaysa $300,000 dollar oo ay ku sheegeen in maamulka Puntland ugu talo galay ciidamadii kooxdooda kaga dhimatay dagaaladii Gal-Gala iyo laba Maxbuus oo ka mid ahaa Maxaabiistii kooxda Atam ay kaga qabteen degaaladii Gal-Gala una sheegeen hadii qodobadaadasi ay fuliyaan inay sii dayn doonaan.

 

Waxa kale oo ay ilo wareedyadu intaa ku dareen in qodobada nuxurkooda ay Wasiirada Puntland gun-dhiga uga dhigeen ayna soo jeediyeen in Atam la heshiisiiyo maamulka Puntland ciidamadooda-na ay kala baxaan buuralayda Gal-Gala.

 

Sida ay ilo wareedyadu noo xaqijiyeen xubnaha kooxda Atam ka socotay oo la sheegay inay aad u hubaysnaayeen ayaa iyagu si xooga ugala wareegay lacgtii magdhawga ahayd ee $300,000 ahayd ee Wasiiradu sideen, intaa ka dib-na la sheegay in ciidanka ka socday kooxda Atam ay gaashaanka ku dhufteen qorshayaashii kale ee ay Wasiirada Puntland wateen, iyadoo tibaaxuhu-na sheegeen in ciidamadii kooxda Atam ee deegaanka Dhahar kulanka kula yeeshay Wasiiradaasi ay xalay dib ugu laabteen saldhigyadoodii buuraha Gal-Gala oo uu ku sugan yahay hogaamiyahooga Maxamed Siciid Atam ee isagu sida weyn dagaalka ugula jira maamulka Faroole ee Puntland.

 

Labadan Wasiir ee Xanaanada Xoolaha Cali Xasan Shire iyo Wasiir ku xigeenka amniga Mr. C/Jamaal ayaa iyagu ka soo jeeda jifada Dubays ee uu ka soo jeedo Mr Atam, hase yeeshee fashilaadaasi kaga dhacday qorshihii ay u yimaadeen Dhahar ayaa la sheegay inay si weyn ugu hungoobeen, isla markaana ay ka qoomameeyeen lacagtaasi ay kala wareegeen kooxda Gal-Gala.

 

Dhinaca kale ilo wareedyo aanu xalay saqdii dhexe ka helnay deegaanada Dhahar iyo Gal-Gala ayaa noo xaqiijiyay in kooxada Wasiirada ah ee Puntland ee ku fashilantay qorshahoogii ay dhinaca Puntland ciidamo ka dalbadeen ay ku weeraraan kooxda Atam, halka la sheegay kooxda Gal-Gala ku suganina inay isku diyaar garaysay dagaal ay kala hor tagaan ciidanka Puntland oo la sheegay inay halkaasi ilaa xalay ku soo qul qulayeen gurmadyo ay labadooda dhinacba ay dalbadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiiro Puntland U Soo Dirtay Bariga Sanaag Oo Doonayey Inay Isku Keenaan Atam Iyo Faroole Oo Fashilmay Iyo Lacag Ay U Wadeen Oo Kooxda Galgali Xoog Kaga Qaaday

Anna waan yaabbanaa waxay la qaylinayaan .. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxdi budhcad badeeedka Shilimadi na inta laga xoogay heshis na wa so wayeen iyago fadho madhan bay garowe ku noqonayan allah ha u sahlo.. odaygi faroole cawa laga yaaba inu golihisa budhcad badeedka inu wax ka badalayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiiro Puntland U Soo Dirtay Bariga Sanaag Oo Doonayey Inay Isku Keenaan Atam Iyo Faroole

Hadhow bay qaar aan ogahay odhan waa Shabaab ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this