Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Cid uun Baa inna Toosin

Recommended Posts

Koox aannu wadaagno golaha emailka oo aan su’aal weydiiyey bay inantu ku jirtaa. Warcelintii weydiinta inaan saluugay baan u sheegay. Warcelintoodu ma qaldanayne mindhaa anigaa jawaab kale doonayey, mooyi, si ay tahayba ku qanci waayey wayse ku mahadsan yihiin.

 

Kooxda intooda badan maannu kulmin mid iyo laba mooye, golahan uun baannu wadaagnaa.

 

Intooda badan af ingiriisi aan laaxin lahayn bay wax ku qoraaan oo afkaarta isku weydaarsadaan, aniguse af soomaaliga ayaaban laaxin tiri kari la’ayahay oo la gabbadaa, waabase af kale.

 

Afsoomaaliga way ku hadlaan waanay qori karaan, haddana malaha sidan bay ka doorbideen, waxa laga yaabaa inuu qaarkood ku adag yahay…ka ugu yari waxoogaa Soomaali ah buu ku soo dhex daraa.. anna mar haddaan fahmayno waa iska hagaag baan idhaa, waxa ay qoraan waan akhristaa afkaar kalese kuma darsado.

 

Inta aan ka garanayaa ugu yaraan 20 sanno ayey barafka ku foorareen, labaatankaa labaatankooda oo labaatan kale lagu daray anna golcasta ayaan gacanta iskaga dhigayey. Waxa isle’eg inta ay kulayl arkaan iyo inta aan qabow arko sannadkii.

 

Kolkaan kooxdii golaha yara dhaliilay waxay tidhi inantii, “Ha iga maagin dadkan waqti baa iga galaye”.

 

Hadalkaasi aad baan uga helay. Weli maan arag qof yidhaa ‘lacag baa iga gashay’ mooyee ‘waqti baa iga galay’.

 

Waqtiga in isku mid ah baa laga haystaa laakiin sida looga kala faa’iidaysto uun baa loo kala badiyey. Kama hadlayo waqtiga qiimihiisa oo waa la wada ogyahay inkastoon la wada arag.

 

Haddana waxay tidhi, “Dadka aan soo baraarujiyey ha iga maagin”.

 

Hadda garo oo way baraarugeene weli saani uma ay toosin.

 

Baraaruggu sida aan u aqaan waa marka hurdada laga tooso tiiyoo badh kuu hadhsan yahay, cabbaar kadibna waa lagu noqdaa. Malaha inta aanay hurdada ku noqon bay ka gaadhsiinaysaa inay wax u sheegto. Oo ma dad hurda ayey farriin u sii faraysaa?

 

Haddana waxay tidhi, “Dadkan si aan u toosiyo Ilaahow i bar.”

 

“Oo hurdo uga toosiso mise qallooc?” baan weydiiyey.

 

“Hurdadaa iigu daran. Haddaan hurdada ka toosiyo qallooca waan ka toosin karaa, hadday hurdaanse qallooc kama toosin karo” bay tidhi.

 

Hadda waqtigaa aanu wada hadlaynaa waa afartii habeennimo waqtiga Afrikada Bari. Qoraal gaagaaban baannu ku wada hadlaynaa.

 

Way sii wadday hadalkii, “Dhibaatadu waxa weeye intii wanaagsanayd baa hurudda, intii qaloocdayna way soo jeeddaa”.

 

Waxan ku idhi, “Xikmaddaadu caawa in ugu yaraan la weeleeyo ayey u baahan tahay.”

 

“Adigaa qori bay tidhi,”

 

Idhi “Waan daallanahay”

 

“Daalka waan necebahay” bay tidhi.

 

“Marka la toosiyo maxay qabanayaan?” baan weydiiyey.

 

“Wanaagga waddankooda iyo danahooda ayay ku dhaqaaqayaan”.

 

“Kuwa qallooca ee soo jeeda ma toosinnaa, kuwa wanaagsani ha iska hurdaane?” baan haddana waydiiyey.

 

“Maya, kuwa qaloocan seexi.” Bay tidhi.

 

“Haddaba waa goor dambe ee iska seexo” baan ku idhi.

 

“Ma kuwa qalloocan oo in la seexiyo ay tahay baan ku jiraa?” bay la soo boodday.

 

“Maya, balse si aad kuwa wanaagsan ee hurda ugu biirto, waadigii yidhi intii wanaagsanayd baa hurudda.”

 

“Badow yahow dib ha u celin dadka soo baraarugay, sow muu odhan Xasan Sheekh Muumin” bay tidhi.

 

Maya Dheeg buu ahaa” baan idhi.

 

Waa iska hagaag haddii aanay shakespear ku sheegin.

 

Caawa hadal badnidayda ayaan ka yaabay, tolow iyana ma ila yaabban tahay mise iyada qudheedu hadal badnideeda ayey la yaabban tahay?

 

“Dee innana ma iska seexanna si aan kuwa wanaagsan ee hurda ugu biirno, cid uun baa inna toosine, kolka kuwaasi toosaan baynu toosiye?”

 

“ MAYA” bay tidhi.

 

“Oo miyaan kuwa qalloocan ee soo jeedaa inna toosinayn”.

 

“Wax qallooca ka toosiya ayey u baahan yihiine”.

 

“Oo haddii qallooca laga toosiyo miyaanay sida kuwa wanaagsan seexaneyn?”

 

“Yaa ka toosinaya”

 

“Innagaa ka toosinayna hadday hurdada innaga toosiyaan”

 

“Innama toosinayaan oo inaynu hurudnaba ma oga”

 

“Innagu miyeynu ognahay inay qalloocaan?”

 

“Xaggaynu ka ognahay, soynaga hurudna, ma qof hurdaa wax og?”

 

“Maxaa talo ah haddaan midkeenna midka kale toosin karin?”

 

“ Cid uun baa inna toosin”

 

HMM..cid..cid…cid uun baa inna toosin… tolow waa ayo ciddaasi?

 

 

 

 

 

Qalinkii: Xasan Cabdi Madar

nabaadiino@yahoo.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this